Madaxweyne Siilaanyo Oo Labada Gole Ee Qaranka Ka Hor-jeediyay Khudbadii Sanadlaha

 

 

 

 

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka khudbad sanadeedkii dastuuriga ahayd ka hor-jeediyay fadhi wada jir ah oo ay yeesheen labadda Gole ee Baarlamaanka Somaliland Guurtidda iyo Wakiiladda.

Fadhigan labada Gole oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxay Xildhibaanadda labadda aqal ay ka dhegaysteen Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo.

Madaxweynuhu waxa uu khudbadiisa kaga hadlay arrimaha Nabad-gelyadda, adeegyadda bulshadda, Ganacsiga, dhaqaalaha, arrimaha dibadda iyo siyaasadda. Waxaanay khudbadiisa oo aad u dheerayd u dhignayd sidan:-

Bismilaahi Raxmaani Raxiim Alxamdu Lilaah, Wa Salaatu Wasalaamu Calaa Ashrafil Anbiyaa Wal Mursaliin.

Shirgudoonka Baarlamaanka, Xildhibaanada Labada Gole, Xisbiyada Qaranka, Marti Sharafta, Warbaahinta kala Duwan, waxaan idinku salaamayaa salaanta Islaamka: Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wa Baraakatuhu.

Gudoomiye:

Marka hore Waxaan halkan mahadnaq balaadhan iyo Hambalyo uga soo jeedinayaaXildhibaanada labada Gole Qaran ee Wakiilada iyo Guurtida, aniga oo idiinka mahadnaqaya wada shaqayntii qiimaha lahayd ee ina dhexmartay Xukuumad ahaan sanadkii la soo dhaafay iyo mudadii aanXilka hayay, taasoo laga dheehan karo dheelitirka milgaha dawladnimo iyo xidhiidhka golayaasha Baarlamaanka iyo xukuumada, wada shaqayntaas oo haddii aanay jirin aanu Qarankani ku talaabsadeen horumarka uu sameeyay.

Waxa kale oo aan jecelahay inaan halkan mahadnaq uga soo jeediyo Dadweynaha reer Somaliland ee geesiyaasha ah oo mar kasta ku hawlan sidii ay Qarankooda u horumarin lahaayeen, kuwaasoo si ay wadaniyadi ku dheehan tahay mar kasta u garab taagan Xukuumadooda.

Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,

Sida uu Distoorka Qarankani igu Waajibiyay inaan sanadkasta Hor Imaado Fadhigan loo Dhan Yahay ee labada gole, waxaan idiin soo gudbin doonaa Warbixin Balaadhan oo aan kaga hadli doono wixii inooga qabsoomay qorshihii sanadkii ina Dhaafay ee 2012ka, waxaa kale oo aan Faahfaahin ka bixin doonaa Qorshaha Xukuumada ee Sanadkan cusub ee 2013-ka, iyo guud ahaan xaalada guud ee Dalka.

Doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka iyo Furitaankii Ururrada Siyaasada

Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,

Waxay ahayd Sannad ka hor markii aan madashan aynu fadhino ka ballan qaaday inaan Dalkeena ka qaban doono Doorashadii Golayaasha deegaanka oo aan la qaban muddo Toban sanadood ah.

Aniga oo si fiican u Fahamsanaa Culayskii Siyaasadeed, Dhaqaale, Nabadgelyo iyo Bulsho ee ay lahayd furitaanka Urrurrada Siyaasada iyo Qabashada doorashooyinka Dawladaha hoose, iyada oo aynu garan karno legdenka u dhexeeya nidaamka Dimuqraadiga ah ee aynu qaadanay iyo kan Beelnimo ee ummadeena dhaqanka u ahaa mudada dheer. Iyada oo aynu wada ognahay tartanka u dhexeeya qaranimada iyo qabyaalada, waxaa mar kasta noo muuqatay in Qarankan Somaliland ay dantiisu ku jirto Kobcinta geedi socodka Dimuqraadiyada iyo Hirgalinta Doorashooyin joogto ah oo ay dadweynuhu ku soo doortaan hoggaankooda kala duwan.

Aniga oo tix-galinayay rabitaanka dadweynaha iyo ballantii aanu ummada u qaadnay xiligii ololaha doorashooyinkii Madaxtinimada, isla markaasna si fiican u dersay uguna qancay taladii ay soo jeediyeen 14kii July 2011kii gudigii aan u saaray ka soo talo-bixintii in Ururrada la furo iyo in kale, iyadoo ay gudigii soo bandhigeen in ra’yigii bulshadu u batay in la furo Ururada, Waxaan markaas go’aansaday in Ururradii siyaasada la furo, Muwaadin kasta oo han siyaasadeed lahaana uu fursad u helo inuu dadweynaha fikirkiisa usoo bandhigo oo uu cod weydiisto, marxaladaawaxaan ku dhiiraday in xisbigaygu la tartamo ururada cusub, arintan oo aan filayo in rag badan oo siyaasiyiin ah ay ku adkaan lahayd hadii ay joogaan halkayga.

Waxa ay Xukuumadu sugtay Amaanka Goobihii Cod-bixintu ay ka dhacaysay oo ka badnaa 1800 oo goobood Si doorashu u noqoto mid xor oo xalaal ah.

Iyadoo xukuumad ahaan nalaga sugayey dhaqaalaha doorashada ku baxaya 25% ayaa waxaanu bixinay 33% iyadoo weliba aanu ururadii tartamayey gacan ka siinay gaadiidka muraaqibiinta ay ku qaadayeen oo aanu ka bixinay kharash ka badan Hal Bilyan oo Shillinka Somaliland ah (1000,000,000).

Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,

Waxa aanu Mamnuucnay in Ololaha Doorshada loo adeegsado Hantida Qaranka sida Gaadiidka Dawlada, iyada oo aanu Shaqaalaha Dawlada u diidnay in ay sinnaba uga qayb qaataanololaha doorashada, Xukuumad ahaan waxaanu Ururradii Tartamayay fursad isku mid ah u siinay adeegsiga Warbaahinta Qaranka.

Waxa kale oo ay Xukuumadu Si Buuxda u Ilaalisay una Xaq-dhawrtay Ilaalinta Madaxbanaanida Gudiga Doorashoooyinka Qaranka si ay guddigaasi u gutaan waajibaadka Qaran ee saaran, hawlahooduna ay u noqdaan qaar ay u maddax banaan yihiin oo aan cidinna ku faro-gelin.

Waxaa dalka si nabadgelyo ah uga qabsoontay doorashadii golayaasha degaanka, taasoo ay ku tartameen 7 Xisbi/Urur, waxaana gebagebadii ku guulaystay sadexda Urur ee Kulmiye, Wadani iyo Ucid.Waxaa hadhay 4 Urur iyo 1865 Xildhibaan, halkaas oo aad ka dareemi kartaan baaxada hawsha doorashada aynu kasoo gudubnay.

Somaliland waxay halkan kusoo gaadhay siyaasi u tudha iyo oday samo-talis ah, waxaan jecelahay inaan hortiina uga soo jeediyo hambalyo, bogaadin iyo amaanba Hogaamiyayaashii Ururadii tartanka ku hadhay Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Xasan Maxamed Cali “Gaafaadhi” iyo Ismaaciil Aadan Cismaan oo u aqbalay natiijadii si sharaf lehna kana tegay tabashadoodii.

