Dilkii Seemaal: Doqoniimo Kugu Raagtaybaan Cidi Dabiibayne, Ma Xisaabtanaa?

“Qabiilku Naxariis Ma Leh, Qabiil Dawlad Kuu Sheegtayna Waa Lagu Baaba’aa” (Jeneraal Yusuf Tallan- Dec.1999)

Wadhaf News-December 7, 2011: Dhacdadii lagula kacay dad guryahoogii nabad ku jiifa habeenkii bishu ahayd 5tii December 2011 ee gacan dhagaraysan ku mirtay saddex muwaadin Tuulada Seemaal, waxay ka turjumayaa dhaqan waxashnimo oo la caadaystay, aadamuhuna u dul qaadan Karin. Cambaarayn kasokow waa wax la nacdalo kuwii fuliyay, kuwii ka dambeeyay iyo kuwa ka gaabsanaaya inay wax ka qabtaan.

Ka hadlimaayo oo waa laga wada dharagsan yahay sifaha xawayaanimo ee dhagarqabeyaashu u dileen saddexda muwaadin ee kale ah:

  1. Ismaaciil Muxumed Caateeye
  2. Dayib Maal Axmed
  3. Cumar Dayib Maal ( Waxaa dhaley Marxuunka labaad)

Waxaan Mujaahidiinta saddexda ah Ilaahay uga baryaynaa inuu Jannadiisii ka waraabiyo, anagoo tacsi tiiraanyo iyo murugo weyn leh u gudbinaynaa qoysaskii, eheladii iyo dhamaan dadka reer Awdal gaar ahaan dadka Degmada Baki iyo Tuulada Seemaal ee Saddexda Marxuun ka baxeen, waxaanan Raxmaanka uga baryaynaa inuu samir iyo iimaan buuxa ka siiyo shuhadadaa xaq darada lagu diley.

Dhacdadan oon ahayn mid curad ah waxay markhaati ka tahay jiritaan la’aanta nabadgelyo inkastoo taniyo 1991kii dad aaminsanaayeen in nabad laga yagleelay Somaliland. Dhacdadan oo salka ku haysa tii la midka ahyd ee dhacdey 11/07/2009 oo lagu xasuuqay dad safar ahaa. Dhacdadaa laba sano ka hor la sameeyay oon wax xal ah loo helin ayaa sahashay in maantana tii mid la mid ah isla dadkii dhagarta hore u gaystay ku mireen dad guryahoogii jiifay.

Maamulkii hore ee Somaliland dhacdada hore wax uu ka qabtay ma jirin wax baadhitaan ahna lama furin, kuwii laga galayna sidii umusha ayay degdeg u ilaaween dhagartii laga galey. Waxqabla’antaana  Cid masuul ciidan ah ama boolis ah oo loo nisbeeyay ma jirin, wax siyaasi ah oo dusha laga saarayna ma jirin balse waxaa cad in eeda ay iska leeyihiin siyaasiintii markaa joogtay iyo dadkii ay ka dhasheen dadkii la gowracay. Siyaasiintu maaha kuwa beesha dhexe oo kaliya balse waxaa ku jira kuwa Awdal oo uu ugu horeeyo Rayaale oo maamulkiisii xal u waayay dhacdadii jidgooyada. Dhaqanku soo ma ahayn haddii dawlad wax kuu qaban waydo in ninkii wax tabayaa inuu isagu dantiisa ku tooso oo uu dul tago cidduu tuhmayo? Maxaa diiday ama diidanaa? Waa su’aalo mudan in laga jawaabo…

Maamul cusub ayaa ka dhashay Somaliland balse madaxda ciidanku iyo booliskuba waa kuwii dhacdadii hore maareeyay ee wax kiisa ah furi waayay, inkastoy dhacdad hore ku riixi karaan amar ay ka waayeen dhinaca Madaxtooyada. ( Waxaan ognahay in dadkii ka fakadey dad qalatada ee markhaatiga ahaa boolisku waraysanin una diideen in wax wareysiya saxaafada siiyaan).

