Abaaraha Iyo Biyo La’aanta Baahsan Ee Ka Jira Gobolada Awdal & Salal Maxay Xukuumada Somaliland Isaga Indha Tiraysaa?

somaliayesha
Maqaalkaygan kooban waxaan jeclayastay inaan kula hadlo Masuulka maamulaya lacagaha deeqda ah ee loogu talagalay Biyo gelinta Somaliland oo laga reebay Gebi ahaanba Gobolka Awdal.

Waxaa guud ahaan gobolka awdal laga sheegayaa abaaro iyo biyo la’aan baahsan taasoo gaadhay inay dadkii degaanku afka gacanta iska geliyaan haraad darteed, isla markaasna ay isku dayaan inay qayladooda gaadhsiiyaan meel kasta iyo cad kasta oo danaynaysa ay joogto.

Sidaan la wada socono waxaa Somaliland guud ahaan ka jira biyo yaraan inkastoo lagu kala daran yahay, waxayna dawlada Somaliland iska saartay xil dheeri ah iyadoo la hoos carartay aduun weynaha kuwa ay naxariistu ku sii hadhay si looga caawiyo biyo yaraanta.

Waxaa arrin lagu doogsado ah in baaqii laga soo jawaabay loona soo gacan geliyay Xukuumada Somaliland lacag dhan 28 Mullion dollar si biyo gelin loogu sameeyo magaalooyinka qaarkood iyadoo la iska iloobay Gebi ahaanba gobolka Awdal oo sida aynu la wada socono ay ka jirto cidhiidhi biyo la’aaneed marka laga reebo magaalada Borama oo iyadu biyaha ku dabaalata.

Waxaan leeyahay walaalayaal Gobolka Awdal maaha Borama oo kaliya ee waxaa jira Deegaano badan oo dadku kaadidooda cabaan haraad dartiis, sidaas darteed dib u eegis ha lagu sameeyo oo dheefta deegaanka Somaliland ha loo sinaado.

Wa Bilaahi Tawfiiq

Fadxiya Axmed Mire
Borama, Somaliland

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player