Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo Oo Tacsi U Diray Cabdilaahi Yuusuf Axmed Madaxweynahii Hore Soomaaliya

Warsaxafadeed uu ku saxeexanyahay afhayeenka xarunta madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Daahir Cakuse ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo wuxuu tacsi u diray qoyskii, ehelkii iyo ummmadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Madaxweynahii hore ee TFG-da Cabdilaahi Yuusuf Axmed.

Warsaxafadeedka oo nuqul ka mid ah la soo gaadhsiiyey xafiiska Halbeegnews ee caasimadda Hargeysa ayaa isagoo dhamaystiran waxaa lagu yidhi sidani:

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isaga oo ka tiiran-yeysan, waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo guud ahaan shacbiga soomaaliya ee uu ka baxay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya MARXUUM CABDILAAHI YUUSUF AXMED.

MARXUUMKA oo ku geeriyooday imaaraadka Carabta gaar ahaan Abu-Dubai 23/03/2012.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Soomaaliya ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo

Source-Halbeegnews

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player