Boorama::Naadiga Akhriska Ee Maskaxmaal Readers Club Oo Xalay Buug Ay Ku Soo Bandhigtay Marwo Raxma Maxamed i Oo Ka Mid Ah Ardayad+SAWIRO

Waxaa caawa madasha maskax maal ee naadiga akhriska maskax maal uu soo
bandhigay topic carabka ahaa oo lagaga hadlaayay dhibka uu lee yahay
iyo faaiidada uu lee yahay carabka wanaag iyo khyar wixii uu qof
walibana hadhow lagu abaal marin doono.
 
Ugu horayn madasha sida wanaagsan loo soo agaasimay waxaa guraanka ka
akhriyay fadiilatul sh aw cali oo aayadkiisa aad u fiican ilahayna
xasanaad ha naga siiyo hana nagu anfaco.
 
Madashan caawa waxaa daadihinaysay nasra ali omar oo ahayd gabadh aad
u soo jiidanaysay bulshada iyo horumarka iftiinka ahna u tilmaamaysay
oo ka hadlaysay wixii uu carabku faaido lee yahay oo ahayd in wixii
wanagsan la raaco kalmadaha khayrka lehna aad u fiican yihiin
carabkeenuna yahay ka inoo keeni kara shar iyo khayr.
 
Martida caawa waxaa ahayd gabahd da’yar oo magaceeda la yidhhaado
Rahma Mahamed Daheeye oo si weyn uga hadlaysay topic carabka ah oo
dadweynaha soo jiidatay oo ka yaabisay boqolaal qof oo madasha
joogtayna ka lilmaysay oo ka sheekeynaysay arimaha bulshada anfacaaya
ifka iyo aakhiraba oo topickuna ahaa carabka khayrkiisa iyo faa idada
uu u lee yahay dadka oo ku dheeratay sheeko ay ka sheekaynaysay oo
dadweynaha madasha isku arkay ay ka yaabeen hadal cadaankeedii wax
yaaba badan oo ay ka hadashayna ka mid ahaayeen in ay carabku wanaag
iyo sharba u lee yahay hadba sidaas ugu hadashana yahay wixii khayr
lehna in lagu yidhahada fiican tahay.
 
Raxma mahamed daheeye oo hadalkeeda wali sii wada ayaa sheegatay wixii
 hadalka qofku ku halaayo haduu bato waa qof nuxurkii ka guuray ama
carabkiisa wax khayr leh ku hadal waa qof dambigu ku badan yahay oo
kaga faaiidaysan karaaya dadka oo uu ugu faaiideeyo kalimaadka xaqa
eebe lagu rumaysan yahay ku hadlo carbkiisana wixii kahyr leh ku
yidhahado oo iyadoo soo jiidatay shacabweyne madasha ka buuxay oo kana
yaabisay erayadii ay ka hadlaysay soona bandhigtay ilmaha asaaskiisa
hore in uu yahay in la soo hagaajiyo oo is barbardhigtay carabka
aadamaha hadba sida uu u isticmaalo wiilal yar yar oo mida heesaayay
oo laga yaabay ciyaartiisa oo mirqaansanaa iyo mid diinta ilahay ku
dhaaranaaya oo xadiisa wacdigiisana aad yaabaysay oo ka yaabiyay
dadkii qalbigoodu diintu ku dheehnaydka yaabiyay wiilka diinta ku
xadiisayay dadweynaha la daawan sinaayey.
 
Walai waxaa si toos ah u socotay khudbadii soo jeedinta ahayd ee ka
yaabisay dadweynaha madasha ee raxma mahamed daheeye oo ku soo
gunaanaday in loo baahan yahay kalimadka saxda ee xaqu ina faraayo  oo
sheegtayna in carabku labadaasiba ku soo jiidaayo khayr iyo wanaag
wixii aad ku hadasho ee wanaagsana xasanaad ku jiro sacab iyo ducona
loo tumay inta fadhigii laga kacay.
Dhanka kale gudoomiyaha shirkada telesom abdiqaadir aadan nuur oo ka
hadlay madsha ayaa ka hadlay in sidaasi walaasheen sheegtay lagu
dhaqaaqo oo laga faaiidaytay anigun hadaan ahay dadkii ku ilmeeyey
madasha dhexdeeda waxaan gudoonsiinaya hadyad  uu ugu talo galay iyada
iyo sabadeed raxma mahamed daheeye,iyo saxiibadeed nasra ali omar oo
iyana gudoontay hadyadaasi gudoomiyihu bixshay oo ahayd gabadhii
daadihinaysay madasha xaflada la isku arkay.
 
