Cabdiraxmaan C/qaadir Oo Maanta Dib Ugu Soo Laabtay Hargeysa Kana Hadlay Xaaladiisa

73d322d0b7fba9da3c4b4cccf26ed5eb_M

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Gudoomiye ku xigeenkii 1 aad ee xisbiga kulmiye oo mudda laba bilood iyo dheeraad ah xaalad caafimaad dalka kaga maqnaa, ayaa maanta munaasbad soo dhaweyn ah loogu sameeyey magaalada Hargeysa .

Soo dhaweynta Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ka dhacday Bariga magaalada Hargeysa ayaa waxa ka qaybqaatay dad ay ka midyihiin mujaahidiin , madaxda ururada siyaasadda , xildhibaano, masuuliyiin ka tirsan xisbiyada qaranka , iyo dad kale oo aad u tiro badan .

Soo dhaweynta Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaa laga soo bilaabay duleedka bari ee magaalad Hargeysa taas oo halkaas lagu sugaayey isaga oo ka soo kicitimay magaalada Berbera , markii uu soo gaadhay kaantaroolka Hargeysa dhanka bari looga baxo waxa halkaas ka soo galibiyey wefti aad u culus oo halkaas ku sugaayey muddo saacado ah taas oo ka dibna munaasabadda loogu sameeyey Hotel kaah oo ku yaalla bariga Hargeysa .

Bilawga munaasbadda loo sameeyey Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaa waxa ka hadlay xildhibaano ay ka mid yihiin xildhibaan Baar Siciid , iyo Cali-gurey ku waas oo sheegay in ay aad uga xun yihiin dhacdadii Cabdiraxaan Cabdiqaadir laga saaray shirweynihii 3aad ee golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, kaas oo uu ku wax yeeloobay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir .

Waxa kale oo halkaas ka hadlay xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) oo sheegay in uu aad uga soo horjeedo waxa uu ku tilmaamay cadaalad darro loo gaystay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, taas oo uu sheegay in ay ahayd fal waxshinomo leh.

Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay madaxda ururada Xaq-soor iyo Jamhuuriga, kuwaas oo sheegay in ay si diiran u soo dhaweynayaan Cabdiraxmaan Cabdiqaadir .

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax oo isna hadalkooban ka jeediyey munaasbaddan lagu soo dhaweynaayey ayay hadaladiisa ka mid ahaayeen “ aad baan ugu faraxsanahay dadka ii hiiliyey ee halkan igu soo dhaweeyey maanta anigu maanta waxii aan odhan lahaa waxa ii yidhi dadka cadaalad darrada ka dagaalama taas oo aan aad ugu faraxsanahay “.

Waxa kale oo uu sheegay in uu hore kalsooni ugu qabay xisbiga Kulmiye. “Maanta xisbi ma lihi ee waxaan leeyahay tol , waxaa ii tol ah umadda ree Somaliland ee halkan igu soo dhaweeyey “.

Ugu damabayntii waxa uu ammaanay shacabka reer Somaliland oo uu sheegay in ay yihiin dad wanaagsan balse ay u baahan yihiin hogaan daacad ah in ay helaan waxaanu yidhi “ dadkeenu waa dad wanaagsan oo cadaaladda jecel kana dagaalama cadaalad darrada waxayse u baahan yihiin hogaan daacad ah in ay helaan oo kaliya “ ayuu hadalkiisa ku soo koobay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir faarax.

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes