WasiirKa Arimaha Gudaha Mr. Duur Oo Booqday Dhalinyaradii Mudaharaadka ku Dhaawacmay

Wasiirka arrimaha Gudaha Mudane Duur iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdilaahi Fadal ayaa Cisbitaalka Adna Aadan ku booqday dadkii ku waxyeeladu ka soo gadhay Mudaharaadkii Jimcihii la soo dhaafay Xaafada Axmed-dhagax.

Wasiirka oo ka masuul ah amniga iyo arrimaha gudaha dalka ayaa booqashadan ay timi ka dib markii, sida wararku sheegayaan ay culays badan oo intii uu filayey ka badan uu kala kulmay bulshada xaafada Axmed-dhagax degta, sidoo kale lagu canaantay in ay ahayd in uu xaallada dadka dhaawacmay iyo kuwa gadoodsan ee ka cadhaysan doorashada degaanka ay ahayd in uu mar hore si toos ah u waajaho, dhaawacana soo booqdo, maadaama ay yihiin shacab waxyeeloobay. haddaba, maanta ayuu soo booqday isaga oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan xukuumada , sida taliyaha Booliska iyo Guddoomiye-xigeenka Wakiilada Cali Yusuf oo labaduba ka soo jeeda degaanka ay rabshadu ka bilaabmeen. Middaas micnaheedu maaha, in dhamaan dadka dhaawacmay ama kuwa dhintay ay yihiin beel qudha, waase dhalinyaro dareenkooda cabirayey oo rasaastu la kulantay, kuna cabirayey sifo aany xilligaas ay mudaharaadk samaynayeen sharci u haysan,  laakiin ahaa dareen cadho oo iska qarxay, halisna gelin kara nabad-gelyada iyo aayaha dalka.

Inkastoo ay booqashadu tahay talaabo qurux badan oo aan marnaba la sahlan karin oo muujinaysa bisaylka iyo lexejeclada uu u hayo Wasiir Duuriyo iyo taliyaha Boolisku shacabkooda, haddana waxaa  ay dadka qaarkii ku doodayaan in ay ka sii wacnaan lahayd haddii uu maalintii dhacdadu dhacdayba uu soo booqan lahaa dadkaas waxyeeloobay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay jirtay cadho dhalinyarada dhaawacmay qaarkood muujiyeen markii uu ku guddo jiray wasiirka iyo Taliyaha Boolisku  Booqashada. Waxaa masuuliyiintaasi oo kala ah Wasiir Duur, Taliyaha Booliska Mudane Fadal iimaan iyo Guddoomiye ku-xigeenla 2aad ay dadkaas gaadhsiiyeen caawimo iyo taakulo wax tar weyn u leh dhaawacaas.

Source-Hol

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player