Waxaa kale oo ka hadlay madasha maskax maal liibaan cawaale liibaan oo
sheegay in soomaalida kooda fiican ay xabaasha ku aasan oo ayna ku
dhiiri galinin qofka fiican in uu yahay mid dadaal badan balse la aaso
soomalideenuna ay nafteeda u daran tahay sheegayna in ilahay la tala
saarto loona baahan yahay qofka dadaal keena in la sii dhaqaajiyo oo
la dhiiri galiyo niyadana loo dhiso sidaasina wax waliba ku
hagaagayaan hadlkiisana raacshay in loo sara kaco raxma mahamed
adaheeye oo ah gabadh ka yaabisay dadweynihii madasha fikir fiican ka
sheegaysay dadkana ku dhiiri galisay in lagu dhaqmo lagana midha
dhaliyo sacab iyo ducana lagu hibeeyey oo dadwenuhu ku sagootiyeen
hadalkeedii wanaagsan.
 
Gudoomiyaha naadiga bandhiga cilmiga iyo caqliga mahamed omar cismaan
oo isna ka daba hadlay wiil si fiican uga hadlay bulshada soomaaliyeed
dhibaatada haysata iyo sida ay isku masaxdo mahamed waxa uu ku
dheeraaday in maanta dhibta taagan tahay qof wanaagsan in la arkay
balse bulshadiisii intay gunaanaday aastay oo god madow ku riday
taasina ayna faa’iido u lahayn dadkeena inaga soo daba kacaya oo
hadalkiisana kaga baxay in dadaal la gaaro.
 
Dhanka kale waxaa ka hadlay madasha tawakal abdi ali oo sheegay
kalimaadka inshaa alaah in markasta la xasuusnaado wax walibana ku
hagaagayaan oo ilahayna marka la tala saarto balse hadada ka tagto
kalmada inshaa alaah ay ku haagi waayaan waxaad u socoto iyo waxaad
qabsanayso oo ayna kolnaba wax ku hagaagayn rabina in la tala saarta
fiican yahay kalimaadka inshaa alaahna ha lagu dadaalo ku soo
gabagabeeyey.
 
Raxma xassan tubeec oo afka madasha ku hadlaysay khudbad kooban u
jeedisay dadweynaha ka muuqday madasha oo sheegtay in halkaasi laga
sii wadi doonoi madasha maskax maal oo ah madal dadaal ugu jirta
bulshada sheegtayna in kalimaadka carabka lagu hadlaayo inta khayrka
leh loo adeegsado.
 
Waxaa kale oo madasha ka hadashay haweenay da’deedu yar tahay sheegtay
in uruurkii iftin ee horumarka balaadhan ka sameeyey degmada boorama
oo indhahana magaalda u shiday ee iftin group magacoodii qolo kale la
baxday oo iyaguna yidhi waxaan nahay iftin group oo laydhadh ayan
magaalada qalinaynaa oo waxad fikir yeelataba qola kale kaa daba
qaadanayso balse horumar in aan sidaasi lagu gaadhayn wax hormur ah
balse xaasidnimaduna ayna faaiido lahayn iftin group waxay keentay
fikir laga yaabay oo dadweyna badan ka yaabiyay oo dadaalkoodana laga
arkay wax yaabahay u qabteen gobolka wdal degmadiisa boorama.
 
Isku soo wada duuboo waxaa madasha laghu soo gunaanaday hadalo aan
heray looga arag oo dhalin yaro badanna ka hadashay oo si wanaagsana
loo soo agaasimahy si wanaagsan ugu dhamaatay madashii xaflada ee
naadiga akhrisa ee maskax maal oo dadaal dheer ugu jira bulshadiisa
fiican ee la qabta fikirka fiican.
Reporter Liibaan Mahamed Ahmed (Liibaan Liimo)
Jaabur  warkaa soo habee waan galin lahaaye awood wali umaan yeelane
in aan galiyee dhal;inyaradii hadashayna waxay rabaan sawiiro  badan
sxb sidaasi samee gudoomiyahayga sare intii ugu hadalka fiicnayd ayaan
ku soo diraaya sawiiradana inoo badi sxb

 

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player