Somaliland Cadawgeeddu waa maamul Xumo iyo Siyaasadd Xumo Ee Ma Jiro Cadow Kale!! by/Amiin Dahir Caynaanshe.

Marka hore waxaan mahada iska leh Illahay (SWT).Marka xigta waxaan salaamayaa dhamaan mushtamaca reer somaliland iyo guud ahaanba ummada Somaliyeed meel kasta oo ay ku suganyiin.

Dad waxa lagu yahay garashada iyo damiirka nool ee uu Rabi-na qadaro.Intii mushkiladaha maamul xumo ay ku habsatay ummadii la odhan jiray Somalia, waxa ummada somaliyeed soo martay wakhti dheer oo murugo iyo xanuun badan iyaduunbaana is marinaysey. Wakhtigaas dheerna waxa laga dhaxlay dhaqamo mucjisooyin ah oo tiro badan oo saamaysey caqliyadii ummadaas intooda badan yar iyo weyn intooda badan. Maamul xumadaas oo aynu la wada socono dhaxal xumadii ay keentay ayaa waxa barbar socday mushkilado kale oo ay ka mid yiin dhaqanxumo tarmeysey oo sameysey yar iyo weyn.Waxa kale oo caado noqday in dadku kal saari waayaan ficilka wanaagsan iyo ka Alleh inaga reebay ee shaydaanku hagayo  iyo caqli xumo aada oo inta badan saameysay ummadii somaliyeed oo run ahaantii dhaxalsiisay marxaladd aad u liidata oo dhan kastoo la eegaba fajac iyo amakaag kugu reebaya.
Halkaa ay maanta marayso  xaalada ummada somaliyeed nin ragi waa garan karaa doqona loo sheegimaayo.Waad qiyaasi kartaan xaalada cidii doontaa danbigeedda ha lahaatee,waxa laysla wada qirsan yahay in caqligii  suurey oo garashadii iskaba sii daba yartahay iyana.Waxa kale oo meeshaba ka baxay dareenkii ibna aadanimada ahaa ee salka ku hayey caqiidada islaamka ee kala hufayey samaha iyo xumma ee lagu kala saarayey wixii danta ah iyo wixii aan danta ummada ahayn. Sidoo kale waxa caado dadkii ka dhigtay weedhaha xumo xanbaarsan oo ay ku soo tabinayaan qoraalo iyo hadalo joogto ah oo ummada isu galinaya nac,xumo iyo kal fogaansho, oo inta dhaqamadaa xun xun tabinaysa mooyee intii kalena badidoodu ay sacab iyo mashxarad la daba fadhiyaan.
Bal miisaama kalmadan “Cadawga Somaliland ama Cadawga Reer Hebel” miyaan markaaba aanad dareemaynin caqi daradda ka danbeysa cidda weedhahaas iyo kuwo kale oo la mida adeegsanaya ee shaaracyada la imanaya, bal isa su’aala cadawga abaabulan ee cidgaara ku foogan maanta ee isla Somali ah? Ma arko anigu wax la yidhaa cadow, ee waxa aan arkaa maamul xumo iyo nidaam xumo dawladeed oo kalifaysa in ummada xumo laysu galiyo, dadkale oo shisheeye ahina gacanta soo gashado markii maamul qaan gaadha laga waayey madaqada dhan. Dadyow kale ayaa talada ummada somaliyeed la wareegay oo iyagu isku haya dano u gaara kalifayna in somalidii kooxba dhan loo faruurxidho la iskuna dilo. Hadaba xalada sidaas ah ee ku habsatay ummada somaliyeed gaar ahaan koonfurta somalia lama odhan karo cadaw ayay cid ku yiin ama iyagaaba isu ah waayo? dadku waxa dhex yaala ee ay isku hayaan maba garanayaan taana waxa kaliftay maamul xummida iyo hogaan la’aanta mudada dheer ku habsatay.
Hadaba waxaan u caqli celinayaa shakhsiyaadka caadaystay in ay hadh iyo habeen ku tirabaan kalmadahan suuska iyo xumaha uun ah ee ay ka midka yiin “Cadawga Somaliland” waxaan ka dardaarayaa mar labaad in ay ka waantoobaan caqliga faraya in ay kalmado colaad hurinaya ay soo bandhigaan iyagoo runtii xaqiiqada ka fog oon weedhaha ay adeegsanayaan sameeyntooda aan garanaynin.
Waxa kale oo doorsoomay dhaqamo badan oo ay lahayeen ummada Somaliyeed degenaashahooda iyo wada noolaashahoodana laf-dhabar u ahaa deegamadu haba sii kala yara dhaqan duwanadaane, dhaqankaa oo ahaa marka ismaan dhaaf dhaco waxa adeegi jiray inta wax garadka ah iyo haldoorka labada dhinac ee xurguftu dhex maratay waxa ay ku dedaali jireen sida ay mushkilada dhacday xal ugu helilahayeen iyagoo ka duulaya sidii nabada loogu soo dabaali lahaa ummadaa khilaafku dhex maray, Balse maanta waxa adeegaya intii mushkiladaha iyo masiibooyinka ummada dhexdhigayey iyagaana dadkii nabadu danta u ahayd ee ahaa shacbiga jilicsali ay u faruur xidhanyiin bal irraadadda Ilahay.
