QURBA JOOGTA UK WAXAY SI ADAG U CAMBAARAYNAYAAN JIDHDILKII LOO GAYSTAY SAXAFIGA DA’DA YAR

Waxaan aad uga xunahay, hadaan nahay qurba joogta gobolada Awdal,Salel iyo Gabiley gaadh ahaan wadankan UK, jidhdilka fooshaxun ee loo geestay wariyaha da’da yar ee magaciisu yahay “Maxamed Cabdiraxmaan Ismaaciil”.

 

Jidhdil in lagu sameeyo gabi ahaan qof baniaadmi ah, waa arin ka reeban xeerka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka, waa arin ka reeban, xeerarka Somaalida ama Somaliland iyo xeer dhaqameedka beelaha Gadabuursi.

 

Waxaa hadaba wax aan loo dulqadanayn ah marnaba in lagaga hadho jidhdilkii loo gaystay dhibanahaa ku sugan dhakhtarka Boorama dadkii geystay oo sida la sheegay ay ka mid ahaayeen nin lagu sheegay magaciisa Cumar Laangare iyo 3 Askari oo la joogay anaga oo u soo jeedinaynaa cambaarayn kulul.

 

Waxaan ka dalbanaynaa hay’adaha ku shaqada leh tacadiyada baniaadanimo iyo beelaha Gadabuursi ee ku dhaqan magaalada Boorama in arinkaa tilaabo adag oo sharciga waafaqsan in laga qaado hadii aan laga qaadina ay dhaxalsiindoonto ninka magaaciisa lagu sheegay Cumar Laangare iyo 3 Askari ee la joogtayba cawaaqib xumo ay nolashoodu ku danbayso cabsi iyo argagax taa oo ugu dambayntana dhaxalsiindoonto nabadgalyo daro iyaga iyo reekooduba.

 

Inta la ogyahayna taariikhda, wali laguma arag Gadabuursiga dhexdiisa arin lamid ah arinkan oo kale, sidaan ognahayna ma ogola xeer dhaqameedka Gadabuursi tacadi loo gaysto qof baniaadam ah, ha ahaato mid jidhdhil ah iyo mid handadaad caqli la dagaalanba ah.

 

Sikastaba ha ahaato marnaba u dulqaadanmayno tacadi loo gaysto da’yarta Gadabuursi, laga bilaabo maantana hadaan go’aan laga qaadan arinka runtii dhibaato way yuu dhaxalsiindoonaa gabi ahaanba Somaliland iyo beelaha Gadabuursi.
 ENGLISH VERSION:

Torture which is the act of inflicting severe pain (whether physical or psychological) as a means of punishment, forcing information or a confession is prohibited under the international law. Torture is also illegal or deemed as inhuman under the Gadabursi traditional law.

Torture is also illegal under local law whether we call it Awdal, Somaliland or Somalia.

 

Now as a  Gadabursi Diaspora we  strongly denouncing under Somaliland law, Gadabursi traditional law and international law the inhuman treatment of Mohamed Abdirahman  Ismail in Borama police custody.

Now, although we do not know the full fact and only have heard from the plaintiff family point of view which have accused Omar (langhadhee) and 3 other officers.

If those accusations are correct then let it be known that Omar (langhadhee) and his 3 comrades have broken 3 laws (Gadabursi traditional law, International law and Somaliland law which they are working under). You have also broken the unwritten law of Borama in which physical attacks are forbidden.

From Today, if Omar landhadhee and his 3 comrades are not judged by the court regarding their abuse of power then we as Diaspora will use the gadabursi traditional law. Under the traditional law you will not live peacefully in Borama while you have committed a crime against its youth.

 

You are deemed as Persona non grata

 

 

FATHI ABDI

(Baha gadabursi iyoo birmingham)

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player