Miisaaniyada iyo Korodhka Dakhliga Qaranka

Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,

Maanta iyo maalintii aan xilka la wareegay waxaanu dedaal aad u balaadhan ugu jirnay sidii dhaqaalaha dalka aanu u kobcin lahayn korna aanu ugu qaadi lahayn Dakhligiisa, sidii Cashuuraha loo habayn lahaa hoosna loogu dhigi lahaa tacriifada meelaha taabanaya nolasha bulshada iyo sidii Musuqmaasuqa iyo lunsiga hantida Qaranka loola dagaalami lahaa, si looga midha-dhaliyana waxaanu samaynay: tababarka iyo tayaynta shaqaalaha dawlada, wacyi-gelinta bulshada ee bixinta cashuuraha ku waajiba, iskaashiga ganacsatada iyo la tashiga maal-qabeenada dalka wax keena, dedaalkaas balaadhan ee aanu Xukuumad ahaan qaadnay waxay noo sahashay in Sanadba- Sanadka ka danbeeya aanu miisaaniyada Qarankeena kor usoo qaadno.

Iyadoo aanu dhaxalay khasnado madhan iyo deyn culus.Miisaaniyadii 2010 ee aanu la wareegnay waxay ahayd $50 Milyan oo Dollar, Sanadkan 2013Miisaaniyada Dawlada Dhexe waxay dhamayd $125 Miliyan oo Dollar,Miisaaniyadda Guud ee Qaranku waxay ahayd (1.Trillioniyo dheeraad oo shillinka SL ah oo dhiganta $174, Millayn oo dollar), waxaanay ahayd Miisaaniyadii ugu badnaydee ay abid Somaliland yeellato.

Waxaana ka mid ah waxyaabaha aanu qabanay: Hirgelinta Cashuur ku dhejinta Tigidhada oo markii ugu Horraysay laga hirgeliyay dhamaan Gobolada Dalka 12kii Bisha April 2012, Waxa kale oo aanu u saarnay Guddi u gaar ahsiyaasada miisaanada dhaqan gelinteedana ilaa inta ay sidii loogu talo galay ay u fulayso.

Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,

Waxaanu Hirgalinay Cashuurta Hawlgabka Shaqaalaha Dawladda Dhexe oo 1% ah taas oo 2012 ay ansixiyeen Golaha Wakiiladu, lana dhaqan geliyay BishiiApril 2012, iyada oo loo furay Sanduuq u gaar ah Hawlgabka.
Xukuumadu waxa ay hirgelisay in la kordhiyo 5%Cashuurta Sigaarka iyo Qaadka taasi oo lagu guulaystay in laga fuliyo dhamaan Kastamada dalka.

Waxaa la Hirgaliyay Cashuurta macaashal- macaashka, Mushaharka Macalimiinta iyo hawlwadeenada Dugsiyada gaarka loo leeyahay, iyada oo dalka oo dhan laga fullin doono, waxa aanu mudnaan siinay sidii loogu kordhin lahaa miisaaniyadda loo qoondeeyay Waxbarashada.

Hirgelinta xaraynta kirada Guryaha Dawladda, iyada oo laga bilaabay masuuliyiinta iyo shaqaalaha dawlada ee Qaranka mushaharka ka qaata, Kiradan waxa laga jaray mushaharka ay qaataan dhamaan Shaqaaluhu, Wasiiradda iyo Xildhibaanada ku jira guryo dawladeed, waxaana si rasmi ah loo bilaabay bishii June 2012.

Korodhkii miisaaniyadu waxa uu keenay inuu kor u kaco kabka dawlaha hoose ay qaataan iyo cashuurta 10%-ka ee Dawladaha Hoose sanadihii 2011 – 2012, kuwaasi oo suurto galiyay in dawladaha hoose Waxqabadkoodu uu kor u kaco sida ka muuqata inta badan horumarka ay ku talaabsadeen , iyada oo laga fuliyay intabadan Degmooyinka iyo Gobolada, kuwaasi oo isagu jira Sariibado, Waddooyin, Qashin ururin iyo mashaariic kale oo badan oo wax lagaga qabanyo adeegyada aasaasiga ah ee ay bulshada u qabtaan dawladaha hoose.

Sanad Miisaaniyadeedka 2012, marka loo eego sanad Miisaaniyadeedka 2011, waxa la kordhiyay dakhliga Kabka dawladaha hoose iyo cashuurta 10% ee dawladaha hoose ee dalka (Boqolkiiba Laba Boqol iyo Kow iyo Todobaatan).

Anagoo ka duulayna tilmaanta sharcigu dhigayo in loo gudbiyo golaha wakiilada sanad-walba xisaab-xidhka dawlada, iyadoo aan hore loogusoo gudbin golahan sannado badan,arintaasoo culays ku keentay xisaab-xidh-sanadeedkii nalaga sugayay.Waxaanu hadana soo gudbinay xisaab-xidh sanadeedkii2008, 2009, 2010 iyo 2011.

Arrimaha Gudaha, Amaanka iyo Difaaca Qaranka

Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,

Iyada oo ay Xukuumadaydu Muhiimada koowaad siinayso Ilaalinta Amaanka Qaranka iyo xoojinta Nabadgelyda Dalka, iyada oo aanu ogsoonahay Muhiimada ay Qaranka u leeyihiin Ciidamada kala Duwan ee Aamaanka dalkeenu, kuwaas oo ah, Geesiyaal habeen iyo maalinba u taagan ilaalinta amaanka iyo difaaca Qaranka.

Waxaanu si weyn u xoojinay una balaadhinay Dhismaha Ciidamada Qaranka, Waxaanu ka safaynay wixii loo yaqaanay caaglaha tiro gaadhaysa 2500 oo madax, iyada oo aan halkoodii ku buuxinay ciidamo rasmi ah sidoo kale waxaanu kordhinay ciidamada meleteriga tiro gaadhaysa 1800 askari,Waxaanu kobcinay Tababarradooda, Taakulayntooda iyo Qalabayntooda, iyada oo aanu u kordhinay Gaadiidka gaashaaman ee ay ciidamadu ku hawl galaan.

Waxaanu qalabayn iyo dib-u-habayn ku samaynayCisbitaalada Gaarka ah ee Ciidamada Qaranka ee Hargeisa iyo Burco.Waxaa kale oo la dhisay Dugsiga Tababarka Dararweyne iyadoo ay kasoo baxeendufcado isdaba joog ah intii aan hogaanka dalka gacanta ku hayay.

Waxaanu dhisnay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee kamaandawsta, kuwaas oo ku qalabaysan saanad iyo gaadiid cusub oo ay kaga hawlgeli-karaan dhammaan xaduudaha Somaliland, waxaanan ku kalsoonahay inay kaalin laxaad leh ka qaadan-doonaan difaaca dalka iyo guud ahaan xoojinta amaanka Qarankan.

Anaga oo fahamsan masuuliyada naga saaran sidii aynu kor ugu qaadi lahayn haybada Ciidamadeena kala duwan, waxaanu diyaarinay dhammaan Derajadii Ciidamada, waxaana miisaaniyada sanadkan 2013 ku jirta gunooyinkii Taliyayaasha ciidamada, Saraakiisha, Saraakiil xigeenka iyo inta derajada mutaysatay in kabadan 5000 oo sarkaal iyo sarkaal xigeen kuwaasoo midkasta lagu jaan-goyn doono derajada uu sito.Derajo-siinta ciidamadu waa himilo uu qaranku muddo dheer ku taamayey waxaana aan ku kalsoonahay in bixinta derajadu aykor u qaadi doontaa Milgaha iyo Sharafta Ciidamadeena iyo karaamadeena Qaranimo.Waxa kale oo guul noo ah in Saraakiil tiro badan oo ka tirsan ciidamadeena kala duwani ay Tababarro ku soo qaateen dalal debada ah.

Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,

Waxaanu ciidamada Booliska ku xoojinay Askar da’ayar ah oo aad u tiro badan oo lagu soo xulay aqoon, kana soo baxay Dugsiyada Sare iyo Jaamacadaha dalka, Ciidanka Booliiska waxaa lagu kordhiyay illaa saddexdufcadood oo dhamaantood soo dhamaystay dugsiga tababarka ciidamada booliiska ee Mandheero. Guud ahaan waxaa la tababaray 3900 oo Askari kuwaas oo ay rag yihiin 3277, halka ay 632 Haween ka yihiin.

Waxaanu dhisnay Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee ka Jawaabista Xaaladaha Deg-dega ah ee loo yaqaan RRU (Rapid Reaction Unit). Si loo xoojiyo ammaanka dalka Waxa gobolada iyo degmooyinka Dalka laga hirgaliyay saldhigyo iyo Rugo Boolis oo cusub oo tiradoodu dhantahay 75 saldhig iyo 95 Rugood, oo dhamaantood la qalabeeyay.

Waxa dib u dhis iyo balaadhin lagu sameeyay Xafiisyada iyo Saldhigyada ay ka hawl galaan Ciidamada Boolisku,iyada oo aanu ku kordhinay Gaadiidka u gaarka ah ciidamada booliskoo tiradoodu dhan tahay 30 gaadhi waxaa kale oo Tababarro kala duwan dalka gudihiisa iyo debadiisa ku soo qaatay Saraakiil tiro badan oo Boolis ah, Waxaana noo qorshaysan inaanu sii balaadhino si ay mar walba heeggan ugu noqdaan ilaalinta amaanka Qaranka.

Waxaanu diyaarinay Xeerka Ciidmada Booliska oo imika horyaala Golaha Wakiilada Somaliland, iyada oo aanu wax ka bedelnay Qaab dhismeedka Ciidamada Booliska. Waxa kale oo socda dhamaystirka Manhaj cusub oo lagu tababarayo Ciidanka Booliiska JSL, kaas oo ku salaysan Dastuurka Qaranka, ilaalinta xuquuqda aadamaha, wada shaqaynta ciidamada amniga iyo bulshada, waxaana la dhamaystiraydib-u-dhiska Xarunta Ciidamada Birmadka.

Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,

Waxaanu balaadhinay Ciidamada Ilaalada Xeebaha iyo Kuwan Laanta Socdaalka oo kaalin weyn kaga jira Ilaalinta Amaanka Xeebaha iyo meelaha lagasoo galo Dalkeena, waxaana lagu kordhiyay ciidamo tiro badan oo lagu soo xulay aqoon, kuwaasi oo la siiyay tababarro muhiim ah iyadoo tiro ahaan iyo tayo ahaanba kor loo qaaday, waxaana loo qalabeeyay si dhamaystiran iyada oo la siiyay Dirayskii iyo qalabkii shaqadooda ay ku gudan lahaayeen. Waxaa sidoo kale qalab isgaadhsiineed casri ah loo dhisay ciidamada ilaalada xeebaha, qalabkaas oo u sahlaya in ay habeen iyo maalinba, Bad iyo Berriba ugu wada xidhiidhi karaan Ciidamada Ilaalada Xeebuhu.

Waxaa Horumar balaadhan laga sameeyay dhinaca Nidaamka socdaalka Somaliland oo ahmiyad balaadhan u leh nabadgelyada iyo horumarka dalkaba, waxaa la Fududeeyey helida fiisaha oo lagu heli karo (On arrival iyo Online) labadaba.Waxaa kale oo dalka la keenay qalab casri ah oo lagu baadho Baasaboorrda foojariga ah oo imika laga hawl galiyay Gegida diyaaradaha ee muhiimka ah qalabkan oo suurtagelinaya hubinta iyo Kaydinta Macluumaadka Dadka Socotada ah(PIRS System).

Waxaa laanta Socdaalka loo dhisay Dhisme aad u weyn oo Saddex Dabaq ah, oo ka kooban Afartan Xafiis oo qalabaysan, Waxa kale oo dhismayaal qalabaysan laga sameeyay Xuduudaha kala duwan ee dalka,iyada oo uu socdo qorshe Baassaboorka Somaliland lagu casriyaynayo lagana dhigi doono mid la Jaanqaada Baasaboorrada caalmiga ah (Electronic Passport). Si aan u kobcino hay’ada sirdoonka oo halbawle u ah dawladnimada iyo amaanka dalka waxaan u samaynay xeer-kii iyo nidaamkii sharci ee ay ku shaqayn lahaayeen.

Shacbiga reer Somaliland waxay caan ku yihiin ilaalinta Nabadgelyada, isla markaasna ay Nabadgelyadu tahay tiirka koowaad ee Qarankani uu ku faano, waxa xukuumad ahaan aanu xoogga saaray adkaynta Nabadgelyda gudaha iyo Nabad ku wada noolaanshaha dalalkajaarka ah,iyo in aanu si wada jir ah uga wada hor tagno cid kasta oo khalkhal gelin karta Amniga iyo deganaanshaha. Waxaa naga go’an Xukuumad ahaan in aanu sii laban-laabno dedaalkayaga aanu ku ilaashanayno Nabadgelyadaya iyada oo aanaan cidnaba ka aqbali doonin kana ogalaan doonin inay dhaawacaan Ammaanka dalka.

Arrimaha Bulshadda

Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,

Taabb-gelinta waxbarashada iyo ladagaalanka jahligu waxay aasaas u tahay yaraynta faqriga iyo saboolnimada, waana waxyaalaha ay mudnaanta siinayso xukuumadaydu sidaa darteed waxaanu sii Joogtaynay oo aanu sii Balaadhinay Waxbarashadii Bilaashka ahayd, waxaana la hirgaliyay Sanduuq dhaqaale.

Waxa la Qaybiyey Buugaagtii Dugsiyadda Hoose/Dhexe oo dhamaan la gaadhsiiyey Dugsiyada, iyada oo la qorsheeyay in Saamigu uu noqdo in Labadii Ardayba uu Hal Buug ka Dhexeeyo, waxaana uu ku talogalkayagu yahay in Arday kasta oo Somaliland wax ka barta in uu helo buugaag ku filan, si aan arintaa loo suurageliyana waxa laga shaqeysiiyey Madbacad ay leedahayWasaarada Waxbarashadu oo hadda shaqeysa.

Waxa Gobolada, Degmooyinka iyo tuulooyinka dalka laga dhisay 145 Dugsi Hoose/Dhexe iyo Toban Dugsi Sare oo dib loo cusboonaysiiyay laguna kordhiyay Fasalo cusub iyadoo wasaarada laga hirgeliyay Hal Studio oo Warbaahinta Waxbarashadda ah.Waxa hada gacanta lagu hayaa kordhinta dhismaha 24 Dugsi.