Aan u soo noqdo dulucda qoraalkan oo ahaa dadka balo sheega ah ee meelahaa la taagan warka xun iyo colaad hurinta.Sida aynu la wadda socono waxa jira qoraalo ay dadka qaar soo  qoraan oo ay kaga hadlayaan cadaw iyo nacab heeryeysan oo meel u soo kuududa waa sida ay wax u soo ban dhigaane, waxa ay carabka ku balaadhiyaan  sida kalmadaha ah “Cadawga Reer Hebel iyo Cadawga Somaliland” hadii la su’aalona ma jirto cid ay kuu magac dhabayaan oo ay farta kuugu fiiqayaan oo ay ku odhan karaan waa X iyo Y, cadawga aanu sheegaynaa waxa laga yaabaa in dadka cadawga lagu tilmaamayaa ay yihiin kuwo uga baahan taageero oo xaaladooda nololeed ay aad u liidato oo gurmadka ugu dhowina yahay kuwan cadawga ku tilmaamaya. Bal aan isku yara dayo in aan yara tusaaleeyo oo aan xuubka ku dahaadhan maskaxdooda aan ka dilaaciyo si ay godkan baabul khoofka ah ee ay ku jiraan ay qoorta uggala soo baxaan.
Somaliland waxa ay ku timi dhaqdhaqaaq ka dhashay cadaalad xumo iyo nidaamkii faxaashilka ahaa ee kalidii taliyihii Siad Bare, kula dhaqmay mushtamaca Somaliyeed gaar ahaan ummada gobolada waqooyiga Alleh, ku uumay.Wixii mashaqo dhacayna nina looga waramimaayo anna halkaa dhaafinmaayo.Hadaba  marka aynu dawladd madax bannan oo la yidhaa JSL, sheeganay ee aynu nahay Hebelow, dal calan gaara leh oo aynu waya arragnimo aada sheeganayno, macnaheedu maaha jifo qudha  ama beel qudha ayaa maamulka iyo dawladda iska leh, oo sargooyneysa wax walba, jifadaasana saadaalin karta amuuraha dawladeed iyo cidhibta nabadgelyo ee danbe. Aan ku dareensiiye waxa ay JSL, ka kooban tahay  bulsho balaadhan oo kala deegaan ah oo kala hayb ah, iyagaanay rabitaankoodu tiirar u yahay JSL iyo dawladnimadeedaba, oo ay ku taagan tahay Hebelow, waxa kale oo ay ku dhisan tahay JSL, wada tashiga iyo wada shaqeynta bulshadaas qiimaha iyo qadarinta mudan, waxa hogaanka laga rabaa in uu ummada simo kuna dhaqo cadaalad oo wixii tabasho ah uu u dhaga nuglaado bulshadana hanto dedaalkooda dhiirigeliyo.
Hadii se aad shacbigii cadaaladd daro kaa  tirsanayey iyo wax qabadkii ay kaa mudnaayeen kaa waayey aad ku tilmaanto cadaw saw amuur culus maaha? Maxaad kororsatay een ka ahayn caqli xumo iyo taariikh xumi, waar waxa haboon in laga waantoobo hadalada bahdilan ee ummadaha aan kala maarmaynin lagu kala dilayo ee lagu kala fogeynayo wiil iyo abtigii iyo beel iyo beesheed.
Waxaan kaga hadhayaa.Shakhsiyan aniggu bal irraadadda Illahy, waxaan   cadow u arkaa oo aan u aqaanaa, kuwa inta xilka ummada looga taag-waayo marka loo dhiibana ugu dhaqma si aan ku habooneyn ibna-aadanimada iyo Islaam-nimadda toona ee dadkii doortay u kala gura noocyo kala gedisan oo ay iyagu yaqaanaan uguna sheekeeya in ay cadaw isu yiin oon wax ka dhexeeyaa jirin kuwaas ayaa cadow ah runtii. Sidaa daraadeed waa in la joojiyaa qoraalada aan dhibta mooyee aan dheefta laga dheefaynin.Dadka  qoraaladda aan qaan gaadhin qoraya waxaan farayaa in ay ka fiirsadaan waxa ummadda dhibka u keenaya ee xumaha u kala tabinaya ee isku dilaya, waxaan idinkula talinayaa in wax dan u ah ummada aad ka shaqaysaan hadii kalena aad iska aamustaan.
Somaliland Gool iyo Gobanimo
Maxamed-Amiin Dahir Caynaanshe
Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player