Xoogagga Al-shabaab oo weerartay Koontaroollo Boosaaso ku dhow iyo Xiisado ka taagan Deegaannada Puntland

Xoogagga Al-shabaab ee saldhiggoodu yahay buuraha Gollis ayaa xalay weerarro ku qaaday koontaroollo ku yaalla duleedka Koonfureed ee degmada Boosaaso, kuwaasoo dhaliyay khasaare kooban.

Wararka laga helayo degmada Boosaaso ayaa sheegaya in dagaalladu ay dhaceen xalay 10:30 fiidnimo ayna socdeen muddo kooban, waxaana lagu dilay mid ka mid ah xoogaggii Al-shabaab iyadoo aysan jirin khasaare soo gaaray ciidamada Puntland.

“Koontaroolka Laag oo 30-km u jira degmda iyo koontaroolka degmada laga soo galo oo isaguna 10-km u jira magaalada ayay weerarradu ka dhaceen, waxayna ahaayeen kuwo muddo kooban socday,” ayuu yiri goobjooge ku sugan Boosaaso oo la hadlay HOL.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in la iska difaacay xoogaggii weerarka soo qaaday, iyagoo sheegay inaysan jirin khasaare dhankooda ah, waxaana uu kusoo beegmayaa weerarkan xilli uu wasiirka ammaanka Puntland sheegay inay qaadayaan weerarro ka dhan ah Al-shabaab.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad oo Koontaroollada gobolka Bay ay ku soo qaadaan xoogagga Al-shabaab ee Gollis, iyadoo weerarkii hore oo dhacay horraantii bishii lasoo dhaafay ee December ayaa lagu dilay 11 askari oo ka tisran ciidamada Puntland iyo toddoba ka mid ah xoogagga Al-shabaab, iyadoo weerarradan ay imaanayaan xilli uu magaaladaas ku sugan yahay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole.

Dhanka kale, xiisado ka dhashay doorashooyinka ayaa ka taagan deegaannada Puntland ay ka taliso, iyadoo mucaaradku ay si aad ah uga soo horjeestaan muddada halka sano ah ee uu madaxweyne Faroole ku kororsaday muddada uu xilku hayo.

Siyaasiyiinta ku sugan Puntland oo magacyadooda sababo dhinaca ammaanka ah u qariyay ayaa sheegay in xiisadaha hadda taagan ay sababi karaan iska-horimaadyo ka dhaca Puntland, inkastoo madaxweyne Faroole uu dadaal ugu jiro inaysan dhibaatooyin dhicin.

Source-Hol

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player