Maayarka Degmadda Saylac Oo Naqdiyey Shuruudo Adag Oo Odayaasha Beesha Ciise Ku Xidheen Aqbalaada Waan-Waanta Socota, Fartana Ku Fiiqay Halka Uu Salka Ku Hayo Ismari-waagu

Beesha Cadhoonaysaana laba Aabo ayaanu leenahay oo arintayadu ka go’daa ayey leeyihiin oo waa Ugaaska iyo Madaxwaynaha Djibouti” Xuseen Iidle

Jan 25, 2013 Hargeysa – Maayarka degmadda Saylac ee xarunta gobolka Salal Xildhibaan Xuseen Iidle Barkhadle ayaa naqdiyey Shuruudo adag oo la sheegay in Odayaasha beesha Ciise ay ku xidheen inay aqbalaan waan-waanta socoto ee lagu soo afjarayo khilaafka ka taagan doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeenka golaha deegaanka degmadaas, kaas oo xalintiisa ay mudo 2 todobaad ah u joogaan deegaankaas Wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland oo aan ilaa hada ku guulaysan in xal kama danbays ah laga gaadho muranadaas.

Duqa degmadda Saylac Xuseen Iidle waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi khaas ah oo uu xalay khadka telefoonka ku siiyey Naasir Aadan Maxamed oo ka tirsan Wargeyska Haatuf, isaga oo Saylac jooga, kaas oo uu kaga hadlayey xaalada guud ee deegaankaas, isla markaana ku soo bandhigay fikirkiisa ku wajahan waxa uu ka qabo shuruudaha adag ee waftigii Wasiirada ahaa ay u qadimeen Odayaasha beesha Ciise oo la sheegay inay dalbadeen in 4 xubnood loogu daro beeshood Xildhibaanada golaha deegaanka ee degmadaas, taas oo uu Maayar Xuseen Iidle Barkhadle tilmaamay inay ka hor imanaysa shuruucda iyo distuurka dal, isla markaana sababayso in Distuurka wax ka badal lagu sameeyo.

Maayarka degmadaas Xuseen Iidle waxa kale oo uu taageeray socdaalkii ay dalka Djibouti ugu kicitimeen Wafti xukuumadda Somaliland ka tirsan, kuwaas oo Madaxda wadankaas kala soo xaajoon doono xal u helida khilaafyada dabada dheeraaday ee ka taagan halkaas. Ugu horayna Guddoomiye golaha deegaanka Saylac, isaga oo ka hadlaya xaalada guud ee deegaankaas, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Xaaladda guud ee degmadda Saylac imika way wanaagsan tahay oo Alxamdulilaah wax dhibaato ahi ma taagna, waanay jiraan Madax xukuumadda ka tirsan oo deegaanka yimid oo waliba laba Group ahaan u kala yimid oo labadooduba arintaas aad sheegteen uun u wada socday. Waxaana nagu soo horeeyey Waftigii Wasiirkeena Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale oo marka ay noo yimaadeen aan u malaynayo inay ahayd 14-kii bishan January maantana waa 24 bishu, hadana waxa ka daba yimid laba Wasiir oo kale oo kala ah Wasiirka Warfaafinta Abiib Timacade iyo Gaashaandhiga Cadami, markaad arintaas qiimayso ee aad aragto Wafti ka daba yimid Waftigii ka horeeyey waxay ku tusaysaa inuu hadalkii taagnaa markii hore uu gudhi laayahay, isla markaana khilaafkii jiray uu sidii u taagan yahay. Waftigaasi shalay ahaan ayey waliba noo dhaafeen xaga dalka Djibouti, socdaalka Wasiiradaasina waxay marag u tahay in Nabadgalyadu wakhti qaadato oo marka nabad run ah la doonayo wakhti dheer ayey qaadataa oo geed walba waa loo fadhiistaa, isla markaana meel walba waa loo tagaa si ay u guulaysato Nabadgalyadu. Mida kale marka Balaayo la shidayo iyadu way degdegtaa oo way dheeraysaa, markaa wakhtiga dheer ee Waftiyadaas xukuumadda ka socday ay deegaanka u joogeen iyo inta ay Djibouti u tageenba waxa ay ila tahay inay Nabadgalyada uun raadinayaan oo ay ka shaqeynayaan uun isku soo dhawaynta beelaha walaalaha ah ee deegaanka ku wada nool ee xurgufta yar ay soo kala dhexgalisay doorashadii deegaanku. Dadka isleh maxay arintani intan oo dhan u jiitamaysaa oo loo soo afjari laayahay, Soomaalidu waxay tidhaahdaa laba arimood oo aan is-gayin maaha in la isku dhufto oo Dabka iyo Dhagaxa la iskuma dhufto, markaa halka arinta laga fahmi laayahay ayaa ah arintaas oo markii hore dibeda laga bilaabay oo laga galay arintaas”.

