Weftigii Wasiirada Ahaa Ee Loo Diray Xalinta Saylac Oo U Ambabaxay Jabuuti Lana Filaayo Inay La Kulmaan Madaxweyne Geeli+Dareenka Ku Xeeran Arintaasi

Wasiiradii reer Somaliland ee ku sugnaa Saylac ayaa maanta ka gudbay xadka Djibouti, kadib markii ay arinta kooxda rabshada wada u tag waayeen isla markaan u doonteen Djibouti inay kala soo xaajoodaan cid kale sidii ay kooxdan ugu qancin lahaayeen inay qaska ka daayaan Somaliland.

Arinta safarka wasiiradan ayaa soo shaac saaraysa sida ay xukuumada Somaliland u habranayso isla markaaana ugu fashilantay inay wax ka qabato kooxaha nabada ku cadawga ah ee Saylac ku sugan.

Wasiiradan oo markii ay xadka ka gudbayeen uu sii raacay wakiilka Somaliland u fadhiya Djibouti waxana lagu wadaa inay ku sugnaadaan Djibouti mudo 3 maalmaad ah, isla markaana ay halkaasi kulano kula yeeshaan masuuliyiin reer Djibouti ah oo ay suurta gal tahay inuu ku jiro M/Geele si xal loogu helo arinta Saylac.

Wararku waxa ay intan ku darayaan in dawlada Djibouti ay si wayn u danaynayso arinta Saylac iyada oo cabsi ka qabta in ay Saylac hadii ay gacanta u gasho kooxaha rabshada wada oo hayb ahaan is xiga mucaaridka Djiboutiay xarun uga dhigaan kooxda Ina Boore ee ku kacsan maamulka Madaxwayne Geele.

Sidoo kale waxa hore loo ogaa in Wasiir Duur iyo xubnaha kale ee wasiirada ah ee reer Somaliland ay hore u soo dhaweeyeen go’aankii doorashada iyo maamulka cusub ee ay Saylac yeelaty, balse arita ay dawlada Djibouti ka cabsi qabto oo beerka jecli xaydha jecli ah ay arinta sii murginayo, waxana suurto gal ah in wada hadaladaas ay ka soo baxaan arin laba dhinac ah oo ay ta koowaadi tahay in kooxda rabshada wada faro adag oo labada dhinacba ah lagu qabto, halka ay tan labaad ka tahay in Somaliland iyo maamulka Saylac ee Aqlabiyada lagu doortayna ay balan qaadaan in ay Saylac kala dagaalami doonaan kooxda Ina Boore ee ay xukuumada Djibouti ku dartay liiskeeda argagixisada.

Si kastaba ha ahaatee arinta Saylac oo ahayd mid u taala dadka iyo dawlada reer Somaliland ayaa waxa laga yaaban yahay waxa ka dhigay mid dal kale looga arimiyo, waxana ay dadka reer Somaliland maanta garawsanayaan in xukuumadii ay 3 sano ka hor mudo ku dhaw talada u dhiibteen ay maanta tahay mid fadhiid ah, fashilan, oo dal shisheeye looga arimiyo.

Xaalka sidan ah ayaan marnaba dabsinayan go’aankii aqlabiyada ahaa ee ka soo baxay Saylac iyo midnimada 10ka xildhibaan ee daacada ah ee ay talada Saylac gacanta u gashay maanta.

Source-cadceed

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player