Jaaliyada Gobolada Awdal/Selel Iyo Gabiley Ee Dalka Kuwait Oo Deeq Lacaga Soo Gaadhsiisay Dadkii Wax Ku Noqday Banaanbaxyadii Ka Dhacay Boorama Iyo Lughaya+SAWIRO

Jaaliyada Gobolada Awdal/Selel iyo Gabiley ee dalkaasi Kuwait ayaa deeq lacaga soo gaadhsiiyay dadkii ku dhintay kuna dhaawacmay banaanbaxyadii ka dhacay magaalooyinka Boorama iyo Lughaya deeqdaas oo dhanayd $3,000 Saddex kun oo doolarka maraykanka ayaa waxa soo gaadhsiiyay gudoomiyaha isku xidhka gudaha iyo dibada goboladan Xaaji C/qaadir Aadam Nuur  Gudoomiyaha Jaaliyada wadankaasi KUWAIT  Mudane Axmed Ibraahim Caateeye.

Munaasabadan deeqda ah ayaa waxaa kala qaybgalayay qaybinteeda qaar ka mid ah salaadiinta goboladan oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Abshir iyo Suldaan Maxamed Cabdi kuwaas oo sidii loogu talagalay ugu qaybiyay Laba qof oo ku kala dhintay Magaalooyinka Boorama iyo Lughaya Iyo Dhaawaca oo gaadhayay Lix Qof kuwaas oo ku kala jiray dhakharada Magaalada Boorama.

ka dib markii ay u qaybiyeen deeqdaas lacagta ah dadkii loogu talagalay ayaa halkaas waxaa hadalo mahadnaq u badnaa ka soo jeediyay qoysaskii iyo waalidiintii ay dadkoodu ku waxyeeloobeen dhacdooyinkaas kuwaas oo sheegay in ay aad ugu mahadnaqayaan walaalahooda soo xasuustay kana filayaan walaalahooda kale in ay sidaas jaaliyada Kuwait ay yeeshay ay yeeli doonaan haduu alla idmo.

Dhanka kale waxaa iyagna halkaas baaq iyo mahadnaq ka soo jeediyay Xaaji C/qaadir Aadam Nuur, Suldaan Abshir Iyo Suldaan Maamed Cabdi kuwaas oo Jaaliyada Kuwait uga mahadceliyay in ay noqdeen jaaliyadii ugu horeysay ee Deeq lacageed u soo dirta walaalahooda dhibaabtadu ku dhacday , waxa kale oo ay baaq u direen jaaliyadaha kale ee dunida dacaladeeda ku nool in ay ku daydaan walaalahooda Reer Kuwait talaabada wanaagsan ee ay qaadeen loogana fadhiyo gargaar iyo waxqabad degdega oo ay dadkaasi u baahanyihiin.

Si kastaba ha ahaatee Jaaliyada Kuwait waxa ay noqotay jaaliyadii ugu horeysay ee ka soo qaybqaadato taakulada iyo u gargaarida dadkii ku shahiiday kuna dhaawacmay xaqudirirkii lagu xaroyanayay Degmooyinka Saylac Iyo Lughaya waxa ayna mudan yihiin Amaan Mahadnaq balaadhan iyo ku dayasho.”

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player