S: Maxaa keenay wakhtigan in labadii Wafti ee xukuumadda ka socday ee Saylac isku soo gaadhay qayb ka mid ahi ay Dalka Djibouti ka doonto sida la sheegay Xalka khilaafyada ka taagan deegaankaas?

J: Waxa la isku hayaa waa Doorasho, doorashaduna waxa ay xambaarsan tahay ayaa la yidhaahdaa waa Siyaasad, siyaasadana waa in dadka ehelkeeda ah loo caqli celiyo oo la isla garto ahayd, markaa siyaasiyiinteenii reer Somaliland ee dadka halkan ku qaabilayey waxay ahaayeen Odayaasha beesha cabanaysa, mida in la fahmi ku wanaagsanina waa in Oday Dhaqmeed iyo nin siyaasi ahi aanay marnaba isku imanaynin oo ismaba fahmi karaan, markaa taas ayuun baa keentey inay arintu dhamaan waydo oo imikana loo fadhiyo ka midha dhalinta in dadkan walaalaha ahi ay isku calool fayoobaadaan. Marka bulshadda Somaliland waxa aan u sheegayaa in dajinta xaalada Saylac ka taagan uun waftigaas ay u tageen Djibouti oo waxa la yidhi weelba inta uu qaado ayaa lagu shubaaye waa in nin walba caqligiisu inta uu gaadhsiisan yahay uun in lagu yidhaahdo ayaa banaanaatay, oo beesha Cadhoonaysaana laba Aabo ayaanu leenahay oo arintayadu ka go’daa ayey leeyihiin oo waa Ugaaska iyo Madaxwaynaha Djibouti, markaa arinku sidaas ayuu ahaa ilaa iyo imikana xaaladu way degan tahay oo wax balooyo ah oo dhacday ma jiro.

S: Hadii Waftigii Wasiirada ahaa ee Saylac mudada 2-da todobaad ku dhaw joogay ay ku guuldaraysteen xalinta khilaafyada jira, isla markaana dalka Djibouti ay ka doonaan wixii lagu dawayn lahaa muranada taagan, miyaanay taas ceeb ku ahayn dawlad-nimada Somaliland?

J: Horta ninba si ayey ula muuqataa socdaalka waftigaasi ku tagay Djibouti, laakiin aniga shaqsi ahaan iyo ka Maayar ahaanba iiguma muuqato arintaasi inay dhaawac ku keenayso dawlad-nimadeena ama sumcada dalkeena, waayo dadka ilaa imika tanaasulka diidan ee xalinta khilaafkaas hortaagani waa Madaxdhaqmeed, isla markaana Oday dhaqmeedka doorashaa la galay oo waa la tartamay oo marka la tartamo cid ayaa guulaysata cida kalena way guuldaraysan kartaa ma aaminsana oo kama dhaadhacsana. Mida kale ee meesha taala ee keentey in waftigaasi tagaan halkaas waa beesha cabanaysa oo ka soo jeeda beesha dalka aynu jaarka nahay ee Djibouti oo ay ehel yihiin, iyaga oo dhalasho ahaan ah reer Somaliland oo ka mid ah labada beelood ee wada dega Saylac, markaa xukuumadeenu iyada oo dhawraysa Nabadgalyada guud ee dalka maaha khalad inay dawladda aynu jaarka nahay kala xaajooto xalinta khilaafyadaas oo dhibaatada Saylac ka dhacda Djibouti-na way saamanaysaa, Hargeysa-na way saamaynaysaa oo Boorama, Burco, Ceerigaabo, Laascaanood iyo guud ahaan dalka Jamhuuriyada Somaliland oo dhana way saamanaysaa wixii dhibaato ah ee ka dhaca deegaanku. Markaa anigu fikir ahaan waan taageersanahay in bulshadda laga dhaadhiciyo inaynu gabigeenuba ay Saan yar ku wada fadhino oo ilaalinta Nabadgalyadana waajib inaga wada saaran yahay inaga iyo dalalka jaarkaba, markaa waa talaabo dhinaca saxda ah loo qaaday in dajinta khilaafyadaas xukuumadda Djibouti lagala xaalo si xidhiidhka labada dal aanu u dhaawacmin.

S: Waa Maxay qodobka imika la isku hayaa ee la isku mari laayahay ee la sheegay inay Madaxdhaqmeedka beesha Ciise ku adkaysanayaan?

J: Halka uu salka ku hayo ismari-waaga arinta Saylac waa sida aan kuu sheegay Oday dhaqmeedka beesha aanu walaalaha nahay ee Saylac oo ku adkaysanaya in 4 xubnood hanloogu daro golaha deegaanka degmadda Saylac oo hore u ahaa darada degmooyinka marka la eegayo darajada B oo xubnaha deradaasi sida Distuurka ku cad noqonayo 17 Xildhibaan, waxaanay ku adkaysanayaa Odayaashaasi in Afartaas xubnood lagu daro golaha, run ahaantiin waa arin adag oo ka hor imanaysa Shuruucdii iyo qawaaniintii dalka u taalay oo hadii toodaba loo raaco waxay noqonaysaa in Distuurka wax laga badalo. Tusaale ahaan hadii 4 xubnood lagu daro golaha deegaanka Saylac waxa ay tiradoodu noqonaysaa 21 Xildhibaan, taasina waxay ka dhigaysaa in degmadu noqoto markaas darajada A, markaa runtii anaga oo jecel Nabadgalyada dadkeena iyo dalkeena hadana waxaan ku talin lahaa inaynu xaqdhawrno qawaaniinta iyo sharciga aynu dhiganay.

S: Sida dhacday waftiga Wasiirada ahi labada beelood ee khilaafku ka dhaxeeyo mid walba dhinacooda ayey u waydiisteen inay Tanaasusho, markaa miyaan la odhankarin murankaas soo afjaridiisu way adag tahay maadaama oo beeshaadii iyo beeshii kale-ba ay diideen in mid walba go’aankeeda ka tanaasusho?

