Mudaharaad Rabshado wata oo ka Bilaabmay Koonfurta Hargeysa iyo Booliska oo rasaas u isticmaalay Dadweynihii Gadoodsanaa

War Deg Deg Ah

Rabshado Xoogan ayaa caawa ka dhacaya Koonfurta Magaalada Hargeysa, halkaasi oo laga maqlayo Dhawaqa Rasaasta Ciidanku ku kala dareeriyaan Taageerayaasha ururka Xaqsoor oo la sheegay in aanu ku qanacsanayn afar xubnood oo uu ka helay Degmada Hargeysa.

Dadwayne Gadoodsan ayaa mudaharaad Rabshado wata ka sameeyay xaafadaha Siinaay iyo october ee koonfurta magaalada hargeysa, Illaa hadda la ma oga Khasaaraha rabshadahaasi abuureen balse waxaa la sheegayaa in xaaladu aad u kacsantahay ciidanka amaankuna ku hawlanyihiin sidii loo kala dareerin lahaa dadwaynahaasi gadoodsan.

Source-Gebileynews

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player