Waxaanu wada shaqayn fiican la samaynay Dawladaha iyo Hay’adaha waxbarashada ka caawiya mandaqada,arrintaas oo sababtay in Miisaaniyaadda Sanadkan loo soo qoondeeyey Waxbarashaddu ay gaadhayso 11 Milyan oo Euro.

Waxa Jaamacadaha dalka ka qalin-jebiyay arday gaadhaysa 6,646 arday, arintaasiwaxay daliil u tahay horumarka aqooneed ee dalka, inkasta oo ay shaqo-la’aan badani jirto hadana ma jiro cadaw ka wayn jahliga.Bulsho koboceeda dhaqaale iyo horumar waxaa laga saadaaliyaa korodhka aqoonta.Iyadoo arintaa laga shidaal-qaadanayo Waxa la sameeyay Istraatiijiyadda Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliina Sare (ESSDP).

Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,

Anaga oo ogsoon in Caafimaadku uu muhiim u yahay nolosha Bani’aadamka, waxa Xukuumad ahaan aanu xil weyn iska saarnay sidii loo hagaajin lahaa Daryeelka Caafimaadka, loogana hor tagi lahaa Cudurrada kala duwan, isla markaasna waxaanu ku dedaalnay in dadweynaheenu ay Dalka gudihiisa ka helaan adeegyo caafimaad oo dhamays tiran si ay uga raystaan inay dalka debadiisa ugu baxaan arrimo caafimaad.

Waxa ay wasaarada caafimaadku Diyaarisay Qorshe Sanadeedka Shanta Sanadood oo la Jaanqaadaya Qorshaha Horumarineed ee Qaranka iyo Xeerka Caafimaadka Qaranka oo loo soo gudbiyay Golaha Wakiilada Somaliland.

Waxaa Caasimada Hargeysa laga bilaabay Dhismaha Cisbitaalka Cusub ee Dr Maxamed Aadan Sheekh oo noqon doona Cisbitaal loo dhisayo Dhallaanka iyo Haweenka, waxaa inta badan cisbataalada gobolada iyo degmooyinka lagu sameeyay dib u habayn, iyadoo qaarkoodna laga hirgeliyay Mashruuca isku xidhka Adeegyada Caafimaadka asaasiga ah- the essential package of Health Services (EPHS).

Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,

Xukumada JSL, iyada oo ka duulaysa barnaamijkii ay balan qaaday ee kobcinta dhaqaalaha iyo waxsoo saarka dalka, waxa ay Wasaarada Beeruhu tijaabisay dalagyo cusub oo laga beeri karo dalka.

Wasaaradda Beeruhu waxa ay ku guulaystay in la dhamaystiro qorshe lagu tijaabinayay in bariisku ka bixi karo dhulka Somaliland, taasi oo lagu guulaystay oo laga midho dhaliyay.

shirgudoonka IMG_0010 IMG_0020 IMG_0059 IMG_0062
IMG_0072 (1) IMG_0081 IMG_0083 IMG_0095 (1) IMG_0095
IMG_0096 (1) IMG_0096 IMG_0100 IMG_0107 (1) IMG_0107
IMG_0115 IMG_0122 IMG_0128 (1) IMG_0128

Dalagyada kale ee la tijaabiyay waxa ka mid ah Tufaaxa, Cananiska, Muringaha, Mulukhiyada (morinda), Jiir-jiirka (rooket salad), Misirka, Faasuuliyada, Xulbada iyo Sagara xuudka.

Xukumada JSL, waxa ay tabobaro siisay beeralayda dalka, mudo laba sano gudahooda, waxa tabobaro la gaadhsiiyay 2,000 oo beeralay ah, kuwaasi oo ka faa’iidaystay tabobaro kor loogu qaadayo xirfadahooda wax beeriseed. Waxakale oo tabobaradan barbar socday kormeero iyo kulamo kala duwan oo lagu dhiirigelinayo beeralayda Dalka.

Waxaa qalab kala duwan la gaadhsiiyay beeralayda Jamhuuriyada Somaliland.waxa ugu muhiimsanaa 10 cagaf oo qiimojaban lagaga xaraashay beeraley ka kala socota Gobolada dalka oo dhan. Motoorro, ceelal, tuubooyin, dibi iyo qalab kale oo la gaadhsiiyay.

Waxa la qaybiyay7 makiinadood oo kuwa shiida hadhuudhka ah, 3 makiinadood oo kuwa shiida bariiska ah iyo 1 makiinad oo nooca shiida saliida (Sinsinta).

Waxa la hirgeliyey:

• Dhisme 16 xafiis ka kooban oo laga fuliyey xarunta wasaarada Beeraha
• Dayactir lagu sameeyey dhismayaashii xarunta tababarada Aburiin, qaybana lagu kordhiyey
• Dayactir iyo Dayr lagu sameeyey xarumaha wasaarada Beeraha ee Burco, iyo Gabiley.

Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,

Bulshada reer Somaliland waxay u badan tahay xoolo dhaqato, sidaa darteed Xoolahu waa laf dhabarta dhaqaale ee Somaliland, Xukuumadu waxa ay qaaday ololayaal lagu dawaynayo xoolaha; waxa la daweeyay xoolo tiradoodu dhantahay 500,000 oo neef oo adhi ah.

Waxa ay Xukuumadu shaqaaleysiisay 50 dhakhaatiirtaXoolaha ah kuwaasoo ka soo qalinjabiyay Jaamacadda Burco, Dugsiga Xoolaha ee Sheekh iyo Jaamacadaha Ethiopia.

Waxa la diyaariyay 2 kooxood oo ka hawlgala gurmadka degdega ah ee caafimaadka xoolaha kuwaas oo u baxay 24 goobood.

Waxaa dhammaan sayladaha Xoolaha ee caasimadaha Gobolada Dalka laga sameeyay Hadhadh, iyo Raamam Xoolaha laga raro, lagana dejiyo, biyo-gelin, iyo xarumo lagu daaweeyo Xoolaha.

Waxaa laga dhisay magaalada Burco kawaan Casri ah oo loo sameeyay ceel riig ah oo u gaar ah.Waxaa dib u habayn iyo casriyayn lagu sameeyay saylada hilibka ee magaalada Boorama.

Waxa kor u kacay dhoofka xoolaha kaas oo abuuray shaqooyin, dhaqaalaha bulshadana kor u qaaday.

Waxa laga dhimay khidmada maxjaradu ka qaadi jireen xoolaha $2 Dollar,talaabadaas oo ka dhigtay $4 Dollar, iyada oo markii hore ahaan jirtay $6 Dollar.Dhimistaas oo ukala qaybsan sidan$1 Dollar oo ganacsatada laga dhimay, halka $1 dollarna lagu wareejiyay khasnada dhexe ee dawladda.

Siyaasada Arrimaha Dibedda

Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,

Waxaa hubaal ah in ay taaba gashay qaranimada Somaliland iyada oo uu dalkeenu buuxiyey dhammaan shuruudihii looga baahnaa dal madax-banaan, Somaliland waa dal nabdoon, xuduudihiisu ay suganyihiin, waa dal dimuquraadi ah oo ay ka jirto sharci iyo kala danbayn (Law and order) waa dal leh Hay’adihii dawligi ahaa kuna wada shaqeeya nidaam dastuuriya, waxaa ka jira bulsho u hogaansan dastuurka iyo xeerarka u yaalla.

