Golaha Guurtidda Somaliland Oo Warbixin Ka Dhagaystay Wasiirka Daakhiliga Maxamed Nuur Caraale

Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland,ayaa Fadhigoodii Maanta oo uu shirgudoominayay Gudoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Guurtida Sheekh Axmed Sheekh Nuux Fure,waxa Mudanayaashu ay Warbixin kaga Dhegaysteen Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Md.Maxamed Nuur Caraale oo uu Waheliyay Taliyaha Laanta Socdaalka ee Somaliland.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa mudanayaasha warbixinka siiyaya xaaladda nabadgalyada ee dalka waxaana uu sheegay in guud ahaan dalku ku suganyahay xaalad amaan oowanaagasan, wasiir duur oo ka hadlayay dhawaaqii dhinac a nabadgalyada ee dhawaan ka soo yeedhay wadamada Britain iyo maraykanaka ayaa sheegay in xogta arintaas aanay wadamadaas la wadaagin hayadaha amaanka ee somaliland balse ay ku abuurtay feejignaan dheeri ah.

Wasiirku waxa uu xusay in in badan oo ka mid ah dadkii falalka amaan darada ah ka waday gobolka sool gacanta lagu dhigay kale uu Intaasi ku daray In Amaanka Gudaha ee Dalka Maanta Meel Fiican Marayo iyadoo aanay Jirin Ajaanib Wadanka Wax Loogu Geysty Tan iyo Markii La Asaasay Ciidamada SPU,Waxana Imika Lagu Soo Kordhiyay Ciidanka Booliska Lagu soo Ciidamada RRU ee Argagixisada La Dagaalanta iyadoo intaas ay U dheertahay Tababaro kala duwan oo la Siiyay Ciidamada Amniga Somaliland.

Wasiirka waxa uu Warbixintaasi Ku Tilmaamay in Shaqaaqooyinkii Gobolka Salal ka dhacay ay wakhtigan uu Yahay Mid aad u xasiloon Sidii Hore uu Gobolka ahaan jiray iyadoo Shaqaaqadiidana Lagu soo Dhameeyay Isafgarad iyadoo Warbixintaasi Wasiirku Ku Cadeeyay in Maanta Maalin uu Dalku Nabdoon yahay aanay Jirin.

Wasiirku Wasaarada Arimaha Gudahu Waxa uu Qiray in aan Marnaba Cabsida Aragagixisada Meesha Laga saari Karin,Maadaama ay Tahay Cabsi Caalamiya Arinta Argagixisadu waxa lala Hortagi karaa Dedaal iyo iskaashi Dhex Mar shicibka iyo Dawlada. Waxana Wasiirka Halkaasi Lagu Weydiiyay Su’aalo kala Duwan oo Dhamaantood uu Wasiirku Halkaasi kaga Jawaabay.

Somaliland.Org

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player