RE: Qormadi 2aad Muxuu Noqondoona​a Mustaqbalk​a Somaliland Q/Prof.Abd​irahman

Fikrad Siyaasadeed

Muxuu Noqon Doonaa Mustaqbalka Siyaasadee Ee Somaliland Hadii Aan La Helin İsbedel Dhab Ah.
Qalinkii,Prof.Abdirahman.A.İbrahim
Qormadii,2aad.

 
Waxan ku soo qadanay qormadii koowaad in waxyabaha lumiya kalsonida shacabku ku qabo xukuumad sababtuna tahay maamul xumo iyo qorshe la aan
ka timaad mamulka sida darteed iyada oo aansii aan ba qaadi dono qorma ada ah muxuu noqondonaa mustaqbalka somaliland kuna cabirayna siyasada
arrimaha gudaha iyo siyasada arimaha dibeda waxan ku guda jirnay siyasada arimahaha gudahab oo ah tan ugu muhumsan in dhidibada loo taago lana
adkeeyo jiritanka qaran.
 
waxan ku soo jirnay kalsonida shacabka ee somaliland sababaha kenay in ay shacabka somaliland ku kalsonan layihin mamulka jira oo ku salaysan qolo iyo
qaybin,waxa cad in silaanyo qaacido ka dhigtay in mamulka dawlada uu ka dhigo beel qudha ay sababtay waqoyi galbed iyo bariba laga dhawaqay mamulo sababtana xukumadas silaanyo ee qacida u tahay  eexda ay eedahay.
Waxa marag ma doon ah in xukuumadii laga filayay kor uqadida kalsonida shacabku ku qabo xisbul xakim ka silaanyo ay mesha ka baxday walina uu ku mashqulsanahay sidii ilaa heer xisbiga gudihisa lookala adkan lahaa loo kala boqorsanana laha kala saraysinta ku dhisan nin jeclaysi waxay kentay in ilaa heer kasta xukuumada ah.
Waxa kor u kacay shaqo la aan ta bahsan oo sababtay in maanta aqonyahankii somaliland oo dhami shaqo ka naawilayo dawlada cusub ee somalia malin walbana isbaaro loo dhigtay in anay dadku tagin muqdisho iyaga oo aan wax kalsoni ah ku qabin iyo rajo maamulka silaanyo iyo dalkaba oo rajadii siyasadeed iyo mid dhaqaale ay luntay.
maamulka silaany wax uu joojiyaa qof kasta oo tagay muqdisho ama jeegareyaa flight kasta oo tagaya somalia  waa ayaan daro u soo hoyatay somaliland
waxa laga rabay in dalkan oo loo soo dhoofi  jiray manta looga dhoofayo xamar hadaba maxaa mesha ka maqan
La xisabtan La aanta Xukuma Ee Golaha sharci dajinta ;
Xukuumad kasta waxa xakamaha u haya oo control a waa golaha sharci dejinta oo ku soo dabala milgihi xukuumadeed wax iyaduna cad inaan lakala saari karin xukuumada iyo golaha sharci  dajinta isaga oo silaanyo siiya balanqaad yo amaba mansabyo xukuumada dhexe ah maadama oo wakhtigodii dhowyahay parlamantka la dooran lahaa.

 
waxa cad in talada siyasadeed ee gudaha ay buburtay laguna tuntay masuliyadeda leyahay silaanyo ta sharci uu leeyahay parlamanka waxa cad in uu ku tagrifalay awoodihi qaranka isaga oo aan u gu dhaqmin si siman.
Durufaha siyasadeed ee arimaha guduhu waxy sababeen kalsoni darada besha calamka taasoo keentay in laga dayriyo ku kalsonanta aminiga somaliland .iyada oo qormoyinka danbe ee arrimaha debada aan dib ugu dhigan dono waxan lenahay mudaharad xalmaaha lagu kasbado beesha calamka waxa cad in lagu dilay nin somaliland haysta dhalashada ingriska jeelka dhexdisa ila hadana jawab laga layahay waxa cad in falal argagixiso oo silaanyo ogyahay laga sameeyay dalka sida falal jid gooyahda ahaa oo beesha caalamku ka wareertay waxa cad in ragii dunidu haysatay warbixintoda in ay ka danbeyeen ay manta mansabyo ka hayan xukumada silaanyo taasuna marag madoon tahay in uu silaanyo ku lug laha falal ki argagixiso ee lagu gawracay jidka u dhexeeya Degmada Dila İyo Gebilay warbixinihi loo gudbiyay besha calamka ay rumoobeen ee ahaa in aan silaanyo lagu aamin karin amniga somaliland waxa cad calamada halagu garto argagixisada somalia ka jirta ay tahay gawraca gaadmada ah ee lagu sameyo dadka safraya.
Waxa cad in silanyo aanu fahamsanayn halka sartu ka qudhuntay oo ah kalsoni darada amni  beesha calamka ee Somaliland wax cad in maanta alshabab oo looga soo adkaday koonfurta somalia ay manta saldhig ka dhiganayso somaliland iyaga oo hore gacan saar u la leh maamulka silanyo masuliyin ku jira shacabka somaliland na  wada ogyahay, iyo dagalki ka dhacay buhudle oo qayb ka aha kalsonida amni daro ee sababtay ka dayrinta besha calamka waxa iswaydin mudan maxy xukumadiihii ka horeyay u dagalami wayeen buuhuudle waxy ogayeen in dalka iyo dadkuba yihin somaliland.
Waxaan leehaya mudaharad xalmaha waa in la badbadiyaa siyasada arimaha gudaha ee dalka si looga baxo halka uu maanta uu marayo dalku waxa lagarabaa mamulka silaanyo isku shaandhayn dawlada dhexe  ah oo oo qancinkarta reer somaliland.
waxa laga raba in uu soo magacaabo shaqsiyad lagu kalsonan karo bari ilaa galbed.
Lasoco Qaybta 3aad.
Qalinkii Prof.Abdirahman Abdiqani İbrahim
Wakilka Turkeyga Ee Xisbiga UCİD
T:00905532028571
E:ucid_turkey@hotmail.com

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player