Somaliland Ma Aqoonsanin, Inkasta Oo Aan Ka War-hayno Dhibaatooyinka Ay Sheeganayaan” Safiirka Ingiriiska Ee Somaliya Matt Bough

 

Safiirka Dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliya Matt Bough, ayaa ka hadlay dhawaaqii dawladdiisu kaga digtay xasiloonida Somaliland, waxaanu faahfaahin ka bixin kari waayay halista amaan daro ee dawladdiisu Somaliland ka sheegtay.

Safiirka Ingiriiska ee Somaliya Matt Bough, waxa kale oo uu ka hadlay Madax-banaani Somaliland ka hesho beesha caalamka, waxaanu tilmaamay in dawladda boqortooyada Ingiriisku aanay aqoonsanayn Somaliland, balse ay ka warhayso dhibaatada ay ka tirsanayaan dalkii Somaliya.

Matt Bough oo wareysi siiyay laanta Afka Somaliga ee Idaacada VOA ayaa isaga oo ka jawaabaya inuu faahfaahin ka bixiyo dhawaaqa dawladdiisu amaanka Somaliland kaga dayrisay yidhi “Faahfaahinta dheeraadka ah ee aan ka bixin karo arintan waa mid kooban, waxaan u sheegayaa (dadwaynaha), tallo-bixintayda dhinaca safarka ee ku daabacan website Wasaarada arimaha dibada, waxaanu halkaa ku cadaynay in xiligan loo safro Somaliya oo ay ku jirto Somaliland, marka la eego halista gaarka ah ee la tilmaamay inay ku waajahan tahay dadka reer galbeedka ah ee Somaliland halkaasi jooga, waxaanu kula talinay dadka Ingiriiska u dhashay ee halkaasi jooga inay ka baxaan, laakiin faahfaahin intaa dheer kama bixin karayo, laakiin si dhib yar kumaano gaadhin (Go’aankaasi)”

Mr Matt Bough, waxa uu sheegay in dawladdiisu arintan ay wada-hadal kala yeelanayso Somaliland “Wada-hadal ku saabsan arintan ayaanu Somaliland kala leenahay, iyagga ayaanuna toos ugala xidhiidhaynaa, waxaana masuuliyad naga saaran tahay muwaadiniinta Britain u dhashay ee guud ahaan caalamka ku sugan, go’aanka lagu bedalay dhanka socdaalkuna muu ahayn go’aan si fudud iyo taxadar la’aan lagu qaatay, intaasi wixii ka baxsan Somaliland ayaanu kala xidhiidhaynaa”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray in gooni isku taag iyo Madax-banaani Somaliland heshaa ku xidhan yahay Somalida “Siyaasadayada Somaliland ku aadani waa mid cad, haddana waa arin u taala Somalidu inay go’aan ka gaadhaan midnimada labada dhinac u dhaxaysa, dhinaca kalena waa hawl u taala midowga Afrika, mana jiro qorshe gaar ah ama go’aan Ingiriisku doonayo in lagu xaliyo, Somaliduna waxay awood u leeyihiin inay wada hadlaan, taasina waa mid sii kordhaysa, midowga Afrikana waxay leedahay ansixinta go’aanka Somalidu isku raacaan, iyada oo aan la wada hadlina xal ma imanayo, sanadkii hore ayaanu dhiirigalinay in la wada hadlo, aakhirkiina waa la wada hadlay, ilaa imikana taasi ayaanu taageraynaa”

Safiirka oo la waydiiyay sida dawladdiisu u aragto in Somaliya midowdo ama kala go’do, ayaa ku jawaabay “Somaliland ma aqoonsanin, inkasta oo aan ka war-hayno dhibaatooyinka ay sheeganayaan, laakiin Somalida ayay u taalaa inay go’aan ka gaadhaan xidhiidhkooda mustaqbalka”ayuu yidhi.

Source-cadceed

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player