Wasiirka Arrimaha Dibadda Qaybta Afrika Ee Britain Mark Simmons Oo Ku Dhawaaqay In Madaxweyne Siilaanyo Lagu Martiqaaday Shirka Soomaaliya London 07 May 2012 Isla Markaana Ay Si Rasmi Ah U Kulmayaan Siilaanyo Iyo Xasan Sheekh Maxamuud

 

 

 

 

 

 

Wasiirka Afrika u qaabilsan wasaaradda arrimaha dibadda ingiriiska Mark Simmons oo maanta kulan kula yeeshay xarunta midawga Afrika ee Addis Ababa wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ay shir jaraa’id wada qabteen ayuu wasiirku faahfaahin ka bixiyey shirka 07 May sannadkani 2012 lagu qabanayo magaalada London ee lagaga hadlaayo xaaladda Soomaaliya shirkaasi oo ay ka soo qayb gallayaan ugu yaraan 60 dawladood oo dunida daafaheeda ah.simmons

Wasiirka arrimaha dibadda Britain Simmond wuxuu sheegay in shirkaasi ay si wada jir ah u guddoominayaan Ra’isal wasaaraha dalka ingiriiska David Cameron iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isla markaana uu shirkaasi noqon doono mid yeesha laba waji oo mid yahay mid siyaasadeed ka kalana yahay mid lagu darsayo sidii beesha caalamku u kordhin lahayd dhaqaalaha ay siiso dawladda Soomaaliya.

Mr. Mark Simmons wuxuu markii ugu horaysay shaaca ka qaaday in si rasmi ah shirkaasi uu Ra’isal wasaaraha ingiriisku David Cameroon ugu martiqaadi doono Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo inuu shirka ka soo qayb gallo.

Mr. Simmons wuxuu sheegay in qaybta wajiga labaad ee shirkaasi uu gebi ahaanba ku saabsanyahay wada-hadaladda Somaliland iyo Soomaaliya oo laga soo saari doono ayuu yidhi qodobo wax ku ool ah oo dariiq u noqda sidii labada dhinac  mustaqbalka noqonayaan.

Mr. Simmons wuxuu sheegay in shirkani ay dawladda ingiriisku qabanayso 7 May ay kulanka labada madaxweyne Siilaanyo iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay si fool ka fool ah u kulmi doonaan iyadoo aanay cidi ku dhex jirin balse ayuu yidhi diblomasiyiinta shirka ka qayb gallaya ay u fududayn doonaan wixii ay uga baahdaan “waxaa dawladda ingiriisku ku dhawaaqaysa in shirkaasi si rasmi ah loogu martiqaadayo Somaliland iyagoo qaybta siyaasadda ee shirka gebi ahaanba uu ku saabsanaan doono wada hadaladda Somaliland iyo Soomaaliya oo Madaxweyne Siilaanyo iyo Xasan ay kulan yeelan doonaan, kulankaasina ay beesha caalamku fududayn doonto wixii ay kolba isku raacaan” ayuu yidhi Simmons.

Waa markii ugu horaysay ee shaaca laga qaado in kulankani Somaliland si rasmi ah loogu martiqaadi doono, waxaa la filayaa in todobaadyada soo socda ay dawladda ingiriisku shaaciso ajandayaasha shirkaasi

Source-halbeegnews

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player