Isbedelka & Dabaylaha Siyaasadeed Ee Dul Hoganaya Somaliland iyo Dhoohanaanta Beesha Galbeedka (Samaroon)

Opinion

Waxaa dhawaan bilaabmay duufaano qabow oo ay la socdaan dabaylo siyaasadeed oo maalmihii ugu dambeeyay hadheeyay saaxada siyaasada Somaliland taasoo keentay in meelaha dadweynuhu ku kulmaan sida majaaliista iyo makhaayadaha shaaha laga cabo si weyn looga hadal hayo.

Labaatankii sanadood ee ugu dambeeyay Somaliland waxay soo martay marxalado kala duwan taasoo suurta galisay inay gaadho heer ay doorashooyin u qabsoomaan oo Madaxweynuhu noqdo mid ku yimaada rabitaanka Shacabka. Waxyaabaha u qabsoomayna waxaa ugu weyn nabadgelyo inkastoo ayna ku joogin luga adag.

Dabaylaha siyaasadeed ee gobolka ka taagan saamayntana ku leh Somaliland, waxaa ka mid ah shirka dalka Ingiriiska lagu qabanaayo bishan 23 keeda.

Sida laga warqabo hogaanka siyaasadeed ee Somaliland waxay isku raaceen in Shirkaa laga qayb galo. Go’aankaasi wuxuu ka dambeeyay wadatashi Madaxweynuhu la yeeshay siyaasiinta, madax-dhaqameedyada iyo qaybaha bulshada rayidka ah.

Wadatashiyadaa Madaxweynuhu ugu gogol xaadhaayay Shirka London, dadka uu la tashaday iyo inta qorshaysan ee waftigiisa ka mid noqon doonta waxay ka kooban yihiin xubno ka soo jeeda beesha dhexe inta la ogyahay.
Xaqiiqadaas waxay ka yaabisay dadka siyaasada indho-indheeya ee Galbeedka ka soo jeeda oo ka warqaba sida ay dadweynaha goboladaas ka soo jeedaa u saluugsan yihiin sida Madaxweynuhu hawlahaas u furdaamiyay oo xad gudub ku ah dareenkii dadku aaminsanaa oo ahaa in Somaliland tahay Maamul loo dhanyahay.

Marka loo kuur galo sida wax u socdaan, waxaa cadaatay in Maamulka Hargaysa Shirka London ay u diranayaan ergo matasha beesha dhexe oo loo soo xuley sidii waafaqsanayd xeerkii Beeshaasi dajisatay ayaamihii SNM ay ahaayeen ee ay Itoobiya joogeen.

Sidey doonto ha noqotee, waxaa cad in Somaliland gashay wajigii labaad ee qorshahoogii siyaasadeed ee ay marka horeba goonigoosadka uga dan lahaayeen. Waxaana muuqata in wadadii siyaasadeed ee mustaqbalka ay cagta saareen, wadadaas oo ah tii dib ugu celinaysay Somalia.
Waxa iyaduna cad in Beesha galbeedku wali ku jirto hurdo dheer iyagoo ku habsaamay xafiiltan raqiis ah oo ka indhasaabay dantooda guud iyo mustaqbalkooda siyaasadeed, waxaana taas cadaynaya aamuska ku hagoogan Boorama iyagoo ogsoon xaqiiqooyinka Hargaysa ka socda ee aan kor ku soo sheegnay.

Gabogabadii, in kastoo indheergarad badan horey ugu digeen beesha Galbeedka waxaa marin habaabiyey siyaasiintii soo maray gobolka ee aaminsanaa aragtida gaaban. Haddaba dad tashaday oo himilooyin sare leh waxaa tusaale kuugu filan beesha Dhubahante oo awoodey iney hoggaan ka dhigtaan shaqsigii aqoon ahaan iyo siyaasad ahaan ugu miisaan weynaa beeshaas. Hadal iyo dhamaan waxaa maanta la gudboon inay fadhigan fadhi uga noqdaan dibna u eegaan khaladaadkii la soo marey ee dhalay kala qaybsanaanta iyo jiho la’aanta siyaasadeed. Tareenkii lixdankii la seegay iyo tubtii toosnayd ee 1991kii la garan waayay, yayna xigin in tareenka la istaadhay ina barbar maro ama la’aanteen la koro.

Wa Bilaahi Tawfiiq

Naasir Cusmaan Cumar
Ottawa, Canada

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player