Koomiishanka Doorashooyinka Qarranka Oo Sheegay In 48 Saacadood Ee Soo Socda Lagu Dhawaaqayo Natiijooyinka Doorashada

Magaalada Hargeysa iyo guud ahaan gobolada dalka waxaa ka taagan xiisad iyo xamaasad caadifadaysan oo ururadda iyo axsaabta tartamaya ay cirka la marayaa, waxaana masuuliyiinta ururadda iyo xisbiyada badidood ay kala tageen hurdo iyo raaxo shanta maalmood ee la soo dhaafay iyadoo guud ahaana dalka berri  iyo galbeed si tallan taali ah degmo

degmo koomiishanka ugu dhawaaqayo

.

Saadasha soo baxaysa ayaa ifafalaynaysa in Ururadda qaarkood ay sii qanceen isla markaana ay haneeyeen in lagaga adkaaday doorashadani halka qaarkoodna ay hubsadeen inay u gudbeen axsaab siyasadeed oo tobanka sannadood ee soo socda sargoyn doona siyaasadda Somaliland.

Degmooyinka Hargeysa, Gabiley iyo Saaxil ayaa hadda hadhay in lagu dhawaaqo iyadoo degmada Saaxil iyo Gabiley la filayo in maalinta berri ah lagu dhawaaqi doono degmooyinkaasi oo muujin doona isla markaana caddayn doona cidda guusha hantiday iyo cidda guul darradu la caraabaysa.

Ka sokow ku dhawaaqista waxaa soo baxaya cabashooyin is daba joog ah oo ururadda siyaasaddu ay ku dhaliilayaan xisbul xaakimka iyo xukuumadda KULMIYE inay ku shubteen doorashada deegaanada qaarkood, iyadoo durtaba urur siyaasadeedyada XAQSOOR iyo RAYS shirar jaraa’id oo ay qabteen ku sheegeen in xisbiga tallada dalka haya uu wax weyn is daba mariyey islamarkaana aanay ku qancayn natiijadda

Natiijadda Ilaa Hadda Iyo Hirdanka Kaalinta 3-aad

Kaalinta 1-aad iyo 2-aad ayaa ila hadda natiijooyinka horudhaca ah ee la ogyahay waxaa isku huba xisbul xaakimka KULMIYE iyo Urur siyaasadeedka WADANI oo uu hogaamiyo Guddoomiyaha golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Ciro oo isaguna mindida daabkeeda haya.

Kaalitna 3-aad ayaa ilaa hadda aan si rasmi ah loo ogayn cidda hanan karta iyadoo Xisbiga UCID iyo Urur Siyaasadeedka UMMADDU ay hirdan laxaadleh ku jiraan iyadoo ilaa hadda natiijooyinka lagu dhawaaqay ay bar bar dhac ku simanyahiin isla markaana deegaanada Hargeysa, Gabiley iyo Saaxil ay UCID iyo UMMADDA kala saari doonaan.

Koomiishanka Oo Ku Dhawaaqay Inay Shaacinayaan Natiijadda 48-ka Saacadood ee Soo Socda

Koomiishanka doorashooyinka Qarranka ayaa siday warbaahinta ugu sheegeen xog aan la shaacin waxay sheegeen in 48-ka saacadood ee soo socda ay natiijadda kama danbaysta ah sida loo kala hellay ay kaga dhawaaqi doonaan Xaflad balaadhan oo ka dhici doonta hotelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa munaasabadaasi oo ay ku soo martiqaadyaaan xisbiyada iyo ururadda tartamaya, goob joogayaasha caalamiga ah iyo weliba warbaahinta oo tabin doonta.

48 ka saacadood ee koomiishanku uu qabtay ayaa ku eg maalinta Arbacadda todobaadkani  gelinka danbe oo ugu danbayn la fili karo inay soo baxdo natiijadda xiijisay maanka isla markaana la filayo inay qaarna neefta ka tuurto qaarna ay cadho ku keento.

Source-Halbeegnews

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player