Somaliland: Qiimaha Shiidaalka oo sare u Kacay

VOA

Guddiga Gaadiidlayda ee magaalada Hargeisa (Hargeisa City Bus) ayaa kulan ay maanta yeesheen kor ugu qaaday qiimaha lagu raaco gaadiidka isaga kala goosha gudaha magaalada Hargeisa kaas oo hore u ahaa 1500 oo shilinka Somaliland ah halka ay iminka ka dhigeen 2000 oo shilinka Somaliland ah.

Guddida ayaa sheegtay in sidan ay u sameeyeen ka dib markii uu si aada sare ugu kacay qiimaha shidaalku iyaga oo xukuumaddana ku eedeeyey inaanay waxba ka qaban sare u kacan shidaalka.
Dhinaca kale Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa VOA u sheegay in sare u kacan shidaalku uu ka imanayo qiime korodh ku yimi dhinaca shidaalka suuqyada caalamiga ah ka dib markii xasilooni darro ka dhacday meelo ka mida dhulkii shidaalka laga soo saari jira iyo weliba cunaqabataynta dalka Iran ee dhinaca shidaalka.

VOA

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes