Baro Dhulkaaga
Marka Boorama looga baxo xaga Airport ka waxaad u sii dhaafi fulunfuulada iyo Jirjir, hadana quljeed. ciida dhulkaasi waatan Boorama oo kale waa ciidda cas ee beer roobaadka ku fiican, waxad sii dhexsoconaysaa dhulbeereed ilaa inta aad quljeed u dhaafayso. Daawo
http://www.youtube.com/watch?
Geedaha dhulka ka baxa waxa ugu badan Sogsogta 80%, Galoolkuna wuu jira, iyo carmoda oo geedaha kale dushooda kabaxda. Quljeed waxay waqooyi galbeed kaga toosantahay magaalada Boorama , waxayna u jirtaa 27 kilo meter, waana isla dhulbuureedka Awdal dusheeda. Badda waxay ka sarraysaa 1589 oo meter. latitude: 10° 5 Longitude: 43° 0. Waxay aad ugu dhowdahay xadka Itoobiya. Deegaanka quljeed waxuu u badanyahay beeralay iyo xoolalay. Ciida dhulkaasina waa ciid cas sida tan boorama. Quljeed waxa ku yaal ceel dadka dhulkaasi degan iyo xoolohuba ay kacabaan iyo Dugsi Sare (secondary School), dugsiga sare hadda waxa dhigta ilaa 100 Arday. Ka hoose dhexena ilaa 450 arday.
Quljeed waa halkii lagu caleema saaray Ugaas cabdirashid Ugaas Rooble Ugaas Doodi sanadkii1986 (ugaaska Beelaha gadabuursi waqtigan xaadirka ah). Dhawaanna waxakaloo lagu caleema saarey Suldaan Wabar. Dhinac waxa ka xigta buurta Bolow iyo Biilalay dhinacna buurta Quljeed. Eeg Map ka: https://picasaweb.google.com/
Reer quljeed hadda waxay u diyaar galoobaan inay horumariyaan jidadka kabaxa magaalada, iyo kuwa soo gala. Waxayna rajaynayaan in marka la dhameeyo jidka isku xidhi doona Jaamacada Camuud iyo Airporka booramaa in loo soo wadi doona dhinacooda. waxayna diyaar ula yihiin xoog iyo xooloba inay kaga qayb galaan soo wadida dariiqaas. Hadda waxay wadaan carro tuul ay ku sameeyaan wadada u baxda xagga Boon iyo jabuuti (dalcadaha)
Halkan ka Daawo Quljeed iyo Buurteedii:
Halkan ka daawo Video Dugsiga Sare ee Quljeed
Sawirro Dusiga iyo magaalada: https://picasaweb.google.com/
Halkan Ka daawo xoolo iyo dadkii usoo arooray ceelka Quljeed :
http://www.youtube.com/watch?
Diinkani dariiqa ayuu istaagay Jirjirka, kolley raggii diinka iyo ugaadha nool tuuganimada ku dhoofinayay ayuu ii haystay J
https://picasaweb.google.com/
Quljeed waxaan ka dheerayn Awbuube oo ah dhulkii uu sii maray Richard Burton 1854 kii, markii u ingiriiska sahanka u ahaa, dadka reer Awbuube waxay rabaan Richard Burton dhagax aad dhalaal iyo iftiin badnaa oo uu ka xaday qudbiga sheekha dushiisa markii halkaa uu yimiday 1854 kii in loo soo celiyo, oo qudbiga dib loogu dhajiyo. Ciddii waxka ogna halkuu ku dambeeyay iyo meesha uu hadda ku suganyahayba waxay danaynayaan inay lasoo xidhiidhaan.
















Posted in 





