Qaar Ka Mid Ah Ardayda Wax Ka Barata Kuliyada Caafimaadka Qaybta Pharmasiiyaha Oo Kulan Balaadhan La Qaatay Dr Yaquub Aadam Cabdi Oo Ka Mid Ah Qurba Jooga Reer Awdal/Selel

 

Xaflad si wanaagsan loo soo agaasimay oo xalay ka dhacday hotel Rays
ee magaalada Borama, xafladaas oo ay soo qaban qaabiyeen ardayda wax
ka barata kuliyada pharmacyga ee jaamacada Camuud, ayaa waxa looga
hadlay pharmacistaha iyo doorka uu kuleeyahay caafimaadka iyo bulshada
iyo sidoo kale daawada waxtarkeeda, dhibaatadeeda iyo sida ugu haboon
ee loo siin karo bukaanka.
Ugu horayn waxa xafladaasi furay Deanka kuliyada Pharmacyga ee
jaamacada Camuud C/rashiid Dahir Aye, isaga oo halkaasi mahadnaq
balaadhan uga jeedayay ardaydiisa soo qaban qaabisay xafladaas qiimaha
badan iyo sida ay bulshadu ugu baahan tahay pharmaciste khibrad leh.
Waxa iyadna halkaasi ka hadashay Hodan Rooble Xasan oo kamid ah
ardayda kuliyada pharmacyga, oo si wanaagsan u qaadaa dhigtay doorka
uu pharmacistuhu kuleeyahay bulshada iyo caafimadka, iyada oo
hadalkeeda sii wadata waxa ay tidhi “qofka pharmacistaha
masuuliyadiisa waxa weeyi inuu hubiyo in qofka bukaanku uu helo daawo
fiican oo tayo leh”
Sidoo kale waxa isna halkaa kahadlay mustafe maxamed nuur oo isna
kamida aradayda kuliyada pharmacyga ayaa waxa uu aad u qaadaa  dhigay
wax qabadyo muuqda oo ay qabteen mudooyinkii ugu dambeeyay, waxa
hadaladiisa kamid ahaa ” waxa aanu cilmi baadhis ku saabsan cudurka
loo yaqaan (Hepatitis B virus) dhamaan ardayda dhigata kuliyada
caafimadka ee jamacada camuud waxanu halkaasi ka ogaanay in 9% kaliya
ay leeyihiin talaalka cudurkan, halka 91%  aanay lahayn talaal.

Sacad Cabdi Xaji oo isna kamida ardaydaas ayaa kalmado qaali ah halkaa
ka sheegay wuxuuna Carabka ku adkeeyay inay ka go’an tahay ardayda
kuliyada Pharmacyga siday usoo saari lahaayeen book ka hadlaya daawo
dhaqmeedka soomaalidu isticmaasho baadhitaana loogu samayn lahaa si
loo ogooda dhibaata iyo faa’iidada kujirta.
Hadaba xafladaasi waxa kasoo qayb galay marti sharaf farabadan oo uu
kamid ahaa Dr yacquub Aadan Cabdi oo kamida dhakhaatiirta caanka ee
qurbaha kunool, Dr yacquub oo isna halkaa kahadlay waxa uu si qoto
dheer uga sheekeeyay daawooyinka waqtiyadii lasoo saaray iyo wax
tarkooda.
Waxa iyadna sidoo kale xafladaasi dhex socday ruwaayad aad u xiiso
badan oo ay soo diyaariyeen ardaydaas oo kahadlaysay daawada iyo
qaabka looga iibsado pharmasiiyada magaalada Borama.
Guud ahaanba xafladaasi waxay ahayd mid aad u xiiso badan siwanaagsana
loo soo agaasimay, waxa iyagana halkaa kahadlay Gudoomiyaha shirkada
isgaadhsiinta telesom C/qaadir Aadn Nuur, Sh: Maxamed Siciid Saaweer
iyo madaxa isbitilaka Al xayaat Borama, dhamaantood waxa ay
kafaaloodeen xafladaasi iyo sida loogu baahan yahay in lahelo
pharmacistayaal takhasusa.
Ugu dambayntii waxa xafladaasi soo afmeeray Dr. Siciid Ahmed Walhad oo
ah Deanka kuliyada Caafimaadka ee Jaamacada Camuud, waxa uu halkaa
mahad balaadhan uga soo jeediyay ardayda kuliyada pharmacyga ee soo
qaban qaabisay barnaamijkaas iyo hadalo isugu jira dhiirigalin iyo
waano.

 

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player