Madaxweynaha Somalinad Oo Ka Qaybgalay Banaanbax Lagaga Soo Horjeedo Dhawaaqii Ingiriiska Oo Ka Dhacay Hargeysa

 

 

 

 

 

 

Dadwaynaha Magaalada Hargeysa ayaa saaka subaxdii isugu soo baxay jidadka waaweyn ee caasimada, iyagga oo sitay calanka qaranka Somaliland iyo weliba boodhadh waaweyn oo ay ku xardhan yihiin weedho lagu taageerayo madax-banaanida iyo xasiloonida ka jirta Somaliland.\

Source-Cadceed

Dadwaynahan oo isugu jiray ardayda jaamacadaha, haween, ganacsatada kala duwan ee caasimada iyo weliba dad kale oo aad u fara badan, ayaa waxay subaxdii hore ee saaka isugu yimaadeen albaabka hore ee aqalka baarlamaanka Somaliland oo uu maanta khudbad sanadeedkiisii ka jeedinayey Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Dadwaynaha ayaa dhigay dibad-bax salmi ah oo ay kaga soo horjeedaan dhawaaqii Ingiriisku ku sheegay in nabadgalyada Somaliland liidato, waxayna ku dhawaaqeen weedho ay ku amaanayaan Somaliland iyo jiritaankeeda, sidoo kalena waxay eedaymo u jeediyeen Dawladda Ingiriiska oo ay sheegeen inay ka soo horjeedo Madax-banaanida Somaliland.

Dadwaynaha mudahaaradayey, ayaa sida sawirada ka muuqata sitay boodhadh ay ku qornaayeen weedho ay ka mid yihiin “Somaliland waa Qaran Nabdoon”

ibad-baxan, ayaa waxa sidoo kale ka qayb-qaadanayey masuuliyiinta dawladda Somaliland, sida Wasiirrada, shir-guddoonka baarlamaanka, iyadda oo markii Madaxwayne Siilaanyo uu khudbad-sanadeedkiisa uu jeediyay uu dadwaynaha kala qayb-galay dibad-baxan, isaga oo Madaxwaynuhu ka lugeeyay aqalka baarlamaanka, isaga oo lug ku gaadhay dhakhtarka weyn ee caasimada oo markii dambe uu ka raacay gaadiidkiisiisa gaarka.

Sidoo kale, dibad-baxan, ayaa waxa korka ka ilaalinayey ciidamada kala duwan ee Somaliland, sida booliska, nabad-sugida iyo ilaalada Madaxtooyadda, kuwaasi oo si gaar ah isha ugu hayey dhaqdhaqaaqyada amaanka lidka ku ah.

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player