Gen. Maxamed Cali Samatar oo Ciidamada Milateriga Dowladda ku boorriyay inay soo celiyaan Sharaftii Ciidamada

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Jen. Maxamed Cali Samatar isla markaana ahaa madaxweyne ku xigeenkii Soomaaliya oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa ugu baaqay ciidamada milateriga DKMG ah inay soo celiyaan sharaftii uu ciidanku lahaa.

Jen. Samatar wuxuu ka mid ahaa 27-sarkaal oo 12-kii Apriil, 1960-kii oo hadda laga joogo 52-sano lagu billaabay ciidamada milateriga Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ciidamada milaterigu ay sannado gudahood ku noqdeen kuwo ka tilmaaman Afrika.

“Ciidamada milateriga Soomaaliya waxay noqdeen kuwo ka tilmaaman Afrika, waxaan ugu baaqayaa ciidamada hadda inay soo celiyaan sharaftii milateriga,” ayuu yiri Jen. Samatar oo uu warramayay idaacadda ku hadasha afka dowladda ee Radio Muqdisho.

Sidoo kale, Jen. Samatar wuxuu sheegay in milaterigii Soomaaliya uu ahaa mid isku xiran, sidoo kelna aan lahayn qabiil, isagoo xusay inay ahaayeen kuwo asluubtoodu wanaagsanayd oo isku kalsoon.

“Waxaa ciidamada Soomaaliya lagu tababari jiray gudaha, waxaana laga soo qori jiray deegaan walba oo Soomaaliya ku yaalla, waxayna ahaayeen ciidan quwad leh,” ayuu hadalkiisa ku daray Jen. Samatar.

Hadalka wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa wuxuu imaanayaa xilli lagu wado in maalinta berri ah loo dabaal-dago sannadguuradii 52-aad ee kasoo wareegtay markii ciidamada milateriga Soomaaliya la aasaasay.

Source-Hol

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes