Nin Tuma biraha baabuurta oo Saldhiga Dhexe ee Hargeysa Gabadh Jaadlay ah qoorta kaga gooyay

War Deg deg Ah

 Nin tuma Biraha Baabuurta oo la yidhaahdo Siciid Muxumed Cali (ina Cirro weyne) ayaa goor dhaweyda Qoorta kaga jaray Saldhiga Dhexe ee Hargeysa agtiisa Gabadh Jaadlay oo la yidhaahdo Ardo Muumin taasoo ku ganacsanaysay meel dhawr talaabo u jirta Saldhigaasi.

Gabadha Ninku Bireeyay ayaa dhaawaceeda lagu daweynayaa Cisbitaalka Hargeysa iyadoo sida ay Eheladeedu noo xaqiisay xaaladeedu aad u liidato, dhaawacyadda soo gaadhayna yihiin dhawr meelood oo Qoorta,  Gacmaha iyo Calooshu ay ka mid yihiin.

Ninka gabadhan Toorayda galiyay ayaa is geeyay Saldhiga Dhexe jkadib markii uu Meyd ahaan uga tegay isagoo Booliiska ka codsaday inay xidhaan maadaama uu falkaasi soo geystay.

Ilaa hada lama oga sababta rasmiga ah ee uu Ninkaasi u bireeyay Haweenaydaas oo ah Hooyo da’’ ah, balse sida ay Eheladeedu noo sheegeen wax jawaab ah kama hayaan dhacdadan oo goor dhaweyd uun ahayd.

Source-Waaheen

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player