Madaxweeynaha Soomaaliya iyo wafdigii uu hogaaminayay oo si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Turkiga

 

 

 

 

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Turkiga, iyadoo lagu wado inay maanta kulammo la billaabaan madaxda dalkaas oo uu ugu horreeyo madaxweynaha Turkiga Cabdalla Gull.

Wafdiga Madaxweeynaha ayaa markii uu ka tagay garoonka magaalada Ankara waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay madax katirsan dowladda Turkiga, Masuuliyiin kasocotay safaaradda Soomaalida dalkaasi, arday iyo dadweeyne kale oo Soomaaliyeed oo ku dhaqan dalkaasi.

Madaxweeynaha ayaa la filayaa in maanta uu la kulmo ra’iisul wasaaraha Turkiga isagoo kala hadli doona xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo sii wadi lahaa mashaariicda horumarineed ee dowladda Turkigu ka wado Soomaaliya.

Booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee madaxweynaha Soomaaliya uu ku tago dal ku yaalla Qaaradda Yurub, waxaana uu ku sugnaan doonaan muddo saddex maalmood ah, isagoo markaas kaddibna kusoo laaban doono Muqdisho.

Haddana daawo sawirrada Madaxweynaha oo lagu soo dhaweeyay Turkiga.

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player