Waano Ku Socota Dadka Awdal, Gabiley Iyo Salal By Raxma Sh C/laahi

Waxan mahad balaadhan u soo jeedi nayaa ilaahay, waxanan nabad galyo iyo naxariis u waydinayaa Subanaheena Maxamed ibn Abdillahi ibn Qurashi, Al Hashimi Al Carabi. Waxaan maanta jeclaystay in aan qoraal kayga kula hadlo dadkayaga Awdal,Salel, iyo Gabiley iyo ee beryahan danbe ku mashquulsan qabyadad. Horta ma is waydiinay maxay inoo taraysaa iskala qaadqaadkani danteese ugu jirta dadkeena. Miyaanayka fiicnayn in aynu isku duubnaano, waynu aragnaa in Ethopia oo intaas oo qoomiyadood u kala baxda in ay ku midoobeen wadaninimo. Inagana aqal waliba aqalka kale ayuu ku dhagan yahay hadaan

tusaale u soo qaado magaalooyinka qaar in daan daan loo kala dago inagana qofku haduu

guri dhisanayo jilib jilib looma eego taasina waa astaanta nabada ee aynu caadada u lahayn hadaba haduu dagaal dexdeena yimado waynu isla wada gubaynaynaa. Waxaad moodaa in sideedaba hadaynu nahay reer Awdal in khilaafka umada kale inoo fudud yahay oo aynu markaaba nabada qaadano inaga dhexdeenana nabadu bir inagu tahay. Waxaa hadaba mudan in nabad iyo kalgacayl lagu dhameeyo khilaafka yare e inoo dhexeya ee laga buunbuuniyo qurbaha. Hadaba waxaa haboon inta ayna wax dhibi ina soo gadhin in laynaga dhex helo qayb isku taagta nabad gelyadeena.

 

Hadaan inyar ka hadlo siyasada xageeda anoo ra yigayga ku hadlaya, waxaad moodaa in ay iska jirto qayb raacsan Somaliland oo eegaysa nabad gelyada dadkeena ay inbadan ku soo noolaayeen, ha iska jirto shiftooyin dadka ku qala wadooyinka oo aynaan ka aarsan karin waayo dadrayid ah way inagu adagtahay inaynu layno qaadicu dariiq dawlad ma matalo uma tiirin karno dawlada Somaliland,Waxa iyadna jirta qayb Awdal State raacsan waxay iyaguna eegayaan danta dadkeena oo hadii Somaliland ay ku biirto Somalia in inaga ay inagu dhacayso sida imaka aan ugu yarnahay xukunka Somaliland. Waynu naqanaa kiishka xamar yala waxa inaga soo gaadhaya inta uu leekaan doono waynu ogeyn dawladii Siyaad Barre. Hadaba labada qaybood ee Awdal State iyo Somaliland kala raacsan khasare inagu ma aha, waxase khasaare inagu ah khilaafka dexdeena. Waxaan ku soo qabinaya qoraal kayga in aynu marwalba eegno nabadgelyada dadkeena, dadkeenuna eegaan meesha dantoodu ku jirto. Waxaan kaga baxayaa in aynu iska sifayno qabyalada dhexdeena oo aynu u soo jeedsano sidii aan jidadkeena u

Dhisanlahayn aan dakad u faran lahayn,iyo in aan sidoo kale ku fikirno garoon diyaaradeed, oo aynu noqono dad soomaali u ah tusaalaha nabada.

 

Raxma Sh C/laahi

Ottawa, Canada

 

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player