Halkan inagu iskeen umayno iman ee waxaynu ku nimi doorashada aqlabiyada codka shacabka, waa ka aynu kuwada shaqaynayno dunidu inagu ixtiraamayso, aan idinku hogaaminayo, idinku igula xisaabtamaysaan, wada shaqayntiinana aan u dalbanayo.

Somaliland waa meel lagu ixtiraamo xuquuqul-iinsaanka iyo xoriyatul-qawlka, laguna dhawro shuruucda caalimiga ah, waa hubaal in beesha caalamku inala macaamisho,gacan-qabasho koobanina inaga soo gaadho balse kamay helin dadkaygu wixii ay beesha caalamka xaqa ugu lahaayeen oo ah aqoonsi buuxa iyo taageero dhaqaale oo caalami ah.

Waxaanu booqanay dalal badan oo aanu u ban dhignay qadiyada Somalilannd waxaa inoo yimi wufuud badan iyo dublamaasiyiin maqaam sare leh, ooaan la yeeshay kulamo gaar gaar ah, waxaanu wada shaqayn la yeelanay qaar ka mid ah shirkadha iyo Hay’adaha caanka ku ah Ictiraaf raadinta, arimaha debada waxaanu ka samaynay xidhiidh fiican iyo horumar la taaban karo guud ahaan caalamka, gaar ahaan wadamada jaarka ah,Wadamada carabta, Wadamada Europe iyo Maraykanka oo uu xidhiidh fiicani inoo dhexeeyo.

Wada hadaladii Somaliland iyo Somalia u billaabmay waxay ahaayeen arrin guul u keentay Somaliland, waxay ku salaysnayd baaqii caalamiga ahaa ee kasoo baxay shirkii London 23 Feb 2012, kaasoo beesha caalamku fagaare loo dhanyahay inoogusoo jeedisay innaga iyo Somalia inaynu ka wada hadalo mustaqbalkeena siyaasadeed, waxaynu ku tagnay shirkaas talo qaran oo loo dhanyahay oo aad labadiinan gole saldhig u ahaydeenkuna ogolaateen nidaam sharciya, waxaanay ahayd tallaabo fiican oo dhinaca wanaagsan loo qaaday guud ahaanba mandaqada.

Dawlada cusub ee Somalia waxaan jecelahay inay inoo dhexayso cilaaqaad fiican, waxaanu cid walba u sheegayna dalkan Somaliland dawlad uma aha, mana xukunto, waxaynu dawladnimadeenii dib ulasoo noqonay sannadkii 1991-kii, maanta waxaynu ku hawlanahay horumarinta dalkeena iyo aqoonsi aynu ka helo dunida.

Dawlada Somalia iyo dadkeeda waxaynu ka rajaynaynaa inay garwaaqsadaan inaynu u tashanay masiirkii ummadeena xaqna u leenahay, mana jirto cid jujuubi kartaa.

Hadaan wax yar ka idhaahdo ictiraafka Maraykanku siiyay dawlada cusub ee Somalia, arintaasi ma aha wax Somaliland khuseeya mana aha wax cusub ee weligeedba dawlada Maraykan way Ictiraafsanayd Somalia balse waxay iminka agolaadeen maamulkan cusub. Anaguna kama xumin xasadna kuma nihin wixii dadka Soomaalida ukordhaya iyo inay nabadgelyo iyo horumar gaadhaan oo wax dhistaan.

Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,

Somaliland iyo Dawlada Maraykankaxidhiidhkii inoo dhexeeyay waxba iskama bedelin,wada shaqaynteenu waa sideedii, waxaad illa dhugataan fariintan oo wasaarada arimaha debadu igasoo gaadhay “U.S. recognition of the government of Somalia will not prevent the U.S. government from engaging in Somaliland nor prevent us from conducting our programs in Somaliland. We made sure to clarify this with the Somali government before deciding to recognize them”.

Dawlada Ingiriiska waxaa inoo dhexeeyay xidhiidh soo jireen ah oo taariikhi ah, waxa inaga dhexeeyey iskaashi heer fiican marayay, waxaanse ka xumahay dhawaaqa arimaha dibedda kasoo yeedhay ee lagu sheegay in wadankan Somaliland ay ka jirto xaalad nabadgelyo xumo ahi, dhawaaqaasi muu ahayn mid u qalma oo ku haboon xidhiidhka labada wadan, waxaanan u arkaa mid lagu degdegay.

Walaalayaal, baahida ugu weyn iyo shayga ugu muhiimsan ee qarankan Somalilandku naaloonayaa waa aqoonsi iyo ictiraaf uu ka helo dunida, waxaynu soo samaynay dedaal badan iyo dhabar adayg aynu 22 sanadood ku raadinaynay qadiyadeena ummadnimo, waxaana marag-madoon ah in wax weyni inoo qabsoomeen meel fiicana aynu joogno balse waa masiir umadeed oo inooga baahan tacab intaa kasii badan, dedaalkeena labanlaabno, gacmaha is-qabsano oo si wada-jir ah uga wada shaqayno xukuumad, golayaasha, shacbiga , xisbiyada mucaarad iyo muxaafidba.

Wax kasta oo qaaliya waxaa lagu gaadhaa, qiimo badan iyo wax qaaliya, umadani waxay madax-banaani iyo gobonimo ku gaadhaysaa iyadoo loo guntado, in garasho sax ah lagu baadi-doono, loo wada fahmomadaxbanaanidu inay tahay masiirk umadeed oo cidkasta xil iyo masuuliyadi ka saarantahay, ma aha wax maalin iyo habeenkeed meel lagasoo qaadayo, ma aha wax xukuumadu iska leedahay, waase shaqo loo igmaday, ma aha meel aad mucaaradnimo ka daydo ama aad istidhaahdo cid ku xumee ee waa qaranimadii oo xil baa inaga wada saarandhamaanteen.

Madaxweyne ahaan intii aan xafiiska joogay waxaan qaaday talaabooyin badan waxaan garaacay albaabo badan, waxaana iga go’an in aan geed dheer iyo geed gaabanba u fuulo sidii aan dalkan aqoonsi iyo madax-banaani u gaadhsiin lahaa, si aan yoolkaa u xaqiijiya diyaar u ahay inaan hor fadhiisto cid kasta, talaabo kasta oo arintaa lagu gaadhi karana waxaan diyaar u ahay inaan qaado.

Waxaanan ogsoonahay in xilka koowaad aniga iga saaranyahay balse Ictiraafku ma aha wax aniga gacantayda ku jira ee waa wax gacan kale inagaga xidhan, Qarankan waxaan usoo maray halgan dheer, waxaan usoo sabray wakhti dheer, waxaan u dhaartay dantiisa, waxaanan u hurayaa wax kasta oo suurtagal ah, waxaan idin waydiisanayaa taageeradiina. Waxaanad ku kalsoonaataan waayo aragnimadayda iyo aqoontayda siyasadeed in aanay maanta xaajo iseegayn, in aan qofna iga jeclayn in dalkan iyo dadkiisu wax noqdaan.

Horumarinta dalka

Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,

Waxa ummada reer Somaliland ay ka war hayaan meeshii aanu wax ka soo bilownay, iyo halkii uu taagnaa Dalkeenu marka laga eego arrimaha Dhaqaalaha , Nabadgelyada, Caafimaadka , Waxbarshada, iyo Siyaasada, Warbaahinta iyo Arrimaha kale Bulshada.

