Wefti ka socda Banka Adduunka oo shalay hudheelka Maansoor kulan kula yeeshay Wasiirrada Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Qorshaynka Dr. Sacad Cali Shire iyo xubno ka mid ah xukuumadda, ayaa xukuumadda u sheegay inay horumarin dhaqaale ku samayn doonaan dekeda Berbera si ay ula tartanto dekedaha kale ee caalamka.
Xukuumadda oo go’aankaas soo dhawaysay, ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay Wasiirka Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isagu halkaas uga mahad-celiyey xubnaha Banka Adduunka ka socday iyo ganacsatada Somaliland.
“Waxa aan aad iyo aad u mahadinaya weftiga Bangiga Adduunka iyo baayac-mushtarka Somaliland, waxaanan aad ugu faraxsanahay sida looga soo qaybgalay arrintan oo ah kobcinta dhaqaalaha dekeda Berbera oo ay Bangiga Adduunku ku sameeyeen qiimayn sidii dekedu u noqon lahayd mid u shaqaysa waddamada jaarka iyo Somalilandba.
Arrinta aannu rajaynayna inay wax weyn ka tari doonto nolosha reer Somaliland, hadday tahay horumarka dhaqaalaha iyo nolosha bulshadaba, waxaan ganacsatada u soo jeedinaya oo ah halbawlaha ay ku tiirsan tahay Somaliland iyo kuwa kale ee saxaafadda kala socon doona inay ka qaybqataan waddanka horumarkiisa, anigoo u kacay kalmad mahad-naq ah, iyadoo kulankan yahay mid furitaana,” ayuu yidhi Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Dr Sacad Cali Shirre ayaa tilmaamay in Horumarka Dekedda berbera uu yahay mid wax badan ka taraaya dhaqaalaha dalka iyo kan gobolkaba, waxaannu u mahad-celiyey qaban qaabiyeyaasha soo diyaariyey daraasadan ka hadlaysay kobaca dhaqaale ee Dekedda Berbera ee Somaliland.
Source-cadceed
















Posted in 