J: Hadalka aad leedahay labada beeloodba way diideen inay wax tanaasul ah sameeyaan runtii waa mid aanay waxba ka jirin, sida xaqiiqada ah cida is haysataa waa laba beelood oo walaalo ah oo midna 10 xubnood ka heshay golihii deegaanka halka beesha kale-na ka heshay 7 xubnood, isla markaana darajada degmadayada Saylac-na waa B oo sharciga dalku u ogolaaday inay yeelato 17 Xildhibaan. Mida kale marka doorasho la galo waa la tartamayaa oo midh la isma amaahiyo oo cid ayuun baa badisa, dhinicii guulaysta ee xubnaha badan hela iyo dhinicii kaleba waxay hadana ku tartamayaan oo ay doortaan hogaankoodii oo ah Maayarkii iyo Maayar ku xigeenkii, markaa waxa dhacday in shirkii Guddoomiyaha golaha iyo ku xigeenkiisa lagu dooran lahaa inay beeli qaadacdo sida Hargeysa-ba ka dhacday 25-kii xubnood ee caasimada 15 ka mid ah ayaa fadhiistay oo hogaankoodii doortay halka 10-kii hadhayna ay qaadaceen, markaa waxa la raacay uun Xildhibaanada wax doortay Kooramkii maxa buuxiyeen? Haa way buuxiyeen, sidaas oo kale ayuun baa Saylac-na ka dhacday oo Xubnihii soo fadhiistay markii ay Kooramkii buuxiyeen ayuun baa aniga iyo ku xigeenkaygana la doortay.

Kolkii sidaas arimuhu u dhaceen ayaa waxa soo baxay hadalo iyo khilaafyo la leeyahay maxay sidaas u dhacday, waxaana la yidhi iyada oo Somaliland sharciga la fulinayo hadana waxa inoo xeer jajab ah in Miisaanka labada dhinac laga simo sida Awrka marka la rarayo la iskugu miisaamo labada dhinac, markay halkaas maraysay ayaa beesha aan ka soo jeedo ay si qurux badan yeeshay oo ay Tanaasul muujisay, oo Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaanu u dhiibnay Xilkii aanu walaalahayo uga tanaasulnay anaga oo markaas u tudhayna ehel-nimada iyo waxa naga dhaxeeya beesha kale ee aanu walaalaha nahay, isla markaana aaminsan inaan meelna la kala tagaynin oo Ilaahay iskaayo baday. Anagu marka waxaanu is lahayn Cadka kii ugu wanaagsanaa ayaad bixiseen laakiin waxaan ka xumahay in walaalahayo ay ku qanci waayaan tanaasulkaas, waxaanu waliba intaas u raacinay dawladda dhexe-na xilalka ay bixinayso ha ugu darto beesha walaalahayo, markaa waxaan arintaas kaga baxayaa tanaasulkaas mid ka badan oo aan isleeyahay waa la sameeyaa ma jiro.

S: Adiga Maayar ahaan maxaad u aragtaa in lagu soo afjari karo khilaafka dabada-dheeraaday ee ka taagan degmadda Saylac?

J: Marka hore Ilaahay waxa aan ka baryeyaa inuu inoo fududeeyo in xal degdeg ah oo waara waliba laga gaadho khilaafyada degmadda Saylac ka taagan, mida kale doorashadu maaha mid inagu cusub oo tiraba dhawr doorasho ayeynu qabsanay oo si fiican inoogu dhamaaday, isla markaana nin iska diidaya inuu aqbalo natiijada doorashadaas waa la inaga dhex helayaa markasta laakiin xaqiiqdu waxa ay tahay Cad-ceed inaan sacab lagu qarinkarin.

Markaa waxaan bulshadeena ugu baaqi lahaa ugu horayn inay aqbalaan doorashada ilayn hay’addo dhan ayaa u xilsaarnaa oo xukuumad ayeynu leenahay oo waxa jira wadooyin loo maro wixii cabasho ah ee doorashada laga qabo, bulsho waynta deegaanka Saylac-na waxa aan si gaar ah u leeyahay ka soo noqda xumaanta sharku wado oo aynu isku kaashano sidii aynu deegaankeena uga dhigi lahayn mid la tartama degmooyinka kale ee dalka. Mid kalena waan leeyahay dadkayga oo waxaan odhan lahaa waar marka aad i tijaabisaan ee aad aragtaan waxaan qabtay iyo waxaan qabankari waayey igula xisaabtamo, laakiin waa foolxumo in dadkeena qaab qabiil loo abaabulo oo lagu kala dilo dadka wada dhashay ee isku ehelka ah.

Source:Haatuf-Cadceednews

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player