Maamulka Heer Gobol Iyo Heer Degmo Ee Gobolka Awdal Oo Munaasibad Qado Sharafeed Ah U Sameeyey Dhigooda Gobolka Gabiley+SAWIRO

Maamulka heer gobol iyo heer degmo ee gobolka awdal ayaa Maanta Munaasibad Hadhimo Sharafeed ah usameeyey Maamulke Heer Gobol Iyo Degmo Ee Gobolka Gabiley.

Munaasibadaasi oo kadhacdey Hotel Rays ee Magaalada Borama ayaa Waxaa kasoo Qayb-Galley Gudoomiyaha Gobolka Awdal Md Axmed Xadi Sidci, Maayirka Borama Md Saleebaan Xasan Xaddi, Xogahaya Dawlada Hoose ee Borama Md Maxamed Cabdi Xaashi Xamari, G/kuxigeenka Gobolka Gabiley Md Cali Cabbdi Cabdilaahi (Cali Case), Maayirka Gabiley Md Shucey Maxamed Muuse,Xoghayaha Dawlada Hoose ee Gabiley Md C/raxmaan Nuur Abokor ,Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Gabiley Md Saleebaan Ubaxle Dhagacadde, Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof.Saleebaan Axmed Guuleed, Dr.Siciid Axmed Walhad iyo Marti Sharaf Kalla Duwan.

Ugu Horeyn Waxaa Munaasibadaasi Hadal Kooban Ka jeediyey Hogayaha Dawlada Hoose ee Borama Md Maxamed Cabdi Xaashi Xamari isagoo si kal iyo laab ah usoo dhaweeyey Masuuliyiinta maanta Ugu Martida ah Gobolka Awdal.sidoo kalle sheegey inaanu kulankani Noqon Doonini kii ugu horeeyey iyo kii Ugu Dambeeyey Midna, ee uu noqondoono Mid Joogta oo ay Maamulka Heer Gobol Iyo Degmo ee Gabiley Iyo Borama ay wada yeelan doonaan .

Maayirka Magaalada Borama Md Saleebaan Xasan Xadi oo Munaasibadaasi kahadley ayaa sheegey unoo dhaweynaayo masuuliyiinta Gabiley ee Maanta ay Hadhimo Sharafeedka ay usameeyeen.waxaayidhi”.(waa waji cusub oo bilaw ah ahna mid lagu farxo waana nidaam Bilaw ah oo aanu Dooneyno in Wajiyadda cusub ee lasoo doortey ay kuwada shaqeeyaan ,waanan soo dhaweyneynaan.

Sidoo kalle waxaa Munaasibadaasi qadasharafeedka ah kahadley Maayirka Degmada Gabiley Md Shuceyb Maxamed Muuse waxaanu mahadnaq Balaaadhan usoo jeediyey Maamulka heer gobol iyo degmo ee Gobolka Awdal sidoo Kalena sheegay xidhiidhka labada gobol inaanu noqonin mid halkaa lagaga hadho balse uu Noqdo mid sii socda.
Gudoomiye Ku xigeenka Gobolka Gabiley Md Cali Cabdi Cabadilaahi (Cali Case) oo Munaasibadaasi kahadley ayaa sheegey iney aad ugu faraxsan yihiin xidhiidhka Cusub ee ubilaabmey Laba Gobol , Sheegeyna iney soo dhaweynayaan taalaabadani.

Gudoomiyaha Gobolka Awdal Md,Axmed Xaddi Sidci oo isagu munaasibadaasi hadal dheer kajeediyey ayaa Sheegey in Gabiley Ay tahey Magaladii uu kabilaabey Waxbarashadda hoose,waxaa xusey inuu Aad Ugu Faraxsan Yahey kullankan Maanta ay layeesheen Dhigooda Gobolka Gabiley.

Gunaanadkii Munaasibadaasi waxaa hadal kooban oo kajeediyey Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed waxaa uu sheegey inuu aad ugu faraxsan yahey kulanki Maanta oo ah mid Taariikhi ah uuna soo dhaweynaayo, sidoo kalle waxaa uu Tilmaamey inuu tageero siin doonaan Jaamacadda Gabiley.

si kastaba ahaatee waa markii ugu horeysay ee Maamulada Labada Magaalo ee Borama Iyo Gabiley ay isku imaadaan Kulan noocan oo kalle ah.

 

Source-BOA

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player