Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo uu wehelinayo maayorka caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jaciir ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey gegida diyaaradaha ee Dhakar Intl Airport ee caasimadda dalka Senegal.
Wefdiga waxaa magaalada Dhakar ku soo dhaweeyey Wasiirka madaxtooyada dalka Senegal Karim Wade ahna wiil u dhallay madaxweynahii hore ee dalka Senegal Abdoulaye Wade iyo Maayorka magaalada Dhaka M. Khalifa Ababacar oo ku qaabilay qolka nasashada ee madaarka Dakar Intl Airport
Wefdiga Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa loo gelbiyey dhinaca iyo hotelka ay ka degayaan iyagoo maalinta berri ahna ka qayb galli doona shirweyne caalami ah oo ka furmaya magaalada Dakar ee dalka Senegal
Source-halbeegnews


















Posted in 





