
Tacsi Ku Socota Eheladii Dr. Abdishakur Sh. Cali Jowhar
Geeriyeey gableeyaay
Gudcur iyo habaareey
***
Iyadoon laguu gogol
Oon gu’ba laguu tirin
Waxad soo guclaysood
Kolba guri mug weynaa
Goloftood ku heestaba
Miyaad goor xun socodeey
Maantana gab soo tidhi
***
Ood gabi hadhweyniyo
Geed lagu nagaa iyo
Gumbur lagu dahsoonaa
Geesi loo hanweynaa
Gab intaad ku soo tidhi
Gaar nooga qaaddoo
Goonyaha dhulkaygiyo
Gayigii u ooyoo
Shakuur lagu gunaanaday…
Bashir Goth, 13 May 2012.
Dadka magacdoodu hoos ku qoran yihiin waxay baroordiiq u dirayaan Amina Cabdi Jaamac (Steeg) oo ah xaaskii uu ka tegay Allaha u naxariistee Dr. Cabdishakuur Sh. Cali Jowhar oo maanta shil baabuur ugu dhintay jidka u dhexeeya Dilla iyo Boorama, Somaliland.
Waxan kale oo aan tacsi u diraynaa dhammaaba qoyska reer Sheekh Cali Jowhar iyo qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Cabdishakuur.
Tacsida waxa diraya:
- Bashir Sh. Cumar Good
- Ahmed Abdillahi Rooble
- Dr. Sacad Xaaji Xirsi Cawaale
- Maxamad Yaabarag
- Maxamuud Xasan Sacad (Saajin)
- Dr. Maxamad Xasan Dirir (Qadxan) –Saldanada Cumaan
- Cabdillaahi Cali Bahal
- Cumar Axmad Barre
- Najeeb Cabdillahi Ismaaciil
- Cabdiraxmaan Cumar Sh. Ibraahim
- Cabdiraxmaan Xaaji Axmad Mizan
- Ismaaciil Tukaale
- Cumar Aadan Liibaan
- Mustafa Rooble Xaaji Doodi
- Cbdirazak Cabdi Gabiley
- Siciid Cabdillaahi Iiman
- Maxamuud Ducaale Daahir
- Cumar Ibrahim Kaamil (Cumar Dubai)
- Cabdirashid Ibrahim Kaamil
- Daahir Cali Wacays
- Daahir Xasan
- Ibraahim Xandulle
- Nuux yusuf Tukaale
- Maxamuud Ibrahim (jafjaf)
- Xasan Jama Abrar (Xasan Daad)
Dadka dul ku xuxan iyo in kale oo badan oo aanan magacooda halkan ku soo koobi karayn oo deggen waddanka Imaraadka Carabta.
Source: Bashir Goth (bsogoth@yahoo.com)
















Posted in 





