Madaxwaynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Oo Dhawaan La Filayo In Aqoonyahan Da’yar Oo Reer Awdala U Magacaabo Lataliyaha Dhinaca Sharciga Ee Madxwaynaha Soomaaliya

Sida aan la wada socono madaxwaynaha Dawlada Federalaaka Soomaaliya Waxa uu dhawaan xil u magacabay mid ka mid ah aqoonayahanada dhinaca bankinka aqoonyahan ka soo jeeda Gobolada Awdal/Selel Iyo Gabiley waxaana jirta in madaxwaynuhu in uu ka maarsami waayay aqoonyahanadaas ka soojeedaas goboladaas, iyada oo ay horey u jirtay in aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar u diiday in uu qaato booska Raysal wasaare Kuxgeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya ayna qaateen mid ka mid ah haweenka ka soo jeeda Beesha Dhexe Ee Somaliland.

Hadaba ilo xogogaala oo ka agdhaw guriga fila soomaaliya ee looga arimiyo Dawladan Cusub ee waqtiyadii ugu danbaysay ku jirto sidii uu madaxwaynuhu u soo qaadan lahaa mid ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Goboladan Aqoontu dihintahay oo dhinaca sharciga ka taageera Madaxwaynaha kaas oo magaciisa la yidhaahdo Prof:C/waaxid Sheekh Cismaan Qalinle oo ah aqoonyahan ku xeeldheer dhinaca sharciga oo guud ahaan Aduunka Iyo soomaaliduba si wanaagsan u yaqaanan.

Madaxwayne Xasan Sheekh Ayaa la filayaa in uu dhawaan u magacaaba la taliyaha Dhinaca sharciga ee xafiiska Madaxwaynaha tanina hadii ay suuragasho waxa uu madaxwaynuhu heli doonaa maamuul iyo khibrad aqooneed oo dhamaystiran oo dhinaca sharciga iyo maamulwanaaga.

Si kastaba ha ahaatee wiilkan aqoonyahanka ah ee ka soo jeeda Goboladan kuna takhusasay cilimiga sharciga ayaa noqonaya mid Madaxwaynuhu kaga raysan doono jaahwareerka dhinaca sharci ee hasyta xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya oo uu ka muuqdo habqan xoogani oo dhinaca sharciga ah.

Source-BOA

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player