Ogeysiis Muhiim ah oo ku saabsan shir uu ururka Ardaa ku qabanayo Borama.


Ogeysiis:

Urur weynaha ARDAA wuxu ogeysiinayaa, si sharaflena uga codsanayaa, jaaliyadaha kasoo jeeday cariga ADAL, inay kasoo qayb galaan shir sanadeedkii ururka oo sandankan 2012ka ka dhici doono dalkii hooyo, Borama, taariikhda July 10-13, 2012.

Guddiga fulinta ee ururku wuxu go’aansaday inay lagama maarmaan tahay inla guryo hooydo si loo dar-dar geliyo mashaariicda horuumarka dhaqaalaha iyo bulshadaba ee dalku u baahan yahay. Waxa kaloo laga hadli doonaa kaalinta qurba joogo kaga jiraan waxqabadka iyo dhismaha dalka – wixii u qabsoomay ilaa haatan iyo wixii u qabyo ahba.

 

Iyadoo haatan lagu guda-jiro diyaarintii barnaamajka shirka, waxa laga codsanayaa walaalaha qurba jooga iyo kuwa gudaha dalka joogaba inay soo gudbiyaan codsigooda hadii ay jecelyihiin inay hadal ka jeediyaan madasha shirka.

 

Urur weynaha ARDAA, isagoo la kaashanaya muruqa iyo masgaxda jaaliyada reer ADAL, waxay Eebbe ka rajaynayaan inay u hir-gasho himilooyinka ururka oo ah huroomarinta ADAL.

 

Wixii warar dheeraada waxad kala xidhiidhaan gudida qabqaabada shirka:

 

  1. Khadra Mohamed Barkhadle – (214)440-7180,Dallas,Texas(USA)
  2. Ali Abdi Hori – (619) 251-6322,San Diego,California, (USA)
  3. Mohamed Dahir Adam – (780) 200-9327,Edmonton(Canada)
  4. Mohamed Abdi Omar – (613) 897-8835,Ottawa(Canada)
  5. Ibrahim Ahmed Absiye – (416) 357-3929,Toronto(Canada)

 

Dalka gudihiisa, waxad kala xidhiidhaan Ubax Aden Nur, Xoghaynta Xafiiska ARDAA Borama telifoonka: 1-567-255-9111.

 

Ururka ARDAA waa urur dalad guud ah, kuna saleysan hanaanka bulshada, isla markaana samafal ah. Waxa Lagu asaasay Waqooyiga Mareykanka sanadkii 2007 si ay taageero ugu fidiyaan mashaariicda horumarineed ee dhaqan-daqaale ee gobalada ADAL iyaga oo mideynaaya muruq iyo maalba, una fidinaaya tababar, wacyigeliyaana, horena u mariyaan hogaankooda iyo iney u doodaan xuquuqdooda aadamaninimo.

 

 

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player