Dhacdadan maantu waxay u eegtahay in la go’aansadey oo la qorsheeyay in si joogto ah loo fuliyo hawlo argagixiso leh oo keena in dadka degganka ku nool ka qaxaan dhulkooda damacu dul saaran yahay, qorsheyaashaa oo dadka maleegay shaadh ciidan ama mid dawladeed huwan yihiin.

Mashkuladuna waxa weeyi marka falalkaas dhagaraysan la fuliyo dadkii dhibta loo gaystay waxaa loo lulaa calan dowladeed oo loola tagaa ereyo ku guubaabinaaya in dawladu wax qaban doonto si ay u joojiyaan inay aargoostaan. Balanqaadkaas dawladu wuxuu noqdaa hal bacaad lagu lisay. Su’aashu waxa weeyi ilaa gormay socon doontaa farsamadaa dhinac qudha lagu dulmayaa?

Aqliga saliimka ah ma garan waayin in Maamulka Soomaliland yahay mid cadaalada ka fog taniyo maalintii Boorama lagu yagleelay. Ciidanka dawlada lagu sheegaa waa ciidan beeleed, qaab-dhismeedkiisana waa la hayaa iyo madaxda guutooyinka oo dhamaantood reer qudha ka soo wada jeeda.

Taliyaha Ciidanka oo cidna ka qarsoonayn inay isku qoys yihiin ragga dhagartii hore iyo tan Seemaal fuliyay inuu ilaa maanta madax ka ahaado ciidan dawlad lagu sheegaayo waa qayral-sharci, waxayna ku muujinaysaa in la kala fog yahay, wax xal ahna lagu talo galin. Waana halka su’aasha wayni ka taagan tahay.

Haddii Maamulka Somaliland rabo inuu hab dawladeed wax u maareeyo, talaabada ugu horeysaa maahaa mid la laba-labeeyo, balse waa qodob xaq ah:

Waa inuu si degdeg ah xilka uuga qaadaa ninka ciidanka haysta, dacwadna lagu furaa. Waayo isagoo ah taliyaha ciidanka ma garan waayin inuu dawlada farta ugu fiiqo nimanka ilma-adeeradiiya ee gacmaha dhiiga ku leh. Siduu markaa masuuliyadaa u haynkaraa? Xaqiiqadaas mayna tusaale u ahayn inuu xagga sharciga laftiisu yahay dambiile?

Taa marka la helo waa in ciidanka qaab dhismeedkiisa dib loogu noqdo oo taliska ciidanka ay ka mid noqdaan dadka Somaliland wada dagaa. Haddan taasi iman Karin, arrintu way cadahay, waana mid ku khaysbaysa dadka dhagarta laga galay inay tashadaan, naftooda iyo maalkoodana daafacdaan.

Dawlad wax la yidhaa ma jirto mar haddii muwaadinku ku aaminayn naftiisa. Naftiisa iyo xoriyadiisa haddii dawladu difaaci waydo waxaa waajib ku ah muwaadinka inuu dawlada kala noqdo kalsoonidiisa una halgamo sidii naftiisa iyo maalkiisa isagu u difaaci lahaa, waana qodob ku cad xeerarka dawliga ah iyo Shareecadda Islaamka. Maanta Awdal waa jidka u banaan haddii isbadal baaxad leh Maamulka Somaliland dadka ku qancin waayo.

Xalku kuma koobna dadkii fal dhagareedkan iyo kii hore galey oo maxkamad la keeno, xalku wuxuu ku jiraa isbadal salbalaadhan oo ciidanka beelaysan ka dhigi  ciidan ummadu isku aaminto oo ay iska dhex aragto, waxaana ugu horeeya ninka taliyaha ah oo xilka laga qaado laguna furo dacwad xaq ah.

Dadka reer Awdalna mid gaar ah iyaa hortaal oo ah cashar wayn: Dhowrkii bilood ee u dambeeyay arrimihii micno darada ahaa ee muujiyay foolxumadiina waxaad galiseen dadaal badan oo dhinac walba ah, waxaana ka soo baxay ceeb aan horey loo arag.  Quwaddii iyo xusul-duubkii aad galiseen soo meel kuma haboonayn? Doqooniimo kugu raagtaybaan, cidi dabiibayne, aan xisaabtano.

Source-Wadhafnews

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player