Doorashooyinkii deegaanka ee sanadkii hore dabayaaqadiisii dalka ka qabsoomay ayaa dhalisay isbedelo siyaasadeed oo dhamaan saamayn ku yeelandoona lixda gobol ee dalka si la isku dheelitiro saami qaybsiga beelaha.
Madaxtooyada Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay ah mid mashquul ku ah qabashada araajida laga bilaabo bilowga sanadkan cusub, waxaana buux dhaafiyay dadweyne isugu jira noocyada kala duwan ee bulshada kuwaas oo ka kala imanaya gobolada dalka oo dhan waxaanay dhamaantood danaynayaan ka qayb qaadashada isbedelada ay dhalisay doorashadii deegaanku.
Tartanka loogu jiro badhasaabka gobolka Awdal ayaa ka mid ah jagada la filayo inay banaanaato, waxaana ilaa iyo hadda soo dhigtay araajidooda ilaa todoba qof oo dhamaantood ka soo jeeda gobolka Awdal.
Illo wareedyo xogogaala ayaa noo xaqiijiyay kullamo dhowr ah oo ka dhacay madaxtooyada Somaliland, kulamadaas oo u dhexeeya shakhsiyaad iyagu danaynaya jagada badhasaabka Awdal.
Ilaa iyo inta imika la ogyahay ayaa la sheegay in qabashada jagadaas ay ugu cad cad yihiin afar qof oo mid ka mid ahi yahay qurbejoog, illahani waxay tibaaxayaan in shakhsiyaadka ugu cad cad ay ka mid yahiin gudoomiyihii hore ee degmada Borama Cabdiraxmaan Shide Bile, Fahmi Cabdi Bidaar oo ka mid ahaan jiray baarlamaanka Somaliland, Shiine Dheere iyo Rashiid Saleebaan oo ka mida qurbejooga reer Awdal.
Weli ma cadda cida ku guulaysan doonta tartankan loogu jiro badhasaabka Awdal, balse waxay cadaan doontaa maalmo kooban gudahood
Source-cadceed

















Posted in 





