Ciidamada Ilaalada Xeebaha Jabuuti Oo Raafay Doonyo Dekedda Saylac Ku Soo Jeeday

Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Jabuuti ayaa shalay biyaha bada ee u dhexeeya Somaliland ka raaftay doonyo badan oo ah kuwo shidaalka ka keena dhanka dalka Yemen ee ku soo xidhan jiray dekeda Saylac.Sidoo kale, waxay ciidamada xeebaha Jabuuti raafeen doonyo kaluumaysi oo ku sugnaa biyaha bada ee u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti sida ay Waaheen u xaqiijiyeen dad ku sugan Magaaladda Saylac.

Doonyaha Jabuuti raaftay ayaa waxa ka mid ah doonyo shidaal iyo ascaar kale oo u soo siday dekeda Saylac ee Somaliland, iyadda oo doonyaha kaluumaysi ee ay raaftay ay ahaayeen kuwo laga lahaa dalalka Khaliijka Carabta, kuwaasi oo halkaasi ka kaluumaysanayey, inkasta oo aan la ogeyn in kaluumaysigoodu ahaa mid sharci ah.

Dhinaca kalena, warar xogogaal ah ayaa sheegaya Doonayhaaas Jabuuti inay u raaftay kadib markii ay laba ka mid ah ku qabatay Saanad Hub ah oo aan la garanayn meesha loo waday, wallow ilo wareedyo Waaheen u waramay oo arrinta labadaas Doonyood ee Hubka lagu qabtay ay la xidhiidhiyeen in saraakiil Somaliland ahi ay Hubkaasi lahaayeen, kuwaas oo ka baayac mushtareeya.Ma cada saraakiishaasi lala xidhiidhinayo inay Hubkaasi lahaayeen balse ilo wareedyadaasi waxay la xidhiidhinayaan saraakiil Dhinanaca Amniga u qaabilsan Somaliland inay ku Lug leeyihiin, iyagoo sheegay in Hubkaasi xidhiidh la leeyahay kii kal hore lagu qabtay Xeebaha Galbeed isla markaana loo xidh xidhay dad badan oo shicib iyo Ganacsato ahaa, isla marakaana Madaxdii Xukuumadda qaarkood loo bedelay, iyadoo wakhtigaasi uu Taliyaha Qaybta Booliiska ee Gobolka Salal imika ka taliyaa ka mid ahaa Saraakiishii Ciidanka ilaalada Xeebta Gobolka Salal.Ilaa hadda lagama war hayo sababta dhabta ah ee wakhtigan ciidamada ilaalada xeebaha Jabuuti u raafeen doonyahan qaarkood ku soo jeedeen dekeda Saylac ee Somaliland, qaarkoodna taagnaayeen biyaha badda ee Somaliland ee u dhow Saylac.Dhinaca kale warar kale oo dheerad ah ayaa sheegay in laga casbi qabo in hubkaasi ay lahayeen kooxo mucaarid ah oo jabuuti ku kacsan oo la sheegay in la abaabulay ama uu maal galiyay Ganacsade Boreh oo ku kacsan Dawlada Jabuuti taasoo beeshiisu ay degen tahay dhinaca xuduudka galbeed, isla markaan doonaya inay ka faa’iidaystaan khilaafka ka dhashay Dorashadii Degmada Saylac ee ay isku hayaan beelaha samaroon iyo ciise iyo sida oo kale waxa laga cabsi qabaa in wakhtigan lagu soo beegay hubkaasi Doorashadii Golaha barlamanka oo jabuuti ka dhacaysa bilahan soo socda, si kastaba ah ahaatee dawlada jabuuti ayaa la sheegayaa inay ku adkaysanayso inaanay doonyahaasi soo dayn madaama ay qaarkood hub ku qabatay isla markaan degaankaasi ay ka aloosan tahay xaalad khilaafaad badan dhalisa.Wasiirka Kaluumaysiga Somaliland oo aanu xalay arintan wax ka waydiinay ayaa sheegay inuu arintan maqlay, balse aanay wax cabasho oo la xidhiidha aan la soo gaadhsiin isla-markaana ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland aanay soo gaadhsiinin wax xog ah oo arintaasi ku saabsan

Source-Cadceed

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player