Wasiir Xaglo-toosiye oo ku Guul-daraystay Baajinta Shir Beeshisu qabsatay Buuhoodle oo laga soo saaray Go’aamo Dhabar-jab ku ah Siyaasadiisa

Wasiirka Dib- u dejinta Somaliland Saleban Ciise Axmed Kaar (Xaglo-toosiye), ayaa la sheegay inuu ku guul-daraystay Baajinta Shir  Madaxdhaqameedyada Buuhoodle mudo uga socday Duleedka Magaaladaasi, kaasoo maalin saddexaad halkaasi lagu soo gabagabeeyay, lagana soo saaray go’aamo lid ku ah Qorshaha siyaasadeed ee ay xukuumadda Somaliland deegaamadasi ku waajahaysay Beryahan dambe.

Shirkan oo sida la sheegay Qodobada laga soo saaray Caqabad ku noqonayaan Geedi socodka dedaalkii nabadeed ee Xukuumadda Siilaanyo waday ee ku aadanaa Bulshada Goboladda Sool, sanaag iyo Buuhoodle, waxa la sheegay in Wasiirka Dib u dejintu isku dayay sidii uu u fashili lahaa qabsoomidiisa iyo isfahamka lagu gaadhay oo meesha ka saaraya Yoolkiisa siyaasadeed ee ku waajahan Buuhoodle oo ah Magaaladu deegaan ahaan ka soo jeedo.

Wasiir Saleban Xaglo-toosiye ayaa wararku sheegayaan inuu baajinta shirkaasi u adeegsaday lacago uu u diray dad ka mida taageerayaashiisa oo sida wararku tibaaxayaan uu ka dalbaday inay Shoobaro ku furan shirkaasi oo markii hore u gaar ahaa Beelaha Aadan Axmed ee deegaanka Buuhoodle ilaa dhinaca Itoobiya oo ah Beesha uu Wasiirku ka soo jeedo, balse go’aamadii laga soo saaray lagaga dhawaaqay Madal ay ku dhanyihiin Waxgaradka iyo Cuqaasha Ardaayada Reer Buuhoodle.

GGo’aamada laga soo saaray Shirka oo isugu jiray kuwo ku tacaluqa danaha Bulsho iyo wada Noolaanshiyaha Beelaha shiray iyo kuwo dhinaca siyaasadda taabanayay oo beeluhu ugu xaglinayaan mawqifkooda siyaasadeed xiligan, waxa ugu muhiimsanaa dhinaca siyaasadda In Bulshada Aadan Axmed Taageersantahay Maamulka Khaatumo, Inay Ciidamada Somaliland ka baxaan Gobolka Sool iyo Deegaamada ay ka joogaan buuhoodle iyo Inay beeshu Xidhiidh cusub  la sameeyso Dawlada Kilalka shanaad ee Itoobiya, sida uu Shirkaasi kaga dhawaaqay Caaqil. Ismaaciil Xaaji Cabdi Cumar Camay oo ka mida Cuqaasha Beesha Wasiirku ka soo jeedo.

Dhinaca kale, xubno ka mida Isimadda ugu waaweyn ee Deegaamada Buuhoodle oo aan shirkaasi ka soo qayb gelin, ayaa la sheegay inay taageereen Go’aamada shirkaasi laga soo saaray,waxaanay xubno ka mida Waxgaradka Deegaanku sheegeen inay isimadii Gobolku ku maqanyihiin Dejinta xiisad colaadeed oo ka taagan deegaamo dhinaca Puntland ah, taasina ay tahay  sababta ay uga soo qayb geli waayeen shirka.

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Beelaha Reer Buuhoodle yeeshaan tan iyo markii xilka loo magacaabay Wasiir xaglo-toosiye oo ahaa Hogaamiyihii SSC, kaasoo markii uu mudo ka hor dhinaca Somaliland u soo talaabay dad badani filayay inuu ka shaqayn doono sidii uu meesha uga saari lahaa Tashuushka siyaasadeed ee Bulshada reer Buuhoodle ku furan tan iyo markii uu sameeyay Nidaamkii SSC.

Wasiir Xaglo-toosiye oo hada ku sugan Magaalada Hargeysa, ayaan  ilaa hada qaadin wax talaabo ah oo  ku saabsan midaynta siyaasada Deegaankiisa iyo tir-tirida Kooxda la baxday khaatumo oo ka dhalatay fakiradii siyaasadeed ee xaglo-toosiye, balse maamul ahaan ay ku qadhaabtaan xubno uu ka mid yahay Cali khaliif Galaydh iyo Cali Ciise Cabdi oo ah laba Nin oo ka soo jeeda Gobolka Sool.

Si kastaba ha ahaatee Qaar ka mida Odayaashii ka qayb galay Shirka oo Wargeyska Waaheen wax ka waydiiyay waxyaabaha ay Go’aamada shirka ka soo baxay ka bedelayaan aragtidii siyaasadeed ee Bulshada reer Buuhoodle ayaa sheegay inay wax badan ku soo kordhinayaan midnimada iyo wada noolaanshaha shacbi ee Deegaanka, halka wasiir xaglo-toosiye oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino mawqifka uu ka taaganyahay go’aamada shirka ka soo baxay iyo talaabada uu qaadayo si uu u meelmariyo qorshaha nabadeynta ah ee ay Xukuumadda uu ka tirsanyahay dhulkaasi kula macaamilayso, sidii uy hore u sheegay, ayaanay noo suurto gelin ka dib markii Xafiiskiisa aanu ka waynay, telefoonkiisa gacanta oo aanu isku daynay inaanu kala xidhiidhnaana Xidhnaa ama Hawada ka maqnaa.”

Source-BOA

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player