Markii aan xilka la wareegay waxaanu u nimi Dalkeenka oo haysato Mussalaf Dhaqaale, Qasnad madhan, shaqaalihii iyo ciidamdii oo aan Afar bilood mushahar qaadan iyo deymo xad dhaaf ah oo garbaha aanu ku qaadanay.Idaacada Qaranka oo aan Hargeysa Dhaafin, Telafishankeena oo Somaliland oo kaliya laga daawado iyo arrimo badan oo dib u dhac ka muuqday oo aynaan dhamaantood halkan ku xusi karin.

Waxaan shaki ku jirin in aanu nahay Xukuumadii Horumarka, waxaana marag madoon ah in dalkani ku talaabsaday horumar la taaban karo, indhaha caafimaadka qaba ayaa arkaya bulshada ayaa marag ka ah, taariikhdaana qoraysa wixii aanu qabanay. Waxaan wax kooban ka tilmaamidoonaa wax-qabadkii iyo horumarkii ay Xukuumaddaydu ku talaabsatay.

Nabadgelyada: Waxaanu daminay collaadii mudada dheer ka taagnay ceel-bardaale, waxaanu daminay collaadii buuhoodle iyo kalshaale iyadoo aanu ku guulaysanay in aanu la heshiino ururkii hubaysnaa ee SSC oo uu hogaankiisii maanta xukuumadan ka mid yahay.

Waxbarashada: Waxaanu billaash ka dhignay dugsiyada waxbarashada taasoo suurta gelinaysa in Caruurta danyarta ah iyo caruurta qoysaska ladani ay si siman wax barashada uga qayb qaataan iyadoo aad ka dareemi karto korodhka ardayd oo gaadhay 7817 arday labadii sano (2011/2012) taasoo u dhiganta % 43.3 waxaa la dhisay 165 Iskuul

Dhaqaalaha: Waxay ahayd miisaaniyadii aanu la wareegnay (Saddex Boqol iyo Kow iyo Soddon Bilyan) oo u dhiganta$50 Milyan USD, waxaan gaadhsiinay(1Trillion,Somaliland shillin oo u dhiganta $174, Millayn) anagoo samaynay miisaaniyad qaran oo ka kooban dawlada dhexe $125,000,000, Hay’adaha madaxa banaana $35,854,545 iyo Dawladaha hoose oo dhan $11 Milyan.
Waxay u ahayd dhaqaalaha dalka talaabo wayn oo la qaaday bedelaadii lacagtii giimbaarta ahayd ee Burco.

Wadooyinka: Waxaanu dayactiray inta badan wadooyinka waaweyn, waxaa laga sameeyay magaalooyinka waaweyn Hargeisa, Burco, Boorama iyo Berbera wadooyin laamiyo ah oo aad u badan kuwaas oo isku darkoodu celcelis ahaan gaadhayo 290 KM Waxaanu dhamays tiray Biriijkii Hargaysa ee muddada dheer laga dhursugayay.

Waxaa dawlada iyo bulshadu iska kaashadeen wadooyinka Dilla-Boorame, Hargaysa-Salaxlay, Burco-Oodweyne, Kalabaydh-Togwajaale, jidka dawga cad- Hargeysa.Waxaana aanu dhawaan bilaabi doonaa wadada dheer ee halbawlaha u ah isku xidhka dalkan ee Togdheer-Ceerigaabo iyada oo aan sanadkan dhagaxdhigi doonno, waxaana aanu samayn doonaa abaabul ballaadhan oo bulshadu kaga qayb qaadato.

Dhismayaasha: Waxaa dhismayaal cusub loo sameeyay qaar badan wasaaradaha iyo hay’adaha dawlada sida, Wasaarada Gaashaandhiga, Wasaarada Kaluumaysiga, Wasaarada Qorshaynta, Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada, Wasaarada Beeraha, Wasaarada Arimaha Dibada, Wasaarada Duulista Hawada iyo Qasriga madaxtooyada oo aan dib u habayn ku samaynay kuna darnay dhismayaal aad u badan oo cusub.

Madaarada: Waxaanu dhisnay labada madaar Hargeisa iyo Berbera iyadoo la horemariyey adeegyadooda loona keenay qalabka lagu baadho alaabta socdaalayaashu sitaan. Sidoo kale waxaa gacanta lagu hayaa Madaarka Burco.

Ciidamada: Si loo adkeeyo difaaca qaranka iyo ammaanka dalka waxaanu ciidamada ku soo kordhinay gaadiidka gaashamman iyo kan xamuulka iyo ciidamada qaadaoo ay tiradoodu dhan tahay 107.

Shaqaalaha: Waxaanu shaqaalaynay 5557tootalka guud, oo ah intii ugu badnayd ee awoodu noo saamaxday.

Warbaahinta: Iyada oo ummadu muddo badan sugaysay, waxaan keenay Idaacad gaadhaysa dalka gudihiisa iyo debediisaba iyo TVga Somaliland oo aanu gaadhsiinay dunada oo dhan.

Biyaha: Waxaa la dhamays tiray 42 Ceel oo ah nooca dhaadheer intii aan xilka hayay, halk dalka hore looga qoday 89 ceel 20kii sanadood ee iga horeeyay,Waxaanu ka bilawnay gobolada iyo degmooyinka dalka mashaariic badan oo dhinaca biyaha ah.

Waxa la bilaabay mashruuc caasimada Hargeysa lagu wada gaadhsiinayo biyo ku fillan oo uu ku baxayo dhaqaale dhan $21,300,000(Kow iyo Labaatan Milyan iyo Saddex Boqol oo Kun oo Dollar).

Xeerarka: Aniga oo ka mahad naqaya wada shaqaynta golayaasha sharci dejinta, waxa aanu usoo gudbinay golayaasha sharci dejinta 27 xeer, waxa la ansixiyay 21 xeer, mudadaas aan xilka hayay.

Qorshaha Xukuumada ee Sanadka 2013

Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,

Qorshaha Xukuumada ee Sanadkan 2013 waxa saldhig u noqon doona qodobadii kasoo baxay shirkii qiimaynta Waxqabadka xukuumada iyo qorshaynta sanadka cusub ee Qasriga Madaxtooyada ku qabsoomay bishii Oktoobar ee sanadkii hore ee 2012, shirkaasi oo si qoto dheer ay Xukuumadu ugu lafo-gurtay waxii qabsoomay, waxa aan qabsoomin iyo waxa u baahan in la qabto, iyadoo laga shidaal qaadanayo 5 years plan-kii aanu dalka udhignay.

1. Nabadgelyada:

Waxaanu Xoogga saari doonaa Adkaynta Nabdgelyada iyo Xoojinta Difaaca Qaranka, waxaana aanu sii xoojin doonaa dagaalka aanu kula Jirno Argagixisa, Kooxaha Nabadiidka ah iyo Budhcad Badeeda, iyada oo kor loo qaadi doono Tayada Hay’daha Qaranka ee Nabadgelyada u xil saaran, lana xoojin doono Xidhiidhka ka dhexeeya laamaha kala duwan ee Ammaanka. Waxaa kale oo la sii wadi doonaa Nabadeynta iyo Maamul fidinta Gobolada Sool iyo Sanaag Bari iyada oo xoogga la saari doono sidii loo horumarin lahaa goboladaas.

2. Caddaalada:
Waxaanu xoogga saari doonaa Horumarinta Cadaalada, Toosinta iyo Kobcinta Garsoorka, qabyo tirka shuruucda iyo xeerarka taasoo aasaas u ah helitaanka Cadaalad buuxda oo ay muwaadiniintu helaan, talaabooyinkaas oo ay ka dhalan doontokalsooni buuxda oo ay Bulshadeenu ku qabto Laamaha Garsoorka Dalkeenka.

3. Shaqo-Abuur:

Waxa xoogga la saari doonaa sidii loo samayn lahaa barnaamijyo Shaqo abuur oo dhamaystiran, si xal loogu helo Mushkilada Shaqo la’aanta ee ka jirta Dalkeena, loona abuuro fursado shaqo oo ay ka faa’iidaystaan Dhalinyaradeenu, waxaana xoogga la saari doonaa kobcinta dhaqaalaha dalkeena, soo saarista khayraadkeena, soo jiidashada maal gelinta shisheeyaha, iyada oo la samayn doono wacyi galin balaadhan oo ku wajahan la dagaalnka Fakhriga iyo dhiiri galinta tacabka bulshada..

4. Isku Filaansho Xaga Cuntada ah:

Waxaanu xoogga saari doonaa sidii qarankani u noqon lahaa mid cunto ahaan isku filan, waxaanu kor u qaadi doonaa Wax soo saarka Beeraha, Kalluumaysiga iyo horumarinta Xoolaha nool.Waxaana xukuumadaydu ay u hawl gali doontaa sidii bulshada loogu wacyi galin lahaa tabcashada Beeraha iyo ka faaiideysiga khayraadka Badda.Waxaanu samaynay qorshahasugitaanka cuntada iyo biyaha (Food and Water Security) taas oo uu golaha wasiiradu ansixiyay.

5. Siyaasada maamulka iyo kala xadaynta Dhulka:

Waxaa la dejin doonaa Siyaasadii guud ee Dhulka, si loo yareeyo muranada ka dhasha dhulka loona ilaalin lahaa dhulka Danta guud, waxaanu si mug leh uga hawlgeli doonaa ilaalinta Deegaanka iyo ka hor taga Xaalufka, waxaanu samayndoonaa qorshe lagu kala habaynaayo dhul Daaqsimeedka iyo Dhul Beereedka, iyo Dhulka Seeraha ah.

6. Siyaasada Arrimaha Dibedda:

Aqoonsi buuxa oo qarankani ka helo dunida waa bartilmaamedka koowaad ee siyaasadeena arimaha dibadu ku wajahan tahay, waxaana la diyaarin doonaa Siyaasad qorshaysan, xidhiidh furfuran iyo iskaashi fiican oo ku wajahan Beesha caalamka sida Africa, Dunidda Carabta, Yurub, America, Urur Goboleedka IGAD, AU iyo jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa. Sidoo kale, waxaa la xoojin doonaa doorka uu qurba-jooga Somaliland ka qaadan karo ictiraafka.

Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,

7. Miisaaniyada Qaranka:

Sidii aanu horey idiinku soo bandhignay Siyaasadda miisaaniyadda ee sanadkan 2013 Waxaa si weyn uga muuqandoona Mashaariicda Horumarinta dalka, adkaynta Nabadgelyada iyo Difaaca Qaranka, Horumarinta Cadaaladda, iyo xoojinta Siyaasadda Arrimaha Dibedda.

Anigoo garwaaqsan dibu dhaca adeega bulsho eeka jira gobolada Sool, Sanaag Bari iyo Buuhuudle waxaanu sanadkan u qorshaynay 38 mashruuc oo horumarineed oo usii gaar ah goboladaas, kuwaas oo lagu horemarinayo adeegyada bulshada, kor uqadista shaqo abuurka iyo wax soo saarka, kuwaas oo loo qorsheeyay inay ku baxdo lacag dhan 9 Bilyan Somaliland Shillin oo u dhiganta $1,300,000 USD (Hal Milyan iyo Saddex Boqol oo Kun), waxaana ay u kala qaybsanaan doonaan sidan:

• Gobolka Sool 15 Mashruuuc oo ay ku baxayso kharash $500,000 USD (Half Milyan)
• Degaanka Sanaag bari 15 Mashruuc oo ay ku baxayso kharash dhan $500,000 USD (Half Milyan)
• Gobolka Buuhoodle 10 Mashruuuc oo ay ku baxayso kharash $300,000 USD

8. Diiwaan Gelinta iyo Doorashooyinka:

Sidii aan ku xusay khudbadaydan waxaa inasoo gudagalay wakhtigii doorashadaGolaha Wakiilada oo ku beegan dabayaaqada sanadka 2013, iyadoo wakhtigii doorashadii golaha guurtiduna ay ku beegantahay sanadka 2014 wakhtigii doorashada madaxweynuhuna ay ku beegantahay sanadka 2015 waxaa kale oo loo baahanyahay in la qabto iyana diwaangelinta muwaadiniinta (Civil Registeration) doorashooyinka ka hor, iyadoo aynu ognahay muhiimada doorashooyinku u leeyihiin qarankan.

Waxay u muuqataa in aanay suurtagal ahayn in labadaa sanadood gudohood lagu qabto diwaangelin iyo sadex doorasho, hawshaas oo umuuqata inay qarankan ku tahay culays iyo dhiigbax, si arintan xal loogu helo waxaan u saari doonaa gudi qaran waxaana aynu kaga gudbi doonaa talo loo dhanyahay.

Inaga oo ka duullayno waayo aragnimadii aynu ka dhaxalnay Doorashooyinkii deegaanka ee dhawaan dalka ka qabsoomay, waxaanu qaban-doonaa in dalka laga hirgaliyo Diiwaan gelin dhamaystiran, taasoo aanu miisaaniyada sanadkan ugu darray $1,000,000 (Hal Milyan oo Dollar).

Mudanayaal,

Sidaad ka war haysaan waxaan ahaa hogaamiye ka soo horjeesta korodhinta mudo xileedka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka , marka la gaadho dhamaadka muddo xileedkooda, mana jirto wax iska kay bedelay, waxaan idiin balan qaadayaa in aanan diyaar u ahayn in hal maalin ah la iigu daro muddo xileedkayga dastuuriga ah.

9. Soo Saarista Khayraadka Dalka (Macdanta iyo Tamarta)

Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,

Iyada oo aanu maanka ku hayno Khayraadka kala duwan ee ka buuxa Dalkeena hooyo, iyo baahida weyn ee aynu u qabno Ummad-ahaan inaynu khayraadka dalkeena la soo baxno si aynu uga baxno Saboolnimada una yeellano awood dhaqaale oo wax weyn ka tarta nolosha shacbigeena iyo horumarka dalkeena, iyada oo aanu fahamsanahay in awwood dhaqaale oo aynu yeellanaa ay wax weyn ka bedeli doonto miisaanka aynu ku leenahay dunida, wax weyna ay ka tari doono yoolka aynu higsanayno Qaran ahaan.

Waxaanu dib-u-eegis iyo wax ka bedel ku samaynay dhammaan heshiisyadii shidaalka ee laga dhaxlay Xukuumadii hore, iyadoo laysku afgartay in ay shirkadaha shidaalku fuliyaan barnaamij shaqo oo dhamaystiran, kaas oo la raacayo Qodobo iyo Wakhtiyo cayiman, arimahaas oo keenay in 21 sano ka dib markii ugu horreysay dib looga bilaabay in si mug leh loo Sahamiyo Gaasta iyo Saliida Ku jirta Dalkan Somaliland.

