
Golaha Hoggaanka Tolka (TOL Leadership Council (TLC)) wuxu qabandoonaa Shirka Wadatashiga Tolka Gadabursi:
TAARIIKHDA LA QABANAYO: AUGUST 25-29, 2012
MEESHA LAGU QABANAYO: RAYS HOTEL, BORAMA, SOMALILAND
Shirkani wuxu markii ugu horraysay meel isugu keenidoonaa ergooyin ka kooban madaxdhaqameedyo, aqoonyahanno, iyo bulshada qaybaheeda kala duwan oo ka kala socda Somaliland, Djibouti, Ethiopia iyo qurbaha; waxana ay si qotadheer ugu eegi doonaan marxaladihii tolku soo maray, maanta waxa taagan, mustaqbalka iyo sidii loo waajihi lahaa wax kasta oo tolka soo foodsaara. Shirkan waxa loogu talagalay in uu gogol u dhigo wadatashi midaysan oo tolku ka yeeshu danihisa guud. Waxa kale oo lagaga wada hadlidoonaa sidii loo xoojin lahaa xidhiidka sokeeye ee ka dhexeeya tolka iyo beelaha kale ee reer Somaliland, Djibouti, iyo Ethiopia ee ay ka yihiin qayb muhiim ah, xigtanimo qotadheerna wadaagaan.
Wixii faahfaahin ah fadlan guji halkan www.tolleadershipcouncil.org/?p=797
Ama nagala soo xidhiidh emailka tlc@tolleadershipcouncil.org
















Posted in 





