Dadkii ugu magaca dheeraa ee aduunyada ka tagay 2011

Laga bilaabo caalamka filimada ilaa arimaha dunida guud ahaan ,laga bilaabo ELIZABETH TAYLOR,OSAMA BIN LADENMUAMAR ALKADAFI  and  VECLAV HAVEL.
Bal aan soo koobo ama aan soo qaato inta aan garan karo dadkii ka xijaabtay dunidan aynu ku noolahay 2011.
BISHII JANUARY
24. SAMUEL (87) sano.waxa uu ahaa nin diimeed oo u dhashay dalka MEXICO. waxa uu u halgami jirey xaquuqda dadka wadanka asal ahaan u leh ama loogu tagay.waxa uu ahaa nin door laxaad leh ka qaatay dhexdhexaadinta mucaaradka hubaysan ee lagu magcaabo SABATIA iyo dawlada wadankaas sanadiihii sagaashamaadkii.
30. JOHN BARRY(77) waxa uu ahaa nin ku xeel dheer muusikada dalka BRITAIN,waxana uu inta badan ku noolaa wadanka maraykanka, waxana uu muusikada u sameeyey filimada JAMES BOND.

BISHII FEBRUARY.

28. J.RAZEL (89)  sano. Waxay ahayd jilaa (actress)maraykan ah, waxayna caan ku ahayd muujinta xubnaheeda,taas oo ay ku kasbatay  dhaleecayn  badan ay u soo jeediyeen dadka qaarkood. waxa uu mageceedu soo baxay oo ay ahayd xidigta aduunka sanadihii kontomaadkii.

BISHII MARCH.
23.ELIZABETH TAYLOR (79) sano .Waxay ka mid ahayd dadka faro ku tiriska ah ee ka hadhay halyeeyadii HOLLYWOOD. waxa kale oo ay u ololayn jirtay ka hortaga xanuunka dilaaga ah ee AIDSka .

BISHII APRIL
9 . M.LOMIT(86)sano. film sameeye ,soo saare. . filimkii ugu caansanaa ee uu sameeyey waxa uu ahaa (12 angry men) 1957.
30.ARANISTO SABATO(99)  sano. hal abuur iyo gabayaa. waxa kale oo uu ahaa gudoomiyihii ururka baadigoobka iyo xog ururinta dadkii lagu waayey digtaatooriydii (1983-1976).waxa uu u dhashay wadanka ARGENTINE.

BISHII  MAY
2. SHEEKH USAMA BIN LADEN(54)sano.  Hogaamiyihii ururka AL QAACIDA ninkii ka dameeyey sida loo maleeyo weerakii lagu qaaday  maraykanka  11 september 2011.waxa lagu dilay sheekha weerar ay guuto ka mid ah cidamada maraykanka fulisay . guri uu ku noolaa muddo lix sano ah oo ku yaala duleedka magaalada ABUTA BAT, sheekha waxaa la raadinayey mudo toban sano ah.allaha u naxariisto.
5. CL.SCH.(110) sano. waa askarigii ugu dambeeyey askartii ka qayb qaadatay dagaalkii koowaad ee aduunka. waxa uu u dhashay dalka BRITAIN.
8.GUNTER SACHS(78)sano waxa uu ahaa maalqabeen wayn. waxa xaaskiisa ahayd BRIGITTE BARDOT  oo ahayd actress.
BISHII JUN.
7.K.SIMBRON(88) sano.Waxa uu ahaa qoraa caan ah oo wax ku qora luqada fransiiska, wuxuu ku dhashay wadanka SPAIN ,waxa uu u guuray france 1936. waxa uu si adag uga soo horjeeday NAZIGII. waxaana dhawr jeer la dhigay xabsiga.waxa uu ahaa nin shuuci ah si aad ahna uga soo horjeeda xukunkii FRANCO ee spain.
18.ALINA BONITA(88)sano .waa haweenaydii uu ka tagay ninkii haystay shahaadada caalamiga ah ee nabada ee la oran jiray SAKHAROV. waxa ay ahayd haweenay xadiid ah oo u soo halgantay xaquuqda bani aadamka gaar ahaan wadamadii la isku oran jiray SOVIETKA. waxa ay si adag wax uga sheegi jirtay siyaasada dhaqaalaha ee madaxwayne PUTTIN.
BISHII JULY.
4.OTIS DIR HUMBURG.(98) sano.waa qofkii ugu dambeeyey ee dhaxal u lahaa boqortooyadii HUNGRY, waxa uu aad ugu doodi jiray in la ilaaliyo dhaqanka wadamada yurub.
5.SAM TO BALI(83) sano (american abstract painter)
20.LOUISIANA RED(88)farshaxan reer Britain ah.
24 .AMY WINAHOUSE(27) sano.waaa fanaanadii heesaha ee dad badani ka daba dhici jirey. waxaa la helay iyada oo mayd ah,ka dib markii ay isticmaashay dawo xad dhaaf ah.
25, MICHAEL KAKOYANNIS.(89)  sano waxa uu u dhashay jaziirada QUBRUS , asal ahaan waxa uu ka soo jeeday wadanka YOONAANn(grece). waxa uu soo saaray filimkii la dhihi jirey GRECE ZORABA.
26.AGOTA KRISTOF(75) sano.waxay ahayd qoraa asalkeedu ka soo jeedo HUNGRY. laakiin waxa ay ku barbaartay oo ay jinsida ka haysatay wadanka ZWITZELAND.
BISHII AUGUSTUS.
19 RAUL RUIZ(70) sano. waxa uu ahaa ragga filimada sameeya ,asalkiisuna waxa  uu ka soo jeedaa wadanka CHILE .waxa uu wadankiisa masaafuris kaga tagay 1973.

BISHII SEPTEMBER.
20.BURHANUDIIN RABAANI(71)  sano.waxa lagu dilay weerar ismiidaamin ah(dagmo) . waxa uu ahaa madaxwaynihii hore ee AFGHANISTAN.waxa uu u xil saarnaa markii la dilay wadahadalada dawladu la leedahy TALIBAN.waxa uu ku biiray mujaahidiintii bilowgii sideetamaadkii. allaha u naxariisto.
BISHII OCTOBER
5.STEVE JOBS(56) sano waxa uu ahaa mid ka mid ah aasaasayaashii shirkada APPLE COMPANY  waxa kale oo uu ahaa maareeyaha guud ee shirkada. waxa uu u dhintay xanuunka  canserka ( kansar) oo kaga dhacay bancariaska.
5.GOKUSEN SIVAJI (84) SANO. waxa uu ahaa sawir qaade u dhashay turkiga,waxa uu ahaa dadkii unkay wakaalada wararka iyo hayada sawir qaadida ee dalka.
20.MUAMAR AL KADAFI.(69)sano. hogaamiyihii dalka liibiya, waxaa lagu qabtay magaalda SIRT.isla maalintaas ayaa la dilay waxa kale oo isla maalintaas la dilay wiilkiisii curad MUTASIM AL KADAFI. allaha u naxarristo dhamaantood.
BISHII NOVEMBER.
7. JOE FRAZIER.(67) sano. waxa uu ku guulaystay ciyaartii ama tartankii feedhka ee qarniga, taas oo ay isaga hor yimaadeen KLAY.  ka dibna loogu magac daray mohamed ali klay.
22.SVETLANA STALINE(85) san. waa gabadh uu dhalay hogaamiyihii caanka ahaa waa G. STALIN.waxa lagu magcaabi jiray LANA.waxa ay cimrigeeda inta u badan ku noolayd U.S.A.
27.KING RASEL (84)sano . waxa uu ahaa soo saare filimada , filimadiisa kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah (WOMEN AND LOVE)waxa uu u dhashay wadanka BRITAIN
BISHII DECEMBER
KIM JONG IL(69)sano.hogaamiyihii kuuriyada woqooyi,waxa uu wadanka ku hayey gacan bir ah. wadankana waxa uu qabsday ka dib geeridii aabihii oo ahaa madaxwaynihii ka horeeyey.
18.VECLAV HAVEL(75) sano waxa uu ahaa nin ku xeel dheer qorida sheekooyinka iyo waliba riwaayadaha.sidoo kale wuxuu ka mid ahaa ragii ugu caansanaa ka soo horjeestay nidaamkii shuuciga .waxa uu ahaa madaxwaynha CZECHOSLOVAKIA(1992_1989).ka dibna waxa uu noqday CZECH REPUBLIC.

Kuma soo koobi karayo halkan dhamaan dadkii geeriyooday sanadkii 2011, waxaynu ognahay in dhamaan san ku neefle oo dhan la siibi doono naftiisa. waa in aynu mar waliba maskaxda ku hayno oo aynaan ku noolaan qaflad iyo ilowsho. geerida dadka geeriyoodayna waxay u tahay kuwan nool cibro ,dignii iyo waano.

OMAR IBRAHIM ADEL.
UTRECHT. HOLLAND.
Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player