Hay’adda la dagaalanka Cudurka HIV/AIDS oo soo bandhigay Heerka uu Somaliland ka marayo fiditaanka cudurkan halista ah

Hay’ada la dagaalanka cudurka halista ah ee HIV/AIDS ee Somaliland ayaa ka warbixisay halka uu dalka ka marayo cudurkaasi iyo xakameenta ay ku sameeyeen fiditaanka cudurkaasi.

Agaasimaha Hay’adada la dagaalanka cudurka HIV/AIDS, Maxamed Daahir Khayre oo ka hadlayay fidista cudurkan ayaa sheegay in muddo sannadd ah cilmi-baadhis ay sameeyeen ku ogaadeen in bishiiba laga helo 58-qof, taasoo u baahan in wacyigelin balaadhan laga galo, isla markaana dadweynaha looga digo halista uu leeyahay cudurkan.

Agaasimuhu waxa uu sheegay in dhawrkii sanadood ee u dambeeyey korodhka fidintaanka cudurka aanu iska bedelin 1.3% Somaliland oo dhan, balse dadaal badan oo ay galeen xuduudaha iyo magalooyinka ay wacyigelin balaadhan ka siiyeen, isl markaana ay arrintana ka wada shaqeeyaan dawladaha ay xuduudda wadaagaan Somaliland.

“Marka aanu eegno cilmi baadhis aanu samaynay wali waxa uu taagan yahay 1.3%, marka aanu dib u eegno dadka la baadhay 2004-tii ayuu bilaabmay hawsha baadhitaanku iyo wax ka qabadka HIV/AIDS, mudadaasi ilaa maanta wakhtigii u dhaxeeyey waxa la baadhay 20,758 (Labaatan Kun todoba boqol iyo sideed iyo konton ), kuwaasi oo kala ahaa 10,316 (toban kun sadex boqol iyo lix iyo toban) dumar ah, 10469 (Toban kun afar boqol iyo sagaal iyo lixdan) rag ah, waxaana mudadaasi dadka la baadhay laga helay 1,575 (Kun shan boqol iyo shan iyo todobaatan) dumar ah, ragana waxa laga helay 1,239 (Kun laba boqol iyo sagaal iyo sodon qof), waxaana isku gayn mudadaasi laga helay xanuunkan 2,814 (Laba kun sideed boqol iyo afar iyo toban qof ),” ayuu yidhi agaasimaha xarunta HIV/AIDS.

Mas’uulkan oo hadalkiisa si wata ayaa intaas ku daray: “Marka aynu eegno sannadkan xogaha gobolada nooga soo xarooday, bishii labaad ee sanadkan ilaa bishii sideedaad waxa iyana la baadhay 20,351 marka aad eegto mudadaasi dhawrka sanadood ahayd iyo inta sideed bilood ahayd inta la baadhay aad moodo inay isku dhaw dhaw yihiin 13, 271 ayaa dumar ahaa, waxaana rag ahaa 6, 880, marka aynu eegno waxa laga helay xanuunkan, 266  dumar ah, waxaana rag noqday 195, isu gayntoodu waa 461,  marka aynu isku qaybino sideedaa bilood iyo wadarta guud ee la helay mudadaasi, macnaheedu waxa ay noqonaysaa in celcelis ahaa 58 qof oo qaba HIV ayaanu bil walba aragnaa”ayuu yidhi.

Agaasimuhu waxa uu sheegay in dagaal badan iyo ka hortag badan ay ka galeen gobolada iyo xuduudaha, waxaanu dadweynaha ugu baaqay inay ka foojignaadaan cudurkan,isla markaana ay mar walba is baadhaan si ay xaaladoodda ula socdaan.

Qaar ka mid ah dadka qaba cudurkan oo madashaasi ka hadlay, ayaa hay’adaha, xukuumadda iyo shacabka ka codsaday inay hoos u eegaan oo ay wax la qabtaan, isla markaana aan lagu samayn wax takoor ah.

Source-Hol

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player