Degaanka Qalooc Ee Degmada Magaala Cad Oo Shir Beeleed Uga Bilaabmay Beel Ka Mid Ah Beelaha Dega Gobolada Awdal/Salal

Boorama-(idhanka) Waxaa maalinimadii shalay ahayd degaanka Qalooc ee degmada magaala Cad ka furmay shir beeleed ay iskugu yimaadeen Beel ka mid ah beelaha dega Gobolada Awdal/Salal oo in muda ah ku hawlnayd in ay qabsadaan shirkaas.

Furitaanka Shirkan oo ahaa mid aan saxaafada loo yeedhin laakiinse gadaal laga sheegay in ay maalinimada maanta ah ee ay bisha December Sideeda tahay si rasmiya ugu marti qaadi doonaan saxaafada shir beeleedka loo bixiyay Shirka  wada tashiga Beesha Reer Faarax Nuur (Reer Nuur) ee ka socda Degaanka Qalooc ee degmada Magaala Cad.

Sida aan hadaba ilo xogogaal ah ku helnay shirkan u jeedada iyo waqtiga uu soconayo waxa naloo sheegay in shirkani yahay mid wada tashi oo ay beeshani yeelanayso wixii iyada u dan ah kaas oo socon doona muddo aan ka badnayn Afar cisho.

Hase ahaatee shirbeeleedkan maalinimadii labaad galay ayaa ah mid ku soo beegmaya xili ay jirto xiisad ka dhalatay dil loo gaystay dad aan waxba galabsan degaanka Seemaal ee degmada Baki waxaana la is waydiinayaa beeshani ma ku darsan doontaa ajandaha arimaha haatan taagan ee aan wali dhinac u dhicin iyada oo Saddexdii cisho ee uu qabtay suldaanka guud ee beesha Reer nuur in lagu soo qabto gacan ku dhiiglayaashaas ay maanta ku egtahay ayaanan la saadaalin kari waxa xigi doona ee talaabo ah.”

Source-Boramaonline

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player