
Xukuumadda Sierra Leone oo ka mid ah dalalka ka qayb-qaadanaya howlgalka Midowga Afirka ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa waxay si kulul uga jawaabtay hanjabaad kaga timid Al-shabaab oo ah inay beegsan doonaan ciidamadooda ka mid noqonaya howlgalka.
Warsaxaafadeed kasoo baxay xukuumadda Sierra Leone ayaa lagu sheegay inay ka go’an tahay iany ka qaybqaataan howlgalka lagu soo celinayo nabadda Soomaaliya, isla markaana aysan wax cabsi ah gelinayn hanjabadda Al-shabaab kasoo baxday.
“Xukuumadda Sierra Leone way ka digtoon tahay hanjabadda Al-shabaab kaga timid ee ah inay weerari doonana ciidamadooda ka qaybqaadanaha howlgalka AMISOM. Balse waxaan rajeynaynaa inaysan taasi cabsi na gelin oo aan howgalka qaybteena ka qaadanno, waayo innagaba waa nala caawiyay intii dalkeennu ay dagaallada ka socdeen,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay xukuumadda Sierra Leone.
Sidoo kale, xukuumaddu waxay sheegtay inay shacabkeeda ku wargelisay in warka kasoo baxay Al-shabaab uu yahay mid khatar ah, balse ay ka weyn tahay howsha ay doonayaan inay ka qabtaan Soomaaliya.
Dowladda Sierra Leone oo ka mid ah dalalka ku yaalla Galbeedka Afrika ayaa waxaa lagu wadaa inay ciidamadeedu yimaadaan Soomaaliya bisha Juune ee sannadkan iyagoo ka howlgeli doona gobollada Jubbooyinka oo ay ku sugan yihiin ciidamada Kenya.
Xarakada Al-shabaab ayaa horay u sheegtay inay weerarayso ciidamada ka socda dalka Sierra Leone ee la keenayo Soomaaliya, iyadoo uga digay shacabka maamulka dalkaas inay ciidamadooda keenaan Soomaaliya, haddii ay ceshan doonaan iyagoo mayd ah.
Ugu dambeyn, dowladda Sierra Leoen waxay ugu baaqay shacabkeeda uu saaran yahay ma’suuliyadda ammaanka dalka, iyadoo dadkeeda ku wargelisay inay kala shaqeeyaan ciidamada ammaanka sidii ay ugu soo wargelin lahaayeen wax walba oo ay u arkaan inuu khatar ku yahay ammaanka dalkooda.
Source-Hol
















Posted in 





