Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Dhacdo Tiiraanyo Ku Tilmaamay Shil Ay Dhismasho Iyo Dhaawacyo Ka Soo Gaadheen Askar Ka Tirsan Ciidamada Booliska

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraalle(Duur), ayaa xaalad murugo leh ku tilmaamay shil baabuur oo ay maanta waxyeelo ka soo gaadhay labaatan askari oo ka tirsan ciidamada booliska.

Wasiirka saxaafada kula hadlayey cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa oo la keenay maydadka iyo dhaawaca askartaas oo gaadhi kula qalibmay Tuulada Halaaya, ayaa sheegay in ay tahay maalin murugo u leh shacabka Somaliland.

“ Waa shil Tiiraanyo leh wax weyn ayaa dhacay oo Alle qadaray, wax Ilaahay ka soo horjeedana odhan mayno askari iyo shacaba waa la dhimanayaa .Waad Dareemi kartaan murugada ay leedahay qof ka soo noqday hawl gal oo qoyskiisa aan muddo arag oo shil baabuur ku dhacay, waxaanan tacsi u dirayaa ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxeen askartii ku geeriyootay shilkan, waxaanan Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo inta dhimatay , inta dhaawaca ahna Ilaahay caafiyo” ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Somaliland

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player