OGEYSIIS

Waxa ay Safaaradda Dawladda Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Federaalka Itoobiya (JDFI) ee Boqortooyada Ingriiska iyo Golaha Jaaliyadda Soomaalida Itoobiya ee UK ay si wadajir ah idiinku martiqaadayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah ee ka soojeeda dawladaha dariska ah ee boqortooyadaIngriiska inaad kasoo qeyb gashaan
munaasabadda iibsiga boondhiga Biyo-xidheenka weyn ee Dib u Curashada Webiga Niil.
Waxa dhammaan shacuubtaas sharafta leh lala socodsiinaynaa in maalintaas oo ay taariikhdu tahay4/03/12.
Fursadda qaaliga ah oo ay dadku ku iibsanayaan saamiyada boondhiga ayaa ah mid macquul ah, waxana goobta iibsiga boondhiga Marti Sharaf innoogu noqon doona wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomalida Mudane CabdiMaxamuud Cumar oo soo gaadhaya UK si uu bulshada ugu dhiiri galiyo inay ka faa’ideystaan fursadda iibsiga boondhiga.Sidaas darteed waxay mar labaad Safaarada JDFI iyo Golaha Jaaliyadda Soomaalida Itoobiya (GJSI) ee UK idin ku martiqaadayaan inaad barnaamijkaas Si ballaadhan aad uga soo qeyb gashaan si aad ugu reebtaan raad taariikhi ah jiilka soo socda.
Saamiyada boondhiga ee la iibsan doono waakuwo qiimahoodu yahay 50, 100, 300, 500 iyo 1000 Pound Sterling (lacagtaIngriiska).Fadlan hore u soo qaado hal sawir oo yar.
MAALINTA: AXADDA MARCH 4, 2012
SAACADDA: 1:00PM
GOOBTA: SAFAARADDA ITOOBIYA
17 PRINCES GATE
SW7 1PZ
LONDON, UK
















Posted in 





