Waxaa mar kale ka dhacay garoonka kubbadda cagta Cawaale ee magaalada Gaalkacyo munaasabad ballaaran oo ay isku arkayeen boqoolal dhalinyaro ah kuwaasi oo u kala ciyaara kooxaha da’ yarta ah ee Koonfurta iyo Waqoyinga Gaalkacyo iyadoona dhawaan tartamo kala gadisan oo dhanka cayaaraha ah ay u furmi doonan.
Dhalinyaradaan ayaa isku imaatinkoda waxay iswedarsadeen salaam, isbarasho iyo in la sii xoojiyo xiriirka, waxaana haddii ay sidan dhacdo ay tilmaameen inay ka dhalan karto horumarka iyo nabadda gobalka labaadisa dhinac, iyagona intaasi ku daray horumarka gobalka inay ku xiran tahay iyagoo isku fikir ah.
Mid ka mid ah naadiyada ka so qeybgalay kulanka aya si weyn ugu farxay imaanshaha garoonka kubada cagta Cawaale “waligey ma imaan Garoonka kubada cagta ee Cawaale maantana waan ku suganahay waa ilaahey mahaddis in maantay aan farxad la qeybsanayo walaalahey reer Gaalkacyo anoo ka so jeeda dhinaca GalmudugMaantay iftiin ayaan dareemeynaa haddi aan nahay dhalinta isboortiga gobolka Mudug, marka waa in aan hadalkooda beeninaa dadka mar walba dhahaya Gaalkacyo waa meel khatar ah, waxaana u sheegeyaa in dadka magaalada Gaalkacyo ay nabad iyo isdhexgal qaateen ”ayuu yiri Maxamed Yare.

Munasabadda ayaa waxa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Ururka (Somali Sports and Relief Organization ) Cabdiqani Khalif Carrabey, wuxuuna munaasabadda ka jeediyay hadallo dhiri galin ah kuwasi oo ay kula dardarmayaan sidii aay dad mideeysan u noqon lahaayen dhalinyarada Gobolka Mudug Waqooyiga iyo Koonfurta Galkacyo.

Source-Hol

















Posted in 





