![]()
OGEYSIIS
Ururweynaha ARDAA wuxu ogeysiinayaa dhamaan jaaliyada Awdal, Salal iyo Gabiley ee ku nool magaalada London ee cariga Ingriiska iyo nawaaxigeeda, in waftiga ARDAA ee jooga magaalada London ay shir balaadan qaban doonaan, tafaasiishuna waa sidatani:
Goobta: RESOURCE FOR LONDON
356 Holloway Road
London N7 6PA
Waqtiga: 5:00 PM
Maalinta: Sabtida taariikh February 25, 2012
Ururka ARDAA wuxu ka codsanayaa dhamaan jaaliyada kor ku xusan iney ka soo qayb galaan shirkaas oo lagu gorfeyn doono arimo muhim ah oo aad u xiisa badan oo khuseeya dhismaha dekedda Lugyaha.
Ururka “ARDAA” e-mail: info@ardaa.org
![]()
Ururka ARDAA waa urur dalad guud ah, kuna saleysan hanaanka bulshada, isla markaana samafal ah. Waxa Lagu asaasay Waqooyiga Mareykanka sanadkii 2007 si ay taageero ugu fidiyaan mashaariicda horumarineed ee dhaqan-daqaale ee gobalada ADAL iyaga oo mideynaaya muruq iyo maalba, una fidinaaya tababar, wacyigeliyaana, horena u mariyaan hogaankooda iyo iney u doodaan xuquuqdooda aadamaninimo.
















Posted in 