Waxa ay Xukuumadu heshiis kula gashay shirkadaha Shidaalka inay ku kharash gareeyaan $57 Milyan Sahaminta Saliida iyo Gaaska Somaliland labada sano ee soo socda, taas oo ah hordhaca shaqda imika bilaabantay.

Birta, Dhuxusha iyo Maanganiiska

Waxay Dawladu heshiis la gashay laba shirkadood oo caalami ah in ay fuliyaan sahaminta iyo soo saarista macdanta dalka ee ay ka mid tahay Birta, Dhuxusha, iyo Maanganiiska, taas oo gacan ka gaysan doonta mustaqbalka kobaca dhaqaalaha dalka iyo yaraynta shaqo la’aanta Dalka.

10. Xeerka Dawlada dhexe (Centeral Government Act)

Si looga hortago oo meesha looga saaro kala daadsanaan ku timaada shaqada iyo haybada dawladnimo loogana fogaado is dulfuulka xilalka iyo waajibaadka, isla markaana loo xaqiijiyo in xilalka la isu raaciyay hab la maamuli karo oo ku dhisan xajmigeeda.

Waxaanu dejinaynaa oo diyaarinayaa Xeerka Maamulka Hay’daha xukuumada oo kala xadidaya xilalka, waajibaadka, awoodaha iyo shaqada Hay’adaha xukuumada, kaas oo lagu maamuli doono laamaha kala duwan ee Dawladda Dhexe iyo isku xidhkooda.

11. Wax ka-beddelka iyo Kaabista Dastuurka

Waxaan labada gole usoo jeedinayaa in Dastuurka lagu sameeyo wax ka beddel iyo kaabis, si arrintan loo dhamaystiro waxaan idiin soo gudbin doonaa qoraal rasmi ah oo xambaarsan qaabka ugu sahlan ee dastuurka loo qabyo tiri-karo aniga oo u cuskanaya arintan qodobada dastuurka ee 126-aad iyo 127-aad.

Sidoo kale in doorashada golaha guurtida laga dhigo, Xulis ee aanu doorasho ku iman si aanay meesha uga bixin tayadiisa iyo ka qayb qaadashada beelaha yaryari.

GEBOGEBO

Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,

Waxa aan hortiina ka balan qaadayaa sidii aan horeba ugu shaqaynayay inaan dhawro madaxbanaanida garsoorka, xilka golayaasha sharci dejinta, ilaalinta xuquuqda aadamaha, xoriyatul qawlka iyo kaalinta saxaafada madaxa banaan.

Waxaan aaminsanahay in ay haweenka iyo dhalinyaradu ku yeeshaan talada dalka iyo horumarkiisa kaalin mug leh oo firfircoon, taas oo ay markhaati u ahayd xeerarkii aan usoo gubiyay golahan ee arinta ku saabsanaa, wax ka badalka da’da ay dhalinyaradu kaga qayb gali karto doorashada golayaasha deegaanka oo aynu ka dhignay 25 sanno idinku aad ogolaateen.
Waxaa aan idiin soo gudbiyay xeerkii kootada siinayay haweenka iyo dadka laga tiro badan yahay doorashada golayaasha deegaanka oo aydaan waafaqin, waxa aan mar labaad idinka codsanayaa inaad dib u eegtaan inta ka horaysa doorashada golaha wakiilada, si ay haweenkeena iyo dadka laga tiro badan yahay uga muuqdaan golayaasha la soo doorto ee qaranka.

Waxaad ogsoontihiin jidkii dheeraa ee uu Dalkeena Hooyo soo maray.

Waxaad ogtihiin in aynu nahay Qaran isku tashaday oo iyaga oo aan dunida ka helin Aqoonsi caalami ah iyo kaalmo dhaqaale oo muuqata, dalkoodii dib u dhistay.

Waxaynu muddo 21 sanadood gudahood ah dhisanay Dawladnimo buuxda oo Dimuqraadi ah, nabadgelyo, kala dambayn iyo Dhaqaale muuqda oo aynu abuuray,hormar dhinac kasta ah oo aynu ku talaabsanay.

Waxaynu gaadhi doonaa insha alaahu wakhti aan fogayn horumar ballaadhan.Waxaa hubaal ah in ay innoo soo socdaan maalmo iyo Sannado badan oo Barwaaqo aynu ku noolaan doonno, waxaynu gaadhi doonnaa yoolka aynu higsanayno oo ah aqoonsi uu Qarankani ka helo dunida.

Mudanayaal,

Maanta Somaliland loo warwari maayo maraxalado badan ayay soo martay oo fulaygu shakiyay, sidii aan hore u sheegay boqol sanadood haday gaadhayso qadiyada madaxbanaanida Somaliland waa muqaddas, waxaanan ku kalsoonahay inaynu si wada jir ah uga wada gudbi doono caqabad kasta oo inaga hortimaada.

Waxaad dhamaantiin tihiin geesiyaal ay taariikhdu xusi doonto, waxaad muujiseen Dedaal, Wadaniyad iyo Isku Kalsooni, waxaanad dhabar-adayg iyo Samir kaga soo gudubteen duruufo aad u adkaa oo uu Qarankeenu soo maray muddadii aynu la soo noqonay madaxbannaanideena.

Madaxbannaanida Jamhuuriyada Somaliland waa mid ku timi Rabitaanka Shacbiga Somaliland;Waa Madaxbanaani ay u soo mareen Jid dheer oo dhib badnaa;Waa Madaxbanaani aanay cidna u daba-fadhiisanayn; waa madax banaani ay uhuri doonaan naf iyo maalba;waa Madaxbanaani ay Difaacan doonaan, Siyaasad ahaan, Dhaqaale ahaan iyo Militari ahaanba haddii ay kallifto.

Waxaan ugu baaqayaa Caalamka Nabada iyo Horumarka Jecel in ay tixgaliyaan go’aanka shacabka ee madaxbanaanida Somaliland.

Madaxda reer Soomaaliya Waxaan ugu baaqayaa inay ka fogaadaan wixii dhaawici kara Qodobadii ka soo baxay Shirkii London, isla markaasna ay garawsadaan in Qaranka Somaliland Madaxbanaanidiisu ay tahay mid Muqqadas ah oo aan Gorgortan gali karin, loona baahan yahay in laga shaqeeyo wixii Deris wanaag, Saaxiibtinimo iyo Wax wada qabsi ah ee dhex mari kara labada Dal ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Ugu danbayn Waxaan u soo jeedinayaa Shacbiga qaaliga ah ee reer Somaliland inay gacmaha is qabsadaan, sii laban-laabaan dedaalka ay ugu jiraan xoojinta Nabadgelyada, Horumarinta Dalka iyo ka Hortagga shirqoollada cadowga iyo wax kasta oo tafaraaruq iyo qaybsanaan ku keeni kara wadajirka Bulshadeena.

Waxaan mar kale hortiina ka ballan-qaadayaa inaan sii laban-laabi doono dedaalka aanu ugu jirno Horumarinta dalkeena iyo ka midho dhalinta qadiyadeena.

Somaliland ha Guuleysato Insha Allaah,

WAAD MAHADSAN TIHIIN,

Mudane Axmed Maxamed Silanyo
MadaxweynahaJamhuuriyadda Somaliland

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player