Ilaa Hadda Seddexdee Xisbi/Urur Ee Ugu Horeeya Una Dhaw Inay Noqdaan Seddexda Xisbi Siyaasadeed Ee Somaliland

 

Ilaa Hadda Natiijooyinka lagu dhawaaqay gobolada iyo degmooyinka Somaliland ayaa muujinaysa saansaanta seddexda xisbi qarran ee la filayo inay tobanka sannadood ee soo socda dalka siyaasadiisa sargooyaan.

Waxaa muhiim ah oo in la ogaado ay tahay in saamiga lagu soo baxaya aanu ahayn inta kursi ee aad ka heshay gobolada dalka oo dhan balse ay tahay saamiga gobol kasta aad ka heshay iyo inta aad ugu dhawdahay tirada togan ee %20 gobol kasta haddaba inagoo qaaciddada ku shaqaynayna isla markaana ku cabirayna ilaa hadda degmooyinka la shaaciyey sida loogu kala horeeyo ayeynu soo qaadayna kaalmaha 1 ilaa 5-aad inago wixii shanta  kaalmood ka hooseeyana u daynayna nasiibkooda.

1. Xisbiga KULMIYE ayaa ilaa hadda tirada cododka la hayo wuxuu haysta kaalinta koobaad isagoo codod aad u farabadan ka uruursaday gobolada Awdal, Sool, Sanaag iyo Togdheer.

2 Urur siyaasadeedka WADANI ayaa isaguna kaalinta 2-aad ku soo jira isagoo codod mugleh ka hellay dhammaanba deegaanadaasi si tallan taali ahna cododka ugu soo xigay xisbiga KULMIYE loona filayo  inuu kaalinta 2-aad gelayo.

3. Xisbiga UCID ayaa isaguna codod mugleh ka hellay gobolka Hargeysa, Awdal oo uu kaalinta 3-aad gallay degmoyinka Boorama, Lughaya iyo Saylac oo wadarta guud ka dhigaysa inuu kaalinta seddexaad kaga jiro gobolada Awdal, gobolka Hargeysa weli labada degmo ee lagu dhawaaqay wuxuu xisbiga UCID ku jira kaalinta 2-aad isagoo ku soo xiga urur siyaasadeedka XAQSOOR oo 9 kursi ka haysta Hargeysa halka UCID 7 Kursi KULMIYE na 6 Kursi, Gobolka Sool ayaa degmada Laascanood, uu xisbigu hellay 3 kursi halka degmada kale ee Qoriligadna uu haysto 1 Kursi isagoo kaalinta 4-aad ku soo jira halka uu gobolka Saaxil weli inta cododka la shaaciyey kaalinta 3-aad ku jiro, guud ahaana marka tirada guud ee gobol gobol loo eego uu xisbiga UCID kaalinta 3-aad ku soo jiro, halka uu degmada keliya ee gobolka Togdheer lagaga dhawaaqay ee Oodweyne uu xisbiga UCID ku jiro kaalinta 3-aad kana hellay 3 Kursi

4. Urur siyaasadeedka XAQSOOR ayaa kaalinta 4-aad ku soo jira isagoo Urur siyaasadeedku uu codod mugleh ka hellay gobolka Hargeysa gaar ahaana degmada Baligubadle, Gobolka Sool oo uu kaalinta 2-aad ku soo jiro cododka la soo tiriyey halka uu kaalinta 4-aad ku soo jiro gobolada Awdal weli urur siyaasadeedka XAQSOOR ayaan wax cod ah ka helin gobolka Saaxil iyo gobolka Togdheer.

5. Urur Siyaasadeedka UMMADDA ayaa kaalinta 5-aad ku soo jira isagoo urur siyaasadeedku uu gobolka Togdheer weli inta cododka la tiriyey uu hogaaminayo halka uu gobolka Awdal kaalinta 5-aad kaga jiro haystana weli 3 Kursi oo keliya, halka gobolka Sanaagna uu kaalinta 5-aad kaga soo jiro, gobolka Saaxilna kaalinta 4-aad uu kaga jiro celcelis ahaana wuxuu soo gallaya kaalinta 4-aad.

Source-halbeegnews

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player