Xisbigii Kulmiye oo burburkiis​ii bilaamey

Ugu horeyn waxa aan salaamayaa umada reer Somaliland ee xorta iyo xalaasha ah. Marka xiga waxa aan salaamayaa bahda suxufiyiinta inoo suurto geliyey in aan warka ku kala qaadano, fikirkeenana ka dhiibano hadba wixii soo kordha.

Hadii aan u soo biyo dhaco qormada maata oo cinwaanku sharaxaad uugu filan yahay, waxa aan rabaas in fikirkayga yar ee gaaban aan ku darsado, sida ay iila muuqato, biloowgii Xisbigii Kulmiye oo burburkiisii bilaamey. Kulmiye wuxuu noqday meel shaqsiyaad gaara iyo reer uu ku amarkutaagleeyo sidii dukaan shaqsi iska leeyahay oo kale, hadii hore aaney dad badani u ogeyn arintaas, waxaan filayaa in maanta u cadaatey arintaasi, sida cadceeda oo kale.
Waxa ayaan dara ah in afkooda iyo dhagahoodu aanu ismaqal maamulka Kulmiye iyo Xukuumada hada talada haysa ee Siilaanyo. Tusaale waxa kuugu filan erayadii quruxda badnaa ee Mudane Madaxweyne Kuxigeen Saylici ka jeediyey madasha shirka, midhii ku jiray “Waxa kaliya oo aan leeyahay haddii aynu nahay xisbiga KULMIYE waxa ILAAHAY mahaddii ah inaynu talladdii dalka hayno oo aynu noqono muunaddii dimuqraadiyadda. Waxaana aynu nahay xisbiga kaliya ee ugu nidaamka wanaagsan axsaabta siyaasadda”, ficilkii ku xigey waad ogeydeenoo, waa kii lagu weerarey, Gudoomiye Ku Xigeenkii Xisgiga Kulmiye Muj. Abdirahman AbdulQadir, oo aad ugu soo halgamey Xisbiga Kulmiye, weliba dhaawacii ka soo gaadhey soo dhaweyntii Siilaanyo 2010, shilkii gaadhigii uu ku geeriyoodey Ali Maarshaal Illaahay Naxariistii Jano Ha Kawaaraabiyee, in dib askartii xooga layidhi kaga saara shirka ay dhaawac dhabarka ah ugu geysteen. Sidaan maqley waxa loo qaadey dibada, si uu jugtii loo geystay iskaga soo daweeye. Muunadii dimuqraadiyadu (waa sida Kulmiye u yaqaane) waa taas aad midhaheedii aragtaan. Hadii nidaamka wanaagsan ee xisbiyada ka jira Somaliland uu Kulmiye tusaale u yahay, nidaam xumo mabajirto. !!! Weliba sida aan anigu qabo Mudane Saylici la midmaaha guruubada kale ee Kulmiye dhexdiisa xulafeysiga iskugu haysta.
Dimuqraadiya uu Mudane Madaxweyne Ku Xigeenku sheegayo, waa ta uu Muj. Abdirahman AbdulQadir ka waayey xisbiga dhexdiisa, looguna diiday inuu afkaartiisa ka dhiibto, xilka qaadista lagu soo oogey. Erayadii ninkii Gudoominayey shirka Shabeel waxa ka mid ahaa “Hadlimeysid ee fadhiiso; waad fadhiisan ee fadhiiso, gacanta taaga” ficil amar isaga oo adeegsanaya ayaa hadana waxa uu yidhi “Waar Gacanta Hala Taago; Taaga Gagacnta, Soo Tiriya” waar ma ilmayar oo caruura oo uu dhalaybaa? Mise kuwa uu lahadlayo ee uu amarka siinayo ayuu isu arkaaba in ay yihiin ardey iyo macalinkiis? Su’aasha u baahan in la isweydiiyo waxay tahay, imisa ayey qaateen ragii shirka afduubey? Dahabshiil imisa ayuu Xirsi ka soo qaadey? Carjuuq dheh, waxaan moodayey iney tahay waxyaabihii uu ku burburey maamulkii kaligii taliye Siyaad Bare, SNM na iney qoriga qaado ku kalifey? Siilaanyo iyo Xisbigiisu miyaaney taariikhda waxba uuga kordhin? Shabeel halkeebuu joogey markii SNM lagaga dhawaaqayey London? Waa la ogyahay Abdirahman AbdulQadir halkii uu joogey, Shabeel se file kiisa maalintaas dadweynaha ayaan u dhaafi falanqeynteeda. Tababarka uu qabo ee Guulwadeyta ka muuqatey ka dhexbaadh file kiisa.
Muj. Muuse Biixi wuxuu yidhi isaga oo lahadlaya dadkii shirka iskugu yimid “Walaalayaal, shirkeenan maanta waan arkayaa inuu aad iyo aad u shaqeeyay oo aynu saacado badan fadhinay oo aynu daalan nahay. Marka horese waxaan u mahad naqayaa shir-gudoonkii shirkan inoo daadihinayay (Guulwadihii shirka afduubey ee Shabeel buu sheegayaa) oo hawl-badan inoo soo qabtay iyo xubnaha Golaha dhexe. Maanta KULMIYE wuxuu ka gudbay marxaladii labaad oo ah inuu hawlihiisa xeerarkiisa hagaajisto, inuu madaxdiisa kala bedelo (Xil kaxayuubin iyo Magacaabis Qaar Cusub oo aan sifaha sharciga ee xisbiga u yaal loo marin weeye darajada labaad ee Muj. Biixi sheegayo). Walaalayaal waxa inoo balan ah in aynu dadkeena ugu adeegno sidii aynu ugu balan qaadnay,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE. Hadii adeega uu sheegayo Muj. Biixi ay tahay kii juuq yidhaa in la cabudhiyo, la iska xidhxidho dadka kuwii in ay maamulka canbaareeyeen loo arko, xatooyo xoolo dadweyne oo la arko in xisbigu ku heshiiyey, Qabyaalad Qaawan oo umada loogu kala eexdo ama lagu kala takoorayo, iwm. Adeega sidaas ah uuma baahnin ee iska haysta reer Kulmiye.
Guddoomiyaha oo ka hadlayay marxaladda uu xiligan waajahayo xisbigiisu wuxuu yidhi “Waxaynu maanta taagan nahay doorashadii dawladaha Hoose oo ay u tartamayaan Xisbiyo iyo ururo. KULMIYE wuxuu kaga duwan yahay xisbiyadda iyo ururadda tartamya isagu maanta wuxuu taagan yahay hawshii dadweynoow aad ii dirteen intaasna waan qabtay intaasina way uu hadhay. Xisbiga KULMIYE ma aha imika mid dadka malo-awaal iyo waxaas ayaan qaban doonaa dadka ugu balan qaadaya. Waxa taalla wixii uu qabtay iyo hawsha uu ku dhex jiro. Sidaas darteed, waxa Hoggaanka xisbiga KULMIYE, xukuumadda iyo dhammaan taageereyaashiisa waxa la gudboon dedaal dheeraad ah oo aynu ugu hawl-galo sidii aynu u qancin lahayn taageereyaasheena. Inagoo muujinayna dedaal iyo hawl-karnimo sidii aynu horeba u balan qaadnay. Waxaan ku soo gabo-gabaynayaa Xisbiga KULMIYE ha guulaysto.” Muj. Biixi ma waxa uu sheegayaa balantii Gar-Adag? Waayo wax aan aheyn balantii shirkii Gar-Adag oo Kulmiye fuliyey majirto, marka laga reebo intii uu qabtey Wasiirkii Hore Ee Maaliyada Mud. Muj. Eng. Maxamed Xaashi. Wax kale oo Kulmiye qabtey oo lataaban karo bal ha sheegaan?
Cali Guray ayaa waxa uu eedo kulul u xambaariyey Axmed Siilaanyo oo uu ku tilmaamay nin abaalka loo galo aan gudin oo abaal-laawe ah.
 
