Golaha Deegaanka Cusub Ee Hargeysa Oo Maanta XIlkii Kala Wareegay Golihii Deegaanka Ee Hore

Golaha deegaanka cusub ee magaalada Hargeysa ayaa maanta xilkii kala wareegay golihii deegaanka ee wakhtigoodii dhamaaday.

Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin tiro badan oo ka kala socota xukuumadda, xisbiyada qaranka iyo marti sharaf kale ayaa ka qayb galay xafladan ay labada gole deegaan xilka kula kala wareegayeen. Maayarkii hore ee xilka wareejinaya Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo halkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyey waxyaabihii u qabsoomay dawladda hoose ee Hargeysa tan iyo intii ay xilka hayeen.

Maayarka Cusub ee Magaalada Hargeysa Eng. Yuusuf Warsame Siciid oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay la iman doonaan wax qabad muuqda. Masuuliyiintii halkaasi ka hadashay ayaa waxa ay dhamaantood ku dheeraaday muhiimada uu golaha deegaanka Hargeysa u leeyahay magaalada iyo sida loogu baahan yahay wax qabad lala yimaado.

Source-Cadceednews

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player