Barnaamijka Baro Dhulkaaga – Quljeed Inbox x

Baro Dhulkaaga

                                     Abasa iyo Degmada Boon


Marka aad Quljeed ka baxdo waxad sii mari tuurka cobolka (geedka cobolka ayaa ku badan) hadana waxad ka dhaadhidhici labo dalcadood oo Quljeed ka siijeeda.

 

Dariiqu waxuu u noqonayaa dhinaca Bari dabadeedna waxaad u dhaadhici dhul banaan oo dixo ay ku yaalaan, dhulka carradiisu way is badashaa oo hadda waxaad u gali ciid cad, dixahaasi waxay ka kala yimaadaan Buuraha Biilalay iyo Libaaxlay madow oo labadad dhinaca kaga kala yaalla dooxadaas. Dhulkaas waxa la yidhaah daa Abasa wayne iyo Abase yare waa dhulkii uu ninkii ingiriiska Sahanka u ahaa ee Richard Burton sii maray 1954 waagaas waxuu ku sheegay inay libaax iyo garanuug badnayd (Chapter VI). Dadka deegaanku waxay yidhaahdeen Abasa waa magac boqortooyo ka jiri jirtay dhulkan waayo hore, nin lug ku maray buuraha dhinaca bari waxuu iisheegay inay jiraan magaalooyin hore oo duugmay oo wali weelashii dhoobada ahaa iyo guryo sii muuqdaan (waa meel u baahan in si cilmiyaysan in loo baadho). Dhulkan waxad kolkaaba aad dareemaysa geedka tiinka oo meelwalba qabsaday, geedku waa geed aan marna qalalin,muuqaalka guud ee dhulkana qurux buu ka dhigaa oo dhulkaasi waa akhtar had iyo jeer. Tiinka Abasa waa caan oo xoolaha ayaa abaartii ku badbaada oo waagii hore geela ayuun baa daaqi jirey laakiin hadda waxan ku soo arkay ilaa Lo’ daaqaysa, markuu neefku daaqo caanihiisa waa la gartaa oo dadku waxay yidhaahdiin biyo-biyo ayay u dhadhamaan sidoo kale neefka Tiinka daaqay hilibkiisa waa la gartaa, marka neef la iibgaynayo meelkale ayaa lasoo daajiyaa si uu uga baxo tiinku. Waxa kaloo la iisheegay inuu geedku awna ka bixin ciidda cas oo uu ku koobanyahay ciida cad, dhinaca galbeed waxa jira ceel la yidhaahdo Sac waraabis, waxa loogu bixiyay biyihiisa ayaa ka soo dhibca dhagax buurhoosteed ku yaalla markaa waa inaad sugto inta dhibcahaasi soo buuxinayso ceelka, laakiin waligii ma istaagaan biyihiisu gu’ iyo jiilaal.
Halkan ka daawo Abasa iyo xoolo daaqaya: http://www.youtube.com/watch?v=nDbnVAUsn9Q

Awr qooqan oo daaqaya Abasa: http://youtu.be/8-c0vHx_h6E

Markaad sii dhaafto dixaha waxa aad u gali degmada Boon, Latitude: 10° 11′ 39″ Longitude: 43° 5′ 19″ E, Badda waxay ka sarraysaa 1349 metres (4427 feet). Quljeed boon waxay u jirtaa 17 KM Booramana waxay ka fogtahay 45 KM, Boon waxa hadda sii mara oo ku nasta dadka baabuurta Djibouti u baxaysa la socda oo markay boorama ka baxaan ka sii casheeya markay Djibouti kasoo baxaanna ka qureecda, hadda waxa la hadal hayey in Boon laga furi doono farac jaamacadeed. Boon waxay ku caan tahay hilibka sida macaan loo dubo ee la yidhaahdo soleyga (hadaad marto yuuna ku seegin) waakan sawirkiisu: https://picasaweb.google.com/103951487033647438270/February42012#5705254065081123346
https://picasaweb.google.com/103951487033647438270/February42012#5705253959140480594
Boon waxaa biyaha looga soo qaadaa dix la yidhaahdo Afdoox

Halkan Kadaawo video qurux badan ee Boon : http://www.youtube.com/watch?v=DF9KH1Z09S0

Boon miskiidka iyo Dugsiga hoose dhexe: http://youtu.be/-3Qw2egbU-Q

YouTube - Videos from this email
Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player