“Anigu waxaan ahay mujaahid ahlu Bedar ah, waxaan ka qayb-galay dagaalkii Buuraha Galbeedka oo ay ku dhinteen 74 dhalinyaro ah oo 34 ka mid ahi yihiin dhalinyaro jaamiciyiin ah, anigu ma ihi fuleygan London u baxsaday ee maydka ah ”
 
Isaga oo hadalkiisii sii watana wuxuu yidhi “Siilaanyo-na anigu Madaxwayne odhan maayee waxa uu shalay shirka dib uga dhacay oo uu yidhi ilaa shirka Cabdiraxmaan Cabdiqaadir laga saarayo iman mayo shirka golaha dhexe ee Kulmiye oo aniga iyo Cabdiraxmaan wada joogi mayno”
 
“Cabdiraxmaan waa Naafo, Axmed Siilaanyo oo Berbera ka soo degaya ayuu isaga, Maxamed Xaashi iyo Marxuum Cali Maarshaal gaadhi la qalibmay, saddexdaa nin waxa nasiib badnaa Cali Maarshaal oo aan arag Axmed Siilaanyo oo Madaxwayne ah”.
 
“Maanta waxaan qirayaa taageero kasta oo aan Axmed Siilaanyo taageeray inaan khaldanaa, waxaan cafis waydiisanayaa raggii Mujaahidiinta ahaa ee aanu saaxibada halganka ahayn ee og intaan Axmed Siilaanyo taray oo Muuse Biixi kow ka yahay ee Dhago-weyne ku jiro, Cabdiraxmaan Aw Cali ku jiro ee Axmed Mire-aha Somaliland ciilka uga haajiray uu ku jiro”. Waa hadaladii uu Muj. Cali Gurey yidhi.
Waxaad moodaa in Siilaanyo go’aan ku gaadhay inuu Taariikh Madoow dhaxal uuga dhigo reerka uu ka dhashay sidii Siyaad Bare. Taariikh nololeedkiisiina waafajiyo tii Saaxiibkii Siyaad Bare oo isku buug iney qoreen iyo in kale lakala garanwaayo. Ardey iyo macalinkii weeye labada nin. Inaga wax tan dhaanta Siilaanyo ka sugeyney baa khaldan ee isagu makhaldana. Siilaanyo abidkii daahirimaayo “Inkastuu Dabaashoo Durdur Iyo Dabaal Galo Siilaanyo Abidkii Madaahir” oo
Siilaanyo ninkii aan hore u aqoon waxaan leeyahay waa kaa uu sidii inan yar oo cagaboodhley ah ka hinaasaya Abdirahman AbdulQadir. Hadii uu shirka joogo imanmaayo, baa ka dhab ah oo bes ah odeyga; nin weyn wax uu ku hadlo ma aha. Maahmaah Soomaaliyeed baa tidhaa “Ninka Aad Kabo Ka Toloneyso Kabihiisa Ayaa La Eegaa” iyo “Habarjeclooy Muuse Waa Kaas”. Ninka aan wax u dhiibaneyno inaan aad uga baaraandegno oo iska hubino ayaa haboon. Laab la kaca fudud waa lagu hungoobaa. Mud. Riyaale diid oo Siilaanyo doon kafiirsasho aanay la socon waxay dhashay in Xirsi iyo Xulafadiisu Somaliland heer aanay waligeed gaadhin xataa xiliyadii dagaaladii sokeeye, in ay maanta ku celiyaan. Doorashada Degaanka “Codkiinu Yaanu Ciil Idinku Noqon” baan ku soo gunaanadayaa qofmadeydan gaaban. Hadii kale “Nin Kuu Digey Kuma Dilin” weeye jawaabtu beri kamaalin.
 
Somaliland Guul Iyo Gobonimo
 
Warsame Ducaale
wducaale@